21/08/2026
🔥👕Third Kit 2026/27 EE BAYERN MÜNCHEN 🔴⚫️
Funaanadda 3-aad ee Bayern München sidee kula tahay? 👕🔥
Ma kula qurux badan tahay? 10-ka imisa ayaad ku qiimeyn lahayd? ⭐️
Taageerayaal, qiimeyntiinna hoos noogu reeba 👇
10/10, 9/10, 8/10…? 🗣️❤️
19/08/2026
❤️🩹 Jamal Musiala oo fariin qalbi-dejin ah soo diray!
Musiala ayaa sheegay in dhacdooyinkii garoonka ka dhacay ay sabab u yihiin cilad ku-meel-gaar ah oo neerfaha ah, taas oo keenta inuu muddo kooban feejignaantiisu yaraato.
🩺 Wuxuu xaqiijiyay inuu helayo daryeel caafimaad oo heer sare ah, isla markaana aysan jirin khatar caafimaad oo dheeraad ah.
💪🏼 Waan fiicanahay, waxaanan ku socdaa waddadii saxda ahayd.”
❤️🤍 Waan kula jirnaa, Jamal! Soo kabasho iyo caafimaad wanaagsan ayaan kuu rajaynaynaa. 🙏🏽⚽🔥
18/08/2026
🚨 WAR CUSUB: JAMAL MUSIALA OO MAR KALE GAROONKA KU DHACAY!
Jamal Musiala ayaa mar kale garoonka dhexdiisa ku dhacay kadib markii uu la kulmay dhaawac culus oo walaac geliyay ciyaartoyda iyo taageerayaasha Bayern Munich. 🔴⚪
Ciyaartoyda labada kooxood ayaa si degdeg ah ugu soo dhowaaday Musiala, iyadoo shaqaalaha caafimaadkana loo yeeray si ay xaaladdiisa u qiimeeyaan.
Musiala ayaa ugu dambayn garoonka looga saaray isagoo caawimaad ka helaya shaqaalaha caafimaadka. Dhaawacan ayaa walaac weyn ku abuuray Bayern, maadaama uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.
Warbixin rasmi ah oo ku saabsan heerka dhaawaca iyo muddada uu garoomada ka maqnaan karo ayaa la sugayaa.
🙏 Waxaan Jamal Musiala u rajaynaynaa caafimaad degdeg ah iyo inuu si dhaqso leh garoomada ugu soo laabto!
18/08/2026
🚨🏆 HARRY KANE OO FARO DHEER U TAAGAYA BALLON D’OR! 👀🔥
Hal su’aal ayaa hadda taagan: Harry Kane ma noqon karaa ninka qaadaya Ballon d’Or? 🏆⚽
Xiddiga Bayern Munich ayaa si cad u sheegay in ku guuleysiga abaalmarintan ay u noqon lahayd guul weyn oo aan la ilaawi karin, isagoo xusay inuu xilli ciyaareedka oo dhan bixiyay wax kasta oo uu awoodi karay. 💪🔥
🗣️ Kane:
“Ballon d’Or gacantayda kuma jirto… laakiin haddii aan ku guuleysto, waxay ahaan lahayd wax fantastik ah. Weli waxaa ka harsan 2 ilaa 3 bilood ka hor inta aan go’aanka la gaarin.”
Kane hadda wuxuu sugayaa go’aanka, balse tartanka ayaa sii kululaanaya. 👀🔥
🥇 Adiga haddii codka laguu dhiibo, Harry Kane ma siin lahayd Ballon d’Or?
💬 HAA mise MAYA?
Faalladaada ku reeb 👇
❤️ Like saar & 🔄 Share garee si aad u ogaato cidda taageerayaasha kale ay dooranayaan!
16/08/2026
🚨 Jamal Musiala ayaa shalay cabsi geliyay taageerayaasha Bayern Munich kadib markii uu garoonka ku dhacay kulankii ay Bayern la ciyaartay RB Leipzig.
Musiala ayaa dhaliyay goolka 3-aad ee Bayern, balse wax yar kadib ayuu dareemay wareer, isagoo isku dheelitirnaanta waayay. 😰
Xilliga uu dhacayay, Ismael Saibari ayaa si degdeg ah uga soo gaaray oo qabtay Musiala, taasoo ka hortagtay inuu si xun dhulka ugu dhaco. 👏❤️
Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale si dhaqso ah ugu soo gurmaday, waxaana markii dambe Musiala uu garoonka uga baxay isagoo lugaynaya. Wararka h**e waxay tilmaamayaan in xaaladdu aysan ahayn dhaawac halis ah.
⚽ Kubaddu waa qurux, laakiin caafimaadka ciyaaryahanku ayaa mar walba ka horreeya wax walba. ❤️
14/08/2026
14-ka Agoosto — Hal maalin, laba xusuus oo taariikhi ah 🇸🇴⚽️
Maanta waa sannad-guurada Galmudug, waana isla maalintii taariikhda kubadda cagta lagu qoray mid ka mid ah guuldarrooyinkii ugu waaweynaa ee Champions League:
🔵🔴 Barcelona 2–8 Bayern Munich ⚽️🔥
📅 14 Agoosto 2020
Sidaas darteed, 14-ka Agoosto waxay noqotay maalin ay laba taariikhood oo waaweyn isku beegmeen.
Hambalyo sannad-guurada Galmudug! 🇸🇴❤️💚💙
Iyo… Bayern 8–2 weli lama illoobin 😂🔥
11/08/2026
🏆 BALLON D’OR 2026 — HARRY KANE?
65 kulan • 73 gool • 8 caawimo 🔥
Harry Kane ayaa soo bandhigay xilli ciyaareed heer sare ah, isagoo tirooyin cajiib ah ka sameeyay koox iyo xulba.
Laakiin su’aashu waxay tahay: ma ku filan yihiin tirooyinkani inuu ku guuleysto Ballon d’Or-ka? 🤔
Tirooyinku doodda way furaan, laakiin Ballon d’Or-ka waxaa go’aamiya wax ka badan tirakoob keliya.
👉 Harry Kane ma yahay musharraxa ugu cad-cad Ballon d’Or-ka 2026, mise weli shaki ayaa jira?
07/08/2026
𝑪𝒉𝒂𝒎𝒑𝒊𝒐𝒏𝒔 𝒐𝒇 𝒕𝒉𝒆 𝑨𝒖𝒅𝒊 𝑭𝒐𝒐𝒕𝒃𝒂𝒍𝒍 𝑺𝒖𝒎𝒎𝒊𝒕 🏆
🏆 Isku diyaarinta xilli ciyaareedka oo lagu soo gabagabeeyay koob. Bilow wanaagsan, niyad sare, hadafkuna waa guulo badan xilli ciyaareedka cusub. ❤️