15/08/2024
DAGMADII ILO HORASHAGAX EE DHACANTAY
Dagmada ilo horashagax asalkeeda ama meesha loogu talo galay waxay ahayd dagmada MARO MAYDH,
waxay ahayd dagmada 2aad (BIRKOT IYO ILO HORASHAG) ee xiligii cabdi ilay la siiyay ree ugaas kooshin
LKN siyaasad xumida, ree ugaas kooshin labadii dagmaba way ka dhacmeen, markii uu isbadalku dhacay
In badan waxay eedeeyaan maraka fadhi kudirirka la fadhiyo SAYID AXMED GOOHE oo ladhaho, hadii uuna CABDI ILAY la murmi lahayn dagmada waxaa laga dhigi lahaa maro,maydh
Lkn xaqiiqdu waxay tahay dagmada ilo horashagax waxaa bixiyay oo dhacay KHADAR MAXAMAD ISMAIL markii uu isbadalku dhacay ee isaga gudoomiyaha gobolka nogob laga dhigay, ee layidhi reer walbooba dagmadaadii gudoomiye ka noqo, ayuu ku dhibaadiyay ina abtigii SHIINE, xasan HIRMOOGA oo uu uga dhigay gudoomiye, dagmada ilo,horashagax ,ALLA MARKAY HALKAA MARAYSAY YAA YAX DHAHA,
BARE XASAN oo gudoomiye gobol ka noqday gobolka nogob, muxuu ka qabtay hawshaas,
Xaqiiqdii bare xiliga maqaaxiyaha shaaha laga cabayo, waa ina libaax san ka taabte,
Lkn markii ay ficil noqoto, wixii la qumanaa ee uu tan iyo south africa kaga sheekaynayay wuu ku dhici wayay markuu qalinka iyo sixiixa isagu hayay, fulaynimo awgeed,
HADA MAXAA SOCDA
Waxaa is abaabulay ree wayteen oo qurbo joog iyo qaran joogba isku xidhan, mustafana ka dhaadhacsaday in gobolka shabeele loo soo raro dagmada ilo horadhagax lana geeyo burqayar
Waxaa balan qaadeen inay ka dhisayaan, iyagoo is xilqaan shacab ku dhisaya dhamaan wixii looga baahnaa inay dawladu dhisto , sida xafiiska maamulka, halka shirarka, xarumaha caafimaadka, dugsi sare, guryaha martida, iyo wixii kale ee loo baahdo, markay dhameeyaana loogu soo raro dagmada,
Yaa ficiladan dabada ka riixaya, waxaa ka riixaya CABDIRISAAQ SAYID oo ah ninkii birqodna horey u dhacay, tana waxaa ka go an inuu hirgaliyo
Suaashu waxay tahay ninkii matalayay ree ugaas kooshin ee AXMED MUXUMAD ahaa hawshan socota muxuu kala socdaa,
LAX DHUKAN COL IYO ABAAR TOONA MOOG,,
MAXAA REE UGAAS KOOSHIN LA GUDBOON
1, inay qabsadaan shirar dagdag ah oo aan loo kala hadhaynin, kagana arinsadaan hawshan
2, inay qorsheeyaaan mar hadii aan dagmadii meesheedii loo daynayn in la keeno meeshii is ka lahayd WAA MARAMAYDH
3, in duqaytidu la kulmaan xukuumada kalana hadlaan hawshan iyo madmadowga kale ee reerka iyo xukuumada dhex yaala
4, inay shiraan dhamaan dhalinyarada waxbaratay ee beeshu kagana wada hadlaan sidii loo samato bixin lahaa beeshan dagmooyinkeedii godka kuwada dheceen
BAAQ,
1,Waxaan baaq u diraynaa xukuumad mustafe, inay ka fiirsato hawshaas oo keeni karta isku dhac qabiil, ama dad maanta walaalo ah
2,waxaan isna baaq u diraynaa wasir ku xigeenka matala reerka, MUDANE AXMED MUXUMAD , oo aan leenahay fadhi kuuma yaal ee meesha ka kac, ina siyidba waa ku xigeen adiga kula mid ah, ee adiga xagee la gaa hayaa, ma reerkooduu reerkiina u dhici, hawshaas hadaad wax ka qaban waydana waad fashilantay ee iscasil
3, gudoomiyaha gobolka isna waa ku taarikh xumo haduu gacantiisa ku dhaco wixii uu gobolka ku matalayay, markaa dagmada ha ku soo celiyo meeshii lahayd