13/02/2025
Warsaxaafadeed Deg Deg Ah.
WARSAXAAFADEED.
Khamiis- Bisha Yekatid 6, 2017TI
XAFIISKA Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS isagoo kaduulaya Isla markaana gudanaaya waajibaadkiisa Shaqo Ayaa Waxaan Bulshada aan u adeegno halkan Kula wadagaynaa Warsaxafadeed ku saabsan Xaalada Ciyaar yahanada Deeganka somalida ee ku sugan magaladda Walayta s**o.
Ugu horayntii waxaan hambalayo aan lasoo koobi karin udiraynaa Xulka kubadda Cagta Deeganka Somalida oo kaalinta 2aad ka Galay Tartanka kubadda Cagta kooxaha Dada 17jirada Dawladd Deeganada Iyo ismaamul Magaaloyinka Dalka.
Intaa kadib halkan waxaan idinkula wadaagaynaa Xaladda Guud ee Ciyaar yahanada,Ciyaar yahanado waxay magaladda Jigjiga ka anba baxeen 27/05/2017 waxaa sii racay oo wadada lasii maray Agaasino iyo khabiiro ka socday Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha si ay uga warqabaan xaladda Guud ee Ciyaar yahanada inta safarka lagu jiro sidoo kale Waxaa Magaladda Walayta Soddo uga sii horeeyay Maamulka Sare ee Xidhiidhka kubadda Cagta Deeganka Somalida kuwaas oo soo Dhawaynta iyo Dajinta kooxda Qaabilsanaa.
Kooxdo waxay si joogto ah u heli jirtay Habeen-dhixii iyo Saadkoodii oo dhamaystiran oo uu ay u dheertahay Hotelka ay sexanayaan,Intaa marka laga yimaado kooxda waxaa laga sii Haqabtiray Dhamaanba Dirayska,kabaha iyo Guud ahaanba Qalabka ku xeeran baahida kooxda,kuwaas oo ku qanacsanaa lana dhacsanaa Guud ahaanba Qaban qabada loo sameeyay iyo soo dhawayntii iyo Dajintii loogu sameeyay kooxda Magaladda Walayta Soddo, Dhamaan Maamulka
,Masuuliyinta iyo Shaqaalaha Xafiiska sidii horay u Dhici jirtayna waxay imika isku Diyaarinayaan soo Dhawaynta iyo Abaal marinta Dhamaanba kooxihii Tartanka ku matalaya Deeganka Somalida oo ka koobnaa 3kooxod.
Intaa marka laga yimaado waxaa jira shaqsiyaad Account furtay kuwaas oo social Media ka wada baadhasho iyo sumcad dil ay u dheertahay propaganda bulshadana la wadagaya Warbixino been abuur ah ,mana jirto cid ay lasoo xidhiidheen oo ay wax ka waydiiyeen.
Ugu Danbayntii waxaan ka Digaynaa cidkasta oo ku hawlan kala fogaynta Dhalinyarada iyo Xafiiska in ay ka tanaasulaan been abuurka,baadhashada bulshda iyo Hadalada Nacaybka iyo mixnada leh ee aan waxba soo kordhinayn.
Dhalinyaradan 5 sano ee ugu Danbaysay Xafiiska ayaa Gacanta ku hayay waxayna ka qayb Galeen tartamo kala duwan waana koox Xafiisku ka warqabo una Diwaan gashan.
Wixii Warbixina ee ku saabsan Dhamaan Ciyaaraha iyo Dhalinyaradaba waxaad soo boqon kartaan Xafiiska Waxaadna ka helaysaan Sualaha aad qabtaan jawaabahooda.
Wabilahi Tawfiiq.