30/05/2026
London is Blue ๐โ
Koobabkii Yurub? Chelsea ayaa London magaca u qaaday. ๐
Habeenada Champions League lasoo hadal qaado Stamford Bridge iyo London waa meel kale oo u shidan chelsea. ๐ฅ
Arsenal waxay ka hadashaa taariikh, balse Chelsea waxay ku faantaa koobabka armaajada Saaran Champions League. ๐
London oo dhan waa weyn tahay, laakiin marka Champions League la soo hadal qaado, buluuga ayaa ifaya. ๐
Laakiin taageerayaasha Arsenal, Tottenham, ama West Ham haddii ay arkaan fariintan, dood kulul baa bilaaban karta ๐. Football-ku waa xamaasad iyo kaftan saaxiibtinimo.
London is Blue ๐๐
23/05/2026
22 ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ :
1.Ha wicin qofka in ka badan laba jeer oo isku xigta. Haddii uu kaa qaban waayo u qaado in uu mashquul ku yahay arrin muhiim ah.
2. H**e iskaga celi lacagta lagu amaahiyay ka hor inta uusan qofkii kugu lahaa xasuusan ama ku weydiisan. Tani waxay muujinaysaa daacadnimadaada iyo dhaqaankaaga wanaagsan.
3.Marnaba ha dalban cuntada ugu qaalisan liiska cuntooyinka (menu-ga) marka uu qof kale kugu martiqaadayo qado ama casho.
4.Ha weydiin qofka su'aalaha gaarka ah ee nolshiisa khosaysa sida: "Oo wali ma aadan guursan miyaaโ? ama "Miyaanad ubad lahayn?" ama "Maxaad guri u iibsan weyday?" ama "Maxaad gaari u iibsan la'dahay?"
5.Mar walba albaabka u qabo qofka kugu soo xiga ee kaa dambeeya. Muhiim ma aha inuu yahay rag ama dumar, qof kaa weyn ama kaa yar. Sharaftaada waxba k**a dhimayso haddii aad qofka si xushmad leh ula dhaqanto meel fagaare ah.
6.Haddii aad taksi wada raacdaan saaxiibka ama shaah wada cabtaan oo uu isagu hadda bixiyo lacagta, isku day inaad adigu bixiso marka xigta.
7.Xushmee ra'yiga iyo aragtida dadka kale. Oo waligaa Xasuusnoow, waxa adiga kula ah lambar 6, qofka ku hor fadhiya waxuu la-noqon karaa lambarka 9 .
8.Marnaba ha dhex gelin dad si gaar ah usheekaysanaaya.
9.Haddii aad qof kaftantaan, oo ay u muuqato inuusan ku faraxsanayn kaftankaaga , jooji kaftanka oo marnaba ha ku celin. Taasi waxay dhiirangelinaysaa is-ixtiraamka, waxayna muujinaysaa heerka uu gaarsiisan yahay fahamkaagu.
10. Dheh "Waad mahadsan tahay" marka uu qof ku caawinayo.
11. Qofka ku ammaan dadka hortooda, laakiin ku dhaliil meel gaar ah (hoos ahaan).
12. Ma jirto sabab aad kaga faallooto miisaanka qofka iyo muuqaalkiisa. Kaliya dheh: "Aad baad u qurux badan tahay." Haddii uu rabo qofkaasi inuu ka hadlo miisaan dhimis, isaga ayaa bilaabi doona sheekadaas.
13. Marka uu qof ku tuso sawir ku jira moobilkiisa, ha baar-baarin sawirada kale ee ku jira moobilkiisa . Ma ogid sawirka xiga ee ku jira moobilka.
14. Haddii uu saaxiibkaa kuu sheego inuu ballan caafimaad leeyahay, ha weydiin waxa ay tahay ballantu. Kaliya dheh: "Waxaan rajaynayaa inaad caafimaad qabto." Ha gelin xaalad adag oo ku qasbaysa inuu kuu sheego xanuunkiisa khaaska ah. Haddii uu rabo inaad ogaatid isga ayaa ayaa kuu sheegi doona adigoon baarin.
15. Ula dhaqan qofka nadiifiyaha ah oo xushmeey sida aad ula dhaqanto Madaxada.
16. Marnaba ha bixin talo ilaa adiga lagu weydiisto mooyaane.
17. Markaad qof muddo dheer ka dib kulantaan, ha weydiin da'diisa iyo mushaharkiisa,ilaa isagu waxaas uu jecelyahay ama uu rabo inuu ka hadlo mooyaane.
18. Ku koobnow oo ku mashquul arrimahaaga gaarka.
19. Siib muraayadaha qorraxda (muraayadaha madow) haddii aad qof kula hadlayso waddada. Tani waa calaamad muujinaysa xushmad. Sidoo kale, in indhaha qofka kale aad fiiriso (is-eegtaan) waxay muhiim u tahay si la mid ah hadalkaaga.
20.Marnaba ha kaga sheekayn hantidaada , shaqadaada iyo taajirnimadaada dadka masaakiinta ah dhexdooda. Sidoo kale, ha kaga sheekayn ubadkaaga dadka aan ubad Alle siin ama ay u suurtagelin dhexdooda.
21. Xakameey indhahaaga & Carabkaaga marka aad bulshada dhex joogtid.
22. Markaad akhriso fariin wanaagsan, isku day inaad tiraahdo: "Waad ku mahadsan tahay fariinta.
"MAHADNAQU wuxuu ahaanayaa habka ugu fudud ee lagu helo waxyaabaha aadan haysan.
Qodobkee kusoo jiitay?
Guuleysta Saaxiibyaal โจ๏ธ๐
20/05/2026
Xabi Alonso has reportedly selected ๐ โ๐ฎ๐ง๐ญ๐จ๐ฎ๐๐ก๐๐๐ฅ๐โ ๐ฉ๐ฅ๐๐ฒ๐๐ซ๐ฌ at Chelsea he plans to build around:
โ
Reece James
โ
Marc Cucurella
โ
Moisรฉs Caicedo
โ
Tosin Adarabioyo
โ
Enzo Fernรกndez
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ช๐ธ๐ i
11/05/2026
My Team.
Madax-bannaani jecel B+
Dadka B+ badanaa waxay door bidaan inay wax walba iyagu goโaansadaan, kuma tiirsana dadka kale.
2. Hal-abuur badan
Waxay leeyihiin fikirro cusub iyo xalal aan caadi ahayn oo ay ku wajahaan dhibaatooyinka.
3. Dabacsanaan (Flexible)
Si fudud ayay ula qabsadaan xaalado cusub ama isbeddel degdeg ah.
4. Dabeecad farxad jecel
Waxay jecel yihiin nolol raaxo leh iyo in ay ku raaxaystaan waqtiga.
5. Mararka qaar is-mashquul badan
Waxay si degdeg ah uga wareegi karaan hal mashruuc una gudbi karaan mid kale.
6. Kalsooni isku filan
Waxay aaminsan yihiin awooddooda, xitaa marka xaalad adag timaado.
7. Xiiso badan (Curious)
Waxay jecel yihiin inay wax cusub bartaan oo ay tijaabiyaan.
8. Aan jeclayn xeerar adag
Xeerarka aadka u adag ama nidaamka culus way ka caajisaan.
9. Bulsho jecel laakiin doorasho leh
Waxay jecel yihiin saaxiibo, laakiin si taxaddar leh ayay u doortaan dadka ay la socdaan.
10. Fikir gaar ah leh
Waxay leeyihiin aragtiyo ka duwan dadka kale, mararka qaarna waa โout of the boxโ.
11. Dareen degdeg ah (Emotional quick reactions)
Mararka qaar si degdeg ah ayay u xanaaqaan ama u farxaan.
12. Kaligood shaqayn kara
Waxay si fiican u shaqeeyaan xitaa iyagoo aan koox ku tiirsanayn.
13. Halis qaadasho jecel
Waxay diyaar u yihiin inay tijaabiyaan wax cusub oo aan la hubin natiijadiisa.
14. Mararka qaar madax-adayg
Haddii ay goโaan gaaraan, way ku adkaan kartaa in la beddelo.
15. Nolosha jecel (optimistic)
Inta badan waxay eegaan dhinaca wanaagsan ee nolosha.
16. Feker degdeg ah
Waxay si degdeg ah u falceliyaan marka xaalad timaado.
17. Mararka qaar aan dulqaad badnayn
Waxay rabaan natiijo degdeg ah, sugid dheer way dhibtaa.
18. Hal-abuur shaqo ama ganacsi
Waxay ku fiicnaadaan fikrado ganacsi iyo hal-abuurnimo.
19. Isku kalsoon marka ay cadaadis jiraan
Marka xaalad adag timaado, waxay muujiyaan geesinimo.
20. Mararka qaar isbeddel badan
Dareenkooda iyo goโaamadooda way is beddeli karaan si fudud.
03/05/2026
Dawladnimadu ma aha oo keliya hayโado la dhiso, ee waa dhaqan iyo faham bulsho oo la kobciyo. Haddii bulshadu aysan baran sida loo kala saaro afkaar, loo doodo si miyir leh, loona aqbalo kala duwanaanshaha fikirka, dawladnimadu waxay ku koobnaanaysaa magac uun.
Sidaa darteed, ka guurista siyaasadda ku dhisan qabiilka una gudbidda mid ku dhisan mabdaโ iyo aragti waa tallaabo lama huraan ah. Qabiilku ma noqon karo cabbirka xaqa iyo xaq-darrada, mana noqon karo dariiqa lagu gaadho cadaalad waarta.
Halkii laga oran lahaa โyaa nala siiyayโ ama โyaa nala duudsiyayโ, waxaa habboon in la is weydiiyo maxaa sax ah? maxaase danta guud ah?
Horumarka iyo nabadda laga dhaxlay isbeddelkii dhacay waa fursad dahabi ah oo lagu kobcin karo wacyiga bulshada. Bulsho fahamsan xuquuqdeeda iyo waajibaadkeeda ayaa dhisi karta dawladnimo adkaysi leh.
Ugu dambayn, kala duwanaanshaha fikirku ma aha dhibaato waa saldhigga horumarka. Waa sunnada nolosha in dadku kala aragti duwanaadaan, balse waxa muhiimka ahi waa in lagu kala baxo dood, daliil, iyo ixtiraam (not qabiil iyo eex.)
24/04/2026
Qofkasta oo wax Dulminayaa kolkuu Dulmiga Samaynayo wuxuu aaminsanyahay inuu Cadaalad Samaynayo๐
Waxaa sidaas yidhi Aarka.
10/04/2026
Wax kasta waa la koobiyeeyn karaa.
Laakiin dhaqanka, dabeecadda, akhlaaqda, aqoonta, iyo hab-dhaqanka lama koobiyeeyn karo.
28/02/2026
Allhamdulilah calaa kuli xal.
21/02/2026
Ku: Maamulka Magaalada Jigjiga
Og: Xafiiska Horumarinta magaalooyinka
Ujeeddo: -Cabasho Rasmi ah oo ku Saabsan Dayaca Wadooyinka Magaalada Jigjiga, jidadka sodonka Ee magaalada kuwareega, wadada hamaha ama qabalaha 11aad, wadada Teywaanka,wadada lafacise, ilaa jidka 30ka Ee jamacada gala...IWM
Mudane: Shaafi
Anigoo ku hadlaya magaca bulshada ku dhaqan magaalada, waxaan si xushmad leh idiinku soo gudbinayaa cabasho rasmi ah oo ku saabsan xaaladda dayaca wadooyinka magaalada jigjiga qaarkood.
Waxan badanaa Aan aragney in hal waddo si gaar ah loo hormariyey lana siiyey mudnaan buuxda, halka wadooyin badan oo muhiim u ah isu socodka bulshada ay ku sugan yihiin dayac baโan, isla markaana aan loo sameyn dayactir ama dib-u-hagaajin ku filan.
Arrintan waxay sababtay In bulshada xaafadaha kale ay dareemaan sinaan laโaan dhanka adeegga ah.
๐In ay korodho cabashada dadweynaha ee ku saabsan maamul xumo iyo mudnaan si khaldan loo kala saaray.
๐In ay saameyn ku yeelato isu socodka, ganacsiga, iyo badbaadada bulshada.
Maadaama maamulka magaalada uu waajib sharci iyo mid maamulba ku leeyahay in adeegyada kaabayaasha loo qaybiyo si caddaaladeysan Oo qorsheysan, ayaan codsaneynaa:
๐In la sameeyo qiimeyn guud oo ku saabsan xaaladda dhammaan wadooyinka magaalada.
๐In la diyaariyo qorshe dayactir oo hufan oo si siman u taabanaya xaafadaha kala duwan ee magaalada.
๐In la hubiyo in miisaaniyadda loo adeegsanayo si waafaqsan baahida dhabta ah ee bulshada.
Waxaan rajeyneynaa in cabashadan si degdeg ah loo tixgelin doono, isla markaana laga qaadi doono tallaabo ku habboon si loo xaqiijiyo maamul hufan iyo adeeg bulsho oo siman.
NB: Waxaan mayirka magaalada u shegeynaa wadada weyn Ee halbowlaha magaalada unbaad soo dhaafi ledaheye Ee magaaladii kale yaad ku Ogtahay. Allahaga kabaq Oo Dadka wadooyinka ka hagaaji.