26/03/2026
Dhagaxbuur Ma marti galin doontaa Koobka Goboladda ee soo socda ?
Xidhiidhka kubada cagta iyo Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee DDS aya si wada jira kormeer ugu tagay maanta garoonka cusub ee kubadda cagta ee Maamulka Magaalada Dhagaxbuur kormerkaas oo ujeedkisu ahaa suurta galnimada inuu garoonkan martigalinayo ciyaaraha gobolada ee DDS,
Xiriirka oo qiimayntoda wada ayan ka sugayna jawaabta
20/03/2026
Maanta waxaan idinla wadaagayaa safar adag oo aan maalin kasta u soo maray si aan naftayda u dhiso 💪🔥
Tababar maalinle ah, daal aan la qiyaasi karin, iyo go’aan adag ayaa iga dhigay qof ka xoog badan kii shalay. Ma jirin maalin sahla
laakiin ma jirin maalin aan ka haray.
Waxaan bartay in guushu aysan iman hal maalin, balse ay ku timaado dulqaad, dadaal, iyo joogteyn
Maalin kasta oo aan jimicsi sameeyo, waxaan hal tallaabo u sii dhowaanayaa nooca ugu fiican ee naftayda.
Haddii aad rabto inaad gaarto riyadaada ha joojin, xitaa marka ay adkaato. 💯
Qore- Abusanya
09/03/2026
Malin Isniin ah 9-3-2026
Waxaa lasoo gaba-gabeeyay tartanki Ramadan cup ee ka socday garoonka mini stadiumka faysal cabdi qaman
Tartankan waxaa soo qaban qaabiyay kooxda faca Wayn ee FC KARINKA
26/02/2026
Waxaa shalay si rasmiya u furmay tartanki Ramadan cup ee kooxda FC SAMRISO
Tartankan oo ka furmay garoonka xaafada 6ªªd ayay kasoo qayb galeen masuuliyiinta ugu saraysa maamulka magaalada dhagaxbur
Masuuliyiinta ayaa diyaar u ah inay dhalinyarada garab istaagan tartano u qabtaa Lana ciyaaran wakhtiyada munaasibka ah
kubadu cagtu waa is dhexgal iyo is xushmayn💯🙏
23/02/2026
Waxaa garoonka beerta bulshada ka furmay tartanka Ramadan cup
23/02/2026
Waxaa maanta si rasmiya u furmay tartanki Ramadan cup ee kooxda KARINKA
Tartankan oo ka furmay garoonka faysal cabdi qaman ayay kasoo qayb galeen masuuliyiinta ugu saraysa maamulka magaalada dhagaxbur
kubadu cagtu waa is dhexgal iyo is xushmayn💯🙏
23/02/2026
Waxaad moodaa inay jiraan abaabul kooxaha ah si ay u qabtaan tartanka Ramadan cup oo ay u wada dhan yihiin dhalinyarada magaaladu
KOOXDA HOLLAC:-
Waxay qabatay tartanka Ramadan cup oo meel fiican maraya kaas ooy kasoo qayb Galeen dhalinyaro iskugu jirta ciyartoyda wakhtigan ciyaara iyo kuwii ka fadhiistay wuxuuna ka socdaa garoonka beerta bulshada waxaana la ciyaara 10:00 fiidnimo
DEGAH-BOUR ACADEMY:-
Xul 17jiro ah ayaa qorshaynaya manta oo isniin ah inay furaan tartanka Ramadan cup oo ka qabsoomi doona garoonka beerta bulshada 4:00 galabnimo
Tartankan waxaa ku jira qaybo kamida kooxaha magaalada ciyaartoydooda oodhan iyo culusta magaalada
KOOXDA SAMRISO:-
waa koox kamida kooxaha 0B oo iyaguna abaabulay tartan loodhan yahay oo ay ku jiraan ciyaartoy iyo culusba
Tartanka ayaa ka qabsoomi doona garoonka xaafada 5ªªd
KOOXDA KARINKA:-
Karinka ayaa abaabulaya tartanka Ramadan cup oo ka qabsoomi doona garoonka faysal cabdi qamaan
Tartanka ayay kasoo qayb galidoonan dhalinyarada magaaladu kaas oo la faliyo inuu manta si rasmiya u bilaabmi doona
Hadaba kee ayaa noqon doona midka ugu xamaasada badan?
21/02/2026
dhagaxbur waxaa ka dabar go'ay garoomadi dhulka ahaa ee dhalinyaradu ku ciyaari jirtay
mana awoodaan inay tartano iskood ah ku qabsadaan garoomada rooga hadayna maal galin helaynin
Tartanadii Ramadan cup in la qaban waayo saw ma odhan karno xaaladahaas ayaa u saamixi waayay dhalinyarada.
19/02/2026
Si guud waxaad mooda magaalada dhagaxbur inuuna jirin diyaar garow tartan Ramadan cup oo dhanka xafiiska ah ama dhanka kooxaha ah
Waloow bil Ramadan ay tahay oo cibaadada in lagu dadaalo ay tahay hadana waxaa loo baahnaa tartan Ramadan Cup ah
Fikirkaaga Tartan nooceeya ayaad jeclaan lahayd in la qabto
1. Ma mid xafiisku soo abaabulay sidii horay u dhici jirtay bisha Ramadan
2. Ma mid dhalinyaradu iskood u qabsatay oo is-dhex gal ah
3. Mise mid dhalinyarada cuslaatay ah
05/02/2026
Xulka Maamulka Magaalada Dhagaxbuur ayaa loo sameeyay Munaasabad casho sharaf ah.
Munaasabada casho sharafta waxaa ka soo qayb galay Xildhibaano ka soo jeeda Maamulka Magaalada,masuuliyiin herdegan ah Masuuliyiin Maamulka Magalada ah. Masuuliyinta gobalka , xulka kubada Cagta iyo qaybo ka mida ah taageerayaasha.
Waxaana soo agaasimay munaasabadan Hogaan kugeenka DDS xildhibaan Maxamed muxumed sugule
Munaasabadan ayay masuuliyiintu ka soo jeediyeen hadalo dhiirigalin iyo guubaabo ah sidoo kalana u rajeeyay inay gaadhaan guulo kale oo badan.
04/02/2026
waxan rajaynaynaa inan noqono kuwa maalinta u dambaysa loo hambalyeyo I.A
02/02/2026
Bari ma ahan kaliya kulan waa fursad.
Qof walba ha bixiyo waxa uu haysto Hal qalbi, hal ujeeddo, hal koox. Garoonka aynu wacdaro ka dhigno insha Allah
maamulka magaalada dhagaxbur guul insha Allah