Abdi boodhari

Abdi boodhari

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdi boodhari, Desporto e lazer, luanda, .

31/07/2026

Ma rabtaa in lagu ixtiraamo jooji dhaqamadan soo socda......

1. Ha sharxin wax kasta oo aad samaynayso. Qof walba uma baahnid inuu fahmo go'aannadaada.

2. Ha oran "haa" wax kasta. Mararka qaar "maya" waxay ilaalisaa waqtigaaga, xasilloonidaada, iyo qiimahaaga.

3. Ha raadin ansixinta dadka.

Haddii aad mar walba sugto in dadka ku ammaanaan, waxaad luminaysaa kalsoonida naftaada.

4. Ha u sheegin qof walba qorshahaaga. Dadku ha arkaan natiijadaada, ee ha maqlin tallaabo kasta oo aad qaadayso.

5. Ha ka jawaabin ixtiraam-darro kasta. Mararka qaar aamusnaantu waa jawaabta ugu xooggan.

6. Ha is barbar dhigin dadka kale.

Qof walba wuxuu ku socdaa waddo u gaar ah. Is barbar dhig naftaadii shalay.

7. Ha ilaawin qiimahaaga. Qofka aan ku qadarin maanta, ha u baryin inuu berri ku qiimeeyo.

Ixtiraamka dhabta ahi ma yimaado marka aad dadka ka farxiso. Wuxuu yimaadaa marka aad barato inaad naftaada qiimeyso, xuduudahaagana ilaaliso.

La wadaag saxiibadaa kale

25/07/2026

Qabyaaladi ima xadayso
Xuduud iyo iguma oodo
Xeydaab reera Lee yihiin
Xor nimaan u booqdaa
Xamar iyo hargaysiyo
Xeraale garoowe iyo
Tiyeegloow xageediyo
Xagashii baraawiyo
Balad xaawo bu'aaliyo
Xayiyo kismaayiyo
Sii xaluula badadhoo
Xooriga boosaasiyo
Xaafuun iyo caluuliyo
Jigjiga xeebihi jaabutiyo
Gaarisada xageysiyo
Ku xanfari wajeer iyo
Xaafadi mandheeriyo
Xornimada wajeertii
Loo xasuuqay dadkeeda
Dhulka soo xagaagufay
Umaddaa lagu xeeray
Xigtiyo ehel baa naho
Sinaba uma kala xigsado

24/07/2026

Naftu naf bey rabta
Naftuna naf kle rabta

24/07/2026

Waxay dhaheen
🌸 4 Waxyaabood oo Ay Gabadh Kasta Tahay Inay Barato Ka Hor Guurka

Guurku ma aha oo keliya inaad hesho qof aad nolosha la wadaagto… waa inaad sidoo kale diyaar u noqotaa nolol cusub, dad cusub, iyo masuuliyado cusub. Marka gabadhu guursato, k**a guurayso oo keliya guri ay ku soo kortay, balse waxay sidoo kale ka guuraysaa qoys ay taqaan una guuraysaa qoys cusub oo ay qayb ka noqonayso. Dadkaas cusub waxay noqon karaan dadka kula wadaaga farxaddaada, maalmaha adag, iyo noloshaada mustaqbalka haddii Alle idmo.

Sidaas darteed, maalinta aad reerkaas cusub gasho, sida aad u dhaqanto, sida aad u hadasho, iyo shakhsiyadda aad muujiso waxay noqon karaan sawirka ugu horreeya ee lagaa qaato. Bilowga h**e wuxuu leeyahay muhiimad weyn, sababtoo ah sida laguu arko iyo sida dadka kula dhaqmaan marar badan waxay ka bilaabmaan sida aad naftaada u soo bandhigto.

1. Baro Naftaada

Ha u oggolaan dadka kale inay kuu sheegaan qofka aad tahay. Baro naftaada, ogow awoodahaaga, aqbal meelaha aad u baahan tahay inaad horumariso, oo dhis kalsooni gudaha ah. Qofka naftiisa yaqaan ma fududa in la cabsi geliyo, lagu yareeyo ama hadallada dadka kale ay dhaawacaan.

Qiimahaagu k**a yimaado sida dadka kuu arkaan, wuxuu ka yimaadaa sida aad naftaada u aragto, kalsoonida aad leedahay, iyo isku hallaynta Alle. Marka aad taqaan qofka aad tahay, waxaad si fiican u garanaysaa waxa aad mudan tahay iyo sida aad dadka ula macaamilayso.

2. Baro Xak**aynta Naftaada

Nolosha guurka waxaa ku jira dad kala duwan, dabeecado kala duwan, iyo xaalado u baahan dulqaad iyo faham. Ma aha hadal kasta inuu u baahan yahay jawaab, mana aha arrin kasta inay mudan tahay muran.

Qofka bisil waa kan garanaya goorta uu hadlo, goorta uu aamuso, iyo goorta uu iska dhaafo wax aan faa’iido lahayn. Mararka qaar aamusnaantu ma aha daciifnimo, ee waa xikmad iyo awood aad ku ilaalinayso deganaanshahaaga.

3. Baro Farshaxanka Jawaabta

Jawaabta ugu xooggan mar walba ma aha tan dheer ama codka sare leh. Mararka qaar erayo yar oo deggan ayaa ka awood badan dood dheer. Ha siin qof kasta awood uu ku kiciyo shucuurtaada ama uu ku xukumo maalintaada.

Baro waxa mudan waqtigaaga, waxa mudan tamartaada, iyo waxa ay fiican tahay inaad iska dhaafto. Qofka caqliga leh ma dagaallamo dagaal kasta, wuxuu doortaa meelaha uu codkiisa iyo waqtigiisa gelinayo.

4. Dhis Shakhsiyad Adag oo Kalsooni Leh

Shakhsiyadda adag ma aha qaylo, kibir ama inaad dadka ka sarreyso. Waa degganaansho, ixtiraam, iyo inaad taqaan qiimahaaga. Ha isku dayin inaad qof walba ka farxiso adigoo naftaada luminaya.

Samee xuduudo caafimaad leh, si edeb leh u hadal, oo ilaali karaamadaada. Marka aad naftaada ixtiraamto, dadka kalena waxay bartaan inay ku ixtiraamaan.

🤍 Ugu dambayn…

Ka hor intaadan noqon qof ay dad kale jecel yihiin, noqo qof nafteeda jecel oo dhistay. Baro naftaada, kobci shakhsiyaddaada, xakamee shucuurtaada, hadalkaagana xikmad ku dar.

Sababtoo ah guurka wuxuu ugu qurux badan yahay marka uu galo qof yaqaan qiimihiisa, ilaashan kara karaamadiisa, kuna nool kalsooni, dulqaad iyo tawakkal Alle.

Haddii aad jeceshahay talooyinkan, follow Kaaba si aad u hesho talooyin aroos oo badan

23/07/2026

Waa maxay; sheyga koowaad ee sababi kara in aad gebi ahaan ka xiiso dhacdo qofka aad xiriirka la leedahay?

23/07/2026

Cilka ugu weyn wa marka aad amusTo
Adigo wax wlpa daremYa,,,🥹

23/07/2026

Si kastey Dharaaruhu u Dhibaan Nin geesiya hadba dhinac utuuraan waqti adag udhalan rogo, duruufuhu ku dheelaan, waa dhaabad adagoo, ninka Ragi ma Dheeliyo, isma dhiibo Geesiga.

23/07/2026

"Ma ogtahay sida ay naadir u tahay inaad hesho qof dunida u arka si la mid ah sida aad adigu u aragto, xitaa haddii ay tahay hal habeen oo keliya?"

22/07/2026

Waa Been hadaan dhahay
Bedelkaagii waan helay

Waa been hadaan dhahay
Bilan kuu ma xiisoo
Waxaan helay bogsiiya

Waa been hadaan dhahay
Beerkii ku tabi jiray Kuuma
baahna Inanyahay

Waa been hadaan dhahay
Kaa tir-tiray boggaygii
Baryo qaar ku tabi jiray

Runtu Bilan waxay tahay
La’aantaa bogsoon waa
Bukaan socod sidiisii
Hurdadaan ka boodaa
Habeenkoo badhkii tagay
Cidladaan ka baaqaa
Baxsan kuugu yeedhaa

Balantii dhexdeeniyo
Jacaylkii bilaanayee
Innagoo barbaaroo
Ubax baar dilaacsaday

22/07/2026

Qosolkiyo nashaadkiyo
Soo celi qabkaagii
Bal hakaa qafiiftee
Murugadan qarsoon iyo
Qisadaadan gaarka ah
La wadaag qudh kuu dhaw

Ruuxaan quluubtiyo
U qalmayn wadnaha tuur
Marhoraad qiyaas li'i
Qof usoo jeclaatee
Qalbigaagan dhaawacan
Ha u quudhin ruuxaan
Qoontiisa dhayi karin

Ha qorsheyn xidhiidh kale
Adoo qaba dhibkii h**e
Wakhti qaado keligaa
Oo naftaada qiimeee

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility?

Website