Khadar shariff

Khadar shariff

Share

Bogga aqoonsiga khadar shariff waxaa kugu diyarsan dhaman wixi maclumad aad uga baahan tahay shabakada Facebook mahadsanid

Photos from Khadar shariff's post 12/04/2026

Sawirada dhoolatuska Soomaliya.
Maanta waxaa u daarran heestii Singub(AHN) ee erayada kamid ahaayen: "Soomalidu kaddeed arragtay. Ka baxday, kuftay kacday
Jabtay oo kabantay."

19/03/2026

hampalyo hamplyo dhaman umada muslimiinta ah waxaan ugu hambalyaynayaa maalinta farxada ciida ciid mubaarak kulu caam wa antum bilkhayr

06/03/2026

$890 milyan oo dollar ayaa Mareykanka ugu baxda maalin walba dagaalka Iran.

06/03/2026

"Wahadal ma rabno, Xabad joojin sidoo kale ma dooneyno. Dagaalka anaga ma bilaabin, lakin anaga ayaa leh go'aanka iyo waqtiga uu dhamaanayo dagaalka. Iran waxey diyaar u tahay inay waji ka waji isku qabtaan ciidanka Mareynka, waxaana leenahay soo dhowaada". Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo noqday qofka Mareykanka loogu hadal-heyn badan yahay.

Photos from SNA RADIO's post 06/03/2026
27/07/2025

Ku: Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)
Og: Golaha Fulinta ee DDS
Og: Golaha Wakiillada Shacabka DDS

Ujeeddo: Codsi ku saabsan sababta qabiilka Ashraaf looga reebay degmooyinka cusub ee DDS

Mudane Madaxweyne,

Anagoo ah qabiilka Ashraaf ee si buuxda ugu sugan deegaanada kala duwan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), waxaan si sharaf iyo xushmad leh idiinku soo gudbinaynaa codsi la xiriira ka reebista aan cadaaladda ku salaysnayn ee lagu sameeyay qabiilka Ashraaf xilligan la magacaabay degmooyinka cusub ee deegaanka

Cabashada:

Waxaa si cad u muuqata in:

Qabiilka Ashraaf, oo leh deegaano buuxinaya shuruudaha degmo-sameynta (dhul, dad, iyo baahi adeeg), aan loogu darin liiska degmooyinka cusub;

Halka dhanka kale, deegaamo ay degan yihiin dad tiro ahaan ka yar, loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah — taasoo u muuqata takoorid ku saleysan hayb bulsho, oo si toos ah uga hor imaanaysa dastuurka DDS iyo mabda’a maamul wanaaga.

Waxa aan codsanayno:

1. Dib u eegis degdeg ah oo lagu sameeyo liiska degmooyinka cusub, si bulshadeenna Ashraaf loogu daro si cadaalad ah;

2. In la bixiyo sharaxaad rasmi ah oo sharci ku saleysan sababta qabiilka Ashraaf looga reebay degmooyinka, haddii ay jirto;

3. In qorshaha degmo-sameyntu uu noqdo mid lagu saleeyo:

Juqraafi,

Tirada dadka,

Baahida adeeg,

La’aanta matalaad h**e,

Balse aan lagu saleyn hayb, qabiil ama dano gaar ah.

Xusuusin Sharciyeed:

Sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka Itoobiya (Qodobka 39 iyo 46) iyo Dastuurka DDS (Qodobka 😎, dhammaan muwaadiniintu waxay leeyihiin:

Xuquuq u siman oo ku saabsan matalaadda, helitaanka adeegyada dawladda, iyo maamul deegaanka ah;

In aysan jirin wax eex, takoorku saleysan qabiil ama deegaan.

> Sidaa darteed, ka reebista qabiilka Ashraaf ee degmooyinka cusub waxay u dhigantaa sharci darro, ku tumasho dastuurka, iyo caddaalad darro maamul.
Waxaan rajaynaynaa in codsigan si mas’uliyad leh loo qaato, loogana jawaabo si wafaqsan dastuurka,

Aqoon yahanka deganka khadar sharif

22/06/2025

Jigjiga

19/03/2025

Shil gaadhi oo galabta ga dhacay inta u dhaxaysa bercano iyo qabalaha laab intii ku dhaawacantay illhy ha u boogo dhayo oo uu ugu h**eeyo wllken khadar mahamed colow illhy ha sahlo dhawaca soo gaadhay amin

Photos from Voss Tv's post 17/03/2025
09/02/2025

Ciidanka Ruushka waxaa ay hab gaadiid u adeegsanayaan Geela oo awood u leh inuu adkaysi u yeesho la qabsiga dhulka qaboowga darran iyo si la mid ah dhulka kulul.

06/02/2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgallo ammaan sugid iyo miino baaris ah ka sameeyey togga Jaceel iyo buuraleeyda ku hareeraysan oo labadii cisho ee la soo dhaafay lagu jebiyey kooxaha nabaddiidka.

Bayaan ka soo baxay taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah godadkii lagu dagaalamay loogu tegey meydad horleh oo ajaaniib ah, agab ciidan iyo saadkii kooxahaasi.

"Ciidanka ayaa isku fidiyey Toga-jaceel waxayna hawlgalo Amni sugid ka wadaan goobihii ay ka saareen Argagixisada Daacish, Godadka qaar waxaa yaalla maydkooda, hub iyo agabkale", ayaa lagu yiri warka ciidanka.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Jijiga