Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS

Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS

Share

Ku Soo Dhawaada Bogga Rasmiga ah Ee Xidhiidhka kubadda Cagta Deegaanka Soomalida.

20/06/2026

WARGELIN KOOBAN.

Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS wuxuu ku wargelinayaa dhammaan ka qaybgalayaasha, taageerayaasha iyo bahda ciyaaraha in berri si rasmi ah uga furmi doono garoonka Jigjiga Stadium Tartanka Horyaalka Gobollada Heer Deegaan, kaddib markii si guul leh loo soo gabagabeeyay isku-aadkii kooxaha iyo dhammaan diyaar-garowgii la xidhiidhay tartanka.

Waxaan dhammaan kooxaha, masuuliyiinta, ciyaartoyda iyo taageerayaasha ugu baaqaynaa inay si buuxda u dhowraan xeer-hoosaadka iyo habraacyada lagu hagayo tartanka, isla markaana ay ka shaqeeyaan ilaalinta anshaxa, is-ixtiraamka iyo nabadgelyada, si tartanku noogu qabsoomo uguna soo dhammaado jawi deggan oo nabdoon ah.

Waxaan dhammaan shacabka ku casuumaynaa inay ka soo qayb galaan inta uu tartanka socdo isla markaana ay si wanaagsan u taageeraan kooxahooda.

Guul iyo ciyaar wanaag ayaan u rajaynaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha.

Photos from Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS's post 12/06/2026

Golaha Fulinta Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah oo lagu qiimeeyay heerka diyaar-garowga Tartanka Koobka Gobollada Heer Deegaan, kaas oo dhawaan ka furmi doona Garoonka Jigjiga Stadium ee Magaalada Jigjiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa dhammaan hawlaha la xiriira qabanqaabada tartanka, si loo xaqiijiyo in uu ku qabsoomo jawi habsami leh oo waafaqsan qorshihii loo dejiyey.

Sidoo kale, Golaha waxay ka doodeen xeer-hoosaadka lagu hagayo tartanka, iyagoo ugu dambayn ansixiyey qodobbada iyo habraacyada maamul ee lagu maamuli doono tartanka.

Ugu danbeyntii Golaha Fulinta ayaa ugu booqay dhammaan gobollada ka qaybgelaya tartanka inay u hoggaansamaan jadwalka iyo waqtiga loo asteeyey qabsoomidda tartanka, isla markaana ay xoojiyaan diyaar-garowgooda si ay uga qayb qaataan tartan tayo leh oo kor u qaada horumarinta kubadda cagta deegaanka.

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafada ee XXKC DDS.

11/05/2026

Wargelin.

Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS wuxuu maalin dhaweyd galay heshiis u dhaxeeyay Deegaannada DDS, Harar, Diridhaba iyo Oromia si kor loogu qaado tayada iyo tartamada Kubadda Cagta. Hashiiskaasna waxaa qayb ka ahaa KOOB ay ku wada tartami doonaan 4-taas Deegaan, waxaana deegaankeena uga qayb geli doona 4 kooxood iyada lagu ciyaari doono tartankaas nidaamka Home & Away ah oo kooxaha Deegaannadaas waxay imaan doonan garoomadeena iyagoo Away ah.

Haddana waxaan ku jirnaa diyaargarow iyada oo Xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaarahu uu door weyn naga siinayo sidii an tartankan oo markiisii koowaad ah uga mid noqon lahayn. Dhanka kale waxaan caddeynaynaa in tartamada heer Dal, DDS ay ka qayb gasho. Balse ma aha sax qoraalka warbaahinta lagu daabacay ee loo fahmayo micnahiisa hoose, DDS k**a qayb gasho tartamada heer Dal ee Deegaanada wada ciyaaraan. Waxaanu leenahay Deegaanku wuu ka qayb galaa tartamada heer Qaran waxaana innaga go’an inaan sii xoojinno ka qaybgalkaas.

Ibrahim Xaji Cabdi.
Golaha Fulinta Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS.

Photos from Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS's post 19/03/2026

Golaha Fulinta Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS waxay si weyn ugu mahadcelinayaan Maamulka Magaalada Jigjiga, gaar ahaan Maayer Shafi oo curiyay in la qabto 6 tartan oo Ramadan Cup ah oo ka kala dhacay 6-da garoon ee cusub ee Caasimadda Jigjiga, kuwaas oo ay ka qayb galeen dhalinyaro tiro badan oo ciyaartoy heerar kala duwan leh iyo qaar kamid ah hoggaaminta DDS.

Xidhiidhka Kubadda Cagta wuxu markale si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Maayer Shafi oo fikraddan bilaabay, isla markaana nala wadaagay hirgelinteeda. Waxaan sidoo kale ku boorinaynaa dhammaan xafiisyada kale ee Heer Deegaan inay ku daydaan Dowladda Hoose ee Jigjigo si dhalinyarada loogu abuuro fursado wanaagsan oo ay uga faa’iideystaan goobaha ciyaaraha ee isbeddelkii keddib Caasimadda laga hirgeliyay.

Dhanka kale waxaa xusid mudan Hogaaminta Xafiiska Nabadgalyada DDS Gar’ahaan Hogaan Abdikhadir Rashiid oo nagu wargeliyay inan kala shaqeeyno Tartan lagu magacaabo “Peace Cup”, kaas oo kor u qaadi doona nabadda iyo isdhexgalka dhalinyarada.

Ugudambayntii Golaha Fullinta Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS waxay sigaar ah ugu mahad celinayaan Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Mudane Eid Badde oo Xil gaar ah iska saaray inay si quruxbadan oo nabdoon u qabsoomaan tartamadan iyo guddiyadii kale oo Xoghayaha kala qayb qaadatay qabsoomidda Tartamadan.

Wabilaahi Towfiiq.

05/02/2026

Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS waxa uu tacsi u dirayaa ciyaaryahan Ixsaan kaddib geeridii ku timid Aabihis Cabdullahi. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaan ha ka siiyo qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay.

Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS waxa uu go’aamiyay in la baajiyo ciyaartii berrito dhex mari lahayd xulalka Qabribayax iyo Godey.

Mahadsanadiin.

Photos from Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS's post 03/02/2026

Furitaanka Tartanka 5aad ee 6-da Maamul-magaalo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida
Waxaa galabtay si rasmi ah uga furmay garoonka kubadda cagta ee magaalada Jigjiga Tartanka 5aad ee 6-da Maamul-magaalo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida. Tartankan oo ah mid sannadle ah ayaa lagu kulmiyaa xulalka maamul-magaalooyinka kala duwan si loo xoojiyo isdhexgalka bulshada iyo horumarinta ciyaaraha.
Kulankii furitaanka waxaa wada ciyaaray labada xul ee kala matalayay Maamul-magaalooyinka Qabridahar iyo Dhagaxbuur. Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan oo labada dhinacba soo bandhigeen dadaal iyo farsamo ciyaareed ayaa ugu dambayn ku soo idlaatay 3–2, iyadoo guushu raacday xulka Maamul-magaalada Dhagaxbuur oo ka adkaaday dhiggooda Qabridahar.
Furitaanka tartanka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin, oo kamid yahay wasiirka xafiiska hormarinta magaalooyinka iyo dhismaha mudane ahmed shukri iyo wasiirka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane maxamed mahadi iyo marti sharaf iyo taageerayaal tiro badan oo muujiyay sida ay bulshada u danaynayso horumarinta ciyaaraha iyo midnimada maamul-magaalooyinka deegaanka.

02/02/2026

Kulanka furitaanka
Tartanka 5aad ee 6-da Maamul-magaalo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida
Mm Qabridahar 🆚️ Mm Dhagaxbuur
Kulanka ugu xiisaha badan tartanka

Photos from Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS's post 30/01/2026

Tartanka 5aad ee 6-da Maamul-magaalo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS

Waxaa maanta si rasmi ah u qabsoomay kulan lagu akhrinayay laguna ka-doodayay xeer-hoosaadka Tartanka 5aad ee 6-da Maamul-magaalo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS). Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sharciyadda tartanka, habraacyada ciyaaraha iyo waajibaadka kooxaha ka qeyb-galaya.
Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale la sameeyay isku-aadka tartanka, iyadoo kooxaha loo qeybiyay laba Group, kuwaas oo kala ah:

Group 🅰️
Maamul-magaalo Qabridahar
Maamul-magaalo Dhagaxbuur
Maamul-magaalo Wajaale

Group 🅱️
Maamul-magaalo Bayaxawo
Maamul-magaalo Jijiga
Maamul-magaalo Godey

22/01/2026

inaalilahi waa inaa ilaahay raajicuun
xidhiidhka kubada cagta dds waxay tacsi tiiraanyale udirayaan wall xamse yusuf oo kamid ahaa bahda sportga oo adis ku geeriyooday
ilaahay janatul fardawsa ha ugu deeqo
familkana samir iyo iimaan saadqa alle hakasiiyo aamin aamin

28/12/2025

Shirwaynahii koowaad ee Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS oo lagu lafa guray caqabadaha ku horgudban horumarinta isboortiga Deegaankeenna iyo sidii uu Deegaankeena u yeelan lahaa Tartan Taxano ah oo sanad amma ugu yaraan Lix bilood socon kara.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Jijiga
01