Ilkacas voice

Ilkacas voice

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ilkacas voice, Sport & recreation, REER DHAGAXBUUR, Degeh Bur.

12/09/2025

'Maydka Na Siiya' waa weedh dareentaabad leh. Waa dhambaal dhibbane, marna waa dhacdo laga dhex akhrisan karo dhiillo ummadeed iyo dhacdooyin taariikheed. Dhacdada qoyska reer Haybe waa uun tusaale kooban oo ka mid ah boqollaalka qiso ee qalinmakoobaanka ah ee bulshada DDS ka dhaxashay xukuumaddii Dhiigyacabka ahayd ee TPLF iyo gacanyaraheedii Cabdi Iley.

Magaalada Dhagaxbuur waxa ay martigalin doontaa bandhigga dhiganaha aynu kor ku xusnay ee Maydka Na Siiya. Haddaba, dhammaan, dadwayaha Dhagaxbuur waxaan si sharaf leh uga codsanaynaa in ay nagala soo qayb galaan.

Goobta: Hoolka TVT-ka Dhagaxbuur
Goorta: 12/09/2025, 6:30 PM

03/12/2024

"Deegaanka aan joogno caadi ahaan maahaba meel loogu talagalay in social media lagu isticmaalo, waa meel loogu talagalay inaad dhagaxa jabiso oo aad xamaalato oo kuuli aad gasho, sababtoo ah dadka Deegaanku maahaba dad fahansan media-ha iyo dunidu halka ay marayso."

Waxaa sidaasi yidhi Wiilkan oo Mr Qubeys aalada tiktok ku isticmaala kana mid ah dhalinyarada Tiktokerka ah ee Deegaanka.

W/q Shardiid Macalin

28/11/2022

OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS

waxaan ogaysinayna dhaman taageerayasha iyo daawadayaasha tartanka inay maanta baaqatay ciyaartii hawlo jira awgeed

Waxan idinka raali galinayna inay maanta baaqato ciyaartaasi
Insha allah mar kale Ayan isku soo laaban doona

27/11/2022

Koox deed urajaynaysaa koobkan

27/11/2022

Yaad isleedahay waygaadhayaan 4ta

Fg fadlan follow dhe bogan mahadsanidin

27/11/2022

Qisadani waxay kudhacday walal somaliyeed oo jigjiga jooga ee bal yara akhri 😭

Markaad Caafimaad Qabto Waxaad Haysataa Haddiyadii Ugu Qaalisanayd Ee Eebe Ku Arsaaqo Adoonkiisa.

Ma Jeclayn Kumana Fikirin Waligay Inaan Idinla Wadaago Qisadayda Gaarka Ah. Balse Maanta Ayaan Go'aan Saday Qayb Kamida Inaan Idinla Wadaago.Waxaanan Idinka Raali Galinayaa Wixii Qalbigiina Taabta Xanuujiya. Waa Imtixaana Noloshu.
Alxamdulilaah. Haddafkasta Qorshe Kasta Oo Aad Noloshaada Udajiso Waxaa Ka Horeeyey Qorshihii Qadarkii Eebe.
Bartamihii Sanadkii 2017 Ilaa Hadda 2022 Mudo Lix 6 Sano Ah Waxaan La Xanuunsadaa Dhaawac Iga Soo Gaadhay Shil Baabuur. Wuxuu Dhaawucu Iga Soo Gaadhay Xididada Dhabarka Neerfaha. Wuxuu Shilku Igu Dhacay Anigoo Wakhtigaa Guursaday Caruus Ah Reer Iyo Mustaqbal Dhisay. Waxaan Aaday Dhakhtar Ku Yaala Magaaladda Jigjiga Wuxuu Iisheegay Inaan Xanuunkayga Jigjiga Waxba Lagaga Qaban Karin. Waxaan Isku Wada Maray Hospitalada Jigjiga Tiraba 4 Dhakhtar Dhamaantood Waxay Igula Taliyeen Inaan Si DegDeg Ah Utago Dhakhtar Addis Ababa Ah. Waxaan Isku Diyaariyey Addis Ababa Bartamihii Sanadkii 2018 Ayaan Addis Tagay Baadhitaan Kadib Wuxuu Dhakhtarkii Iisheegay Inuu Xidhmay Cidhiidhi Galay Xididka Dhareerka Neerfaha Lafdhabarta Mara' Dr Wuxuu Sheegay Maadaama Xididada Dhareerku Maraan Inta Udhaxaysa Hilibka Iyo Lafaha Inuu Xididku Xidhmay Cidhiidhi Kaga Yimid Jugtii Shilkii Baabuurka. Dr Wuxuu Ila Wadaagay Haddii Aan Awoodo Inaan Aado Dalka Dibadiisa.Waxaan Usheegay Inaanan Awoodin Kharashka Aan Addis Ku Imid'Ba Ay Iga Saacideen Dad Ehelka Ah. Sidaa Darteed Aanan Horay Usii Socon Karin. Kadib Dr Kii Wuxuu Iisheegay Inaan Qaliin Isku Diyaariyo. Alxamdulilah Waxaan Galay Qaliinkii. 7 Maalmood Kadib Anigoo Hospitalkii Jiifa. Waxaa Foolatay Marwadaydii ilmihii Ugu Horeeyey Waxaa Lageeyey Hospitalka Rifilarka Shekh Xasan Yabaree Ee Jigjiga. Dhakhtarkii Wuxuu Sheegay Inayna Umulikarin Gabadhu'Qaliintahay. Waxaa Isoo Wacay Dhakhtarkii Jigjiga Wuxuu Igu Dhahay Gabadha Xaajigeedii Saw Adiga Ma aha? Haa Gabadha Iyo Ilmaha Midkeen Bad Baadinaa' Waxaan Kudhahay Alle Ayaa Waxbad Baadiya' Walaal Gabadha Bad Baadi. Kadib Gabadhii Qaliin Bay Gashay Saacado Kadibna Gabadhii Iyo Ilmihii Oo Nool Ayaa La Iisoo Sheegay. Qadar Alle Ilmihii 2 Saac Kadib Wuu Shafeecay😭. Kadib Drkii Wuxuu Dhahay Gabadhu Waa Bilaa dhiig. Waxaa La Raadiyey Dhiigii Waana lagu Shubay. Gabadhii Waxaa U Bilaabmay Xanuun Cusub Dhakhaatiirtii Waxay Dhaheen Waa Igfashin. Xaalada Oo Sidaa Ah Ana Addis Ababa Qaliinka Jiifo Marwadaydiina Qaliinka Jigjiga Jiifto Curadkii Qoyskuna Shafeecay. Ayaan Dhakhtarkii Addis Ka Soo Fasax qaatay Waxaan Imid Jigjiga Maalin Jimce Ah 5 Saac Galabnimo 3 August 2018. Maalinkii Xigtay Sabtidii Waxay Noqotay 4 August Ee Jigjiga La Burburiyey Magaalada Laga Qaxay. Anigoon Arag Booqan Karin Iyaduna Ayna Isoo Booqan Karin Xaalad Caafimaad Awgeed 2 Bilood Kadib Xaaskaygii Waxaa Loo Qaaday Dhakhtar Addis Ababa Ah. 2 Usbuuc Kadib Waxaa Dhamaaday Nolosheedii Halkaa Ayay Ku Geeriyootay Laguna Aasay😭 2018 Alle Ha Unaxariisto Amiin. Intaa Kadib Waxaan La Tacaalay Xanuunkaygii Tiraba 7 Jeer Ayaan Addis Ababa Utagay Qaliin Baadhitaan Iyo Daawo. Dhakhaatiirtu Waxay Igula Taliyeen Inaan Tago Dhakhtar Dalka Dibadiisa Ah Sida Hindiya.Turkiga.Jarmalka.Waxaan Inbadan Qalbiga Saaray Inaan Dhakhtar Dalka Dibadiisa Ah Tago Balse Iima Suuroobin Ma Awoodin Kharashkii Aan Ku Tagi Lahaa. Hadda Socodka Iyo Kicida Ayaa Culays Igu Ah Waxaan Qaataa Bakoorad Ul Aan Cuskado. Alle Ayaa Xanuunka Igu Keenay Isaga Unbaa Iga Qaadi Kara' Alle Unbaan Ka Baryayaa Inuu Iisoo Celiyo Caafimaadkii Uu Horay Iisiiyey Igana Qaaday. ALXAMDULILAAH ALXAMDULILAAH ALXAMDULILAAH.

Anigoo Soo Koobay Balse Qoraalka Ayaa Dheeraaday Waxaan Idinka Raali Galinayaa Fariinta Aan Dheereeyey. Wixii Aan khal khalday Ama Katagay Waadka Raali Noqonaysaan Qalbiga Oo Isbad Badelayey Xasuustan Awgii.

Ugu Danbayn Waxaan Idinka Codsanayaa Inaad Iigu Soo Ducaysaan Caafimaad Taama Inuu Alle Igu Arsaaqo.

Waad Mahadsantihiin

✍ Bashiir Wabax

27/11/2022

Waxyaalihii ay Qatar u qabatay Koobka Adduunka 2022 waana inaa uga mahadcelinaa

1. Hadaladii Nabiga ﷺ oo gees kasta aad ka arki karto taas oo kor u qaadaysa quruxda Islaamka.

2. Qolalka hoteelka, waxaa ku yaal boorar iyo sawiro soo bandhigaya manhajka Islaamka, axaadiista, iyo qeexida fudud ee iimaankeenna.

3. Waxay beddeleen mu'adinnada masaajidda, waxayna keeneen kuwa codkoodu qurxoon yahay. Makarafoonada waxaa la geliyey garoomada si Azanka loo maqlo.

4. Xarunta Martida ee Qatar oo diyaarinaysa koox ka kooban 2,000 oo qof si ay ugu baaqaan diinta Islaamka.

5. Bandhig Islaami ah oo ay Wasaaradda Aw-qaaftu ku soo bandhigtay luuqado kala duwan oo dadka soo booqda.

-In lahelo goobaha lagu tukado oo waaweyn.

iyo qaar kaloo badan..

Alle ha u barakeeyo arintaas waa arin mudan in lagu boogaadiyo ❤️
Mahamed ali

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Degeh Bur?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

REER DHAGAXBUUR
Degeh Bur