Waryaa Gaming

Waryaa Gaming

Partager

Somali Efootball and Gaming ✅

30/08/2026

graphics-kaan Ayaa Lagu Arkay Files ka Ay Konami wax ku kaydiso Lkn Wali game ka si Rasmi ah looguma soo darin. Midka Hada Aan ku dheelno iyo kan Isku mid Miyaa? Dadka High ga ku dheelo sheegaa🙌

Nuur Bukhaari

28/08/2026

Sxpkeen kooleer ciriiri la dareensiiyay
Hoos ka fiiri

-magafe-

28/08/2026

🚨📢 FAAIDO

Aan si fiican u kala qaadno sida uu u shaqeeyo Double Playing Style-ka cusub

Marka h**e waxa muhiim ah inaad fahanto waa in Double Playing Style loo sameeyay in ciyaaryahanku labada dhinacba uga shaqeeyo weerar iyo difaac

Waxaa jira Basic Attack iyo Basic Defense

Xitaa qaar ka mid ah cards-ka cusub sida Cannavaro waxaa loo sameeyay inuu weerarka Basic ka noqdo

Marka haddii aad aragto Playing Style-ka ku jira 🔴 kaas wuxuu khuseeyaa weerarka halka kan 🟢 uu khuseeyo difaaca

Playing Style walba wuxuu leeyahay shaqo u gaar ah waxaana loogu talagalay inuu la jaanqaado ama uu dhib ku noqdo style kale

Xusuusnow Playing Style-yadani waxay saameynayaan movement-ka AI-ga ciyaaryahanka

Micnaha ciyaaryahanka isagaa waxyaabahaas sameynaya adigoon mar walba adigu gacanta ku hayn 💀🔥

1. FRONT LINE PRESSURE

Kani waa defensive style cadaadis saaraya ciyaaryahanka Possession-ka ciyaaraya

Haddii aad gadaal iska fadhiisato oo aad kubadda dhinac dhinac u baasayso ciyaaryahan Front Line Pressure leh ayaa ku daba imanaya oo cadaadis ku saari doona

Waxaa inta badan loogu talagalay forwards-ka

2. PASS DISRUPTOR

Kani waa defensive style si dabiici ah u joojiya oo u gooya baasaska meelaha baasaska laga filayo

Xitaa uma baahna skills sida LRT ama Shadow Hunt si uu taas u sameeyo

Marka difaaca la joogo waxay saaid ugu dhaqmayaan sida Anchor Man iyo Destroyer

Style-kan wuxuu dhib ku noqon karaa nooc kasta oo Playing Style ah

Taasna waxay ka mid noqon kartaa sababaha Deep Line instruction-ka loo waayay

Waxaa loogu talagalay midfielders-ka

3. HIGH LINE MASTER

Kani waa defensive style si gaar ah ugu fiican LBC LB iyo QC

Marka striker-ka opponent-ka uu gadaasha u cararayo, defender-ka leh High Line Master isagana h**e ayuu ugu dhaqaaqayaa si uu striker-ka offside ugu qabto

Sida Maldini-ga cusub tusaale ahaan lkin xaar waaye 😂😂😂

Waxaa loogu talagalay defenders-ka gaar ahaan CB-yada

4. ATTACK OUTLET

Kani sidoo kale waa defensive style

Ciyaaryahanka wax yar ayuu gadaal ugu soo laabanayaa laakiin weli wuxuu ku sii dhowaanayaa weerarka si uu counter-ka ugu diyaar ahaado 🎯

Tusaale ahaan haddii Suarez-ka cusub uu leeyahay Attack Outlet uma baahnid inaad Counter Target instruction kale siisid

Sababtoo ah Counter Target ayuu automatic u wata🎯

Waxaa loogu talagalay forwards-ka ama CF

Markaa yaan la yaabin haddii mustaqbalka Counter Target xitaa laga waayo qaar ka mid ah players-ka

5. HIGH LINE GK

Hadda Neuer kaliya ma noqon doono goalkeeper-ka kubadda dhexda soo gala oo midfielder iska dhiga 😂😭

VDS iyo Casillas-ka aad jeceshahay xitaa waxaa laga yaabaa inay sida orchestrator DMF u ciyaaraan 😂

Sababta ayaa ah High Line GK wuxuu goalkeeper-ka ka dhigayaa mid aad uga qeyb qaata build-up-ka iyo baasaska kooxda

Sida Goat Onana oo kale

Kani waa attacking style waxaana si gaar ah looga faa’iidaysan karaa Possession, LBC iyo QC

6. FRONT LINE POACHER

Kani waa defensive style u shaqeynaya xoogaa sida Pass Disruptor-ka midfielders-ka

Laakiin markan waxaa loogu talagalay CF-yada

Waxa uu kaga duwan yahay Front Line Pressure waa inuusan si toos ah kuu cadaadinayn

Isagu wuxuu iska aadinaya booska uu filayo in opponent-ku baas siin doono si uu halkaas kubadda uga qabsado

Waxaana si gaar ah loogu talagalay inuu dhib ku noqdo Possession players

7. COVERING ROLE

Kani waa style loo sameeyay qaabkii Franz Beckenbauer u ciyaari jiray markii uu sweeper ama libero ahaa

Ciyaaryahanku wuxuu fadhiisanayaa meel aad u hooseysa oo ka dambeysa defenders-ka kale

Waxay xoogaa u egtahay Shadow Hunt laakiin markan uma baahna inaad haysato Shadow Hunt skill

Waxaa loogu talagalay defenders-ka

Anigana waxaan kuu sheegayaa hadda in Covering Role uu noqon karo mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican ee lagu joojin karo strikers-ka xawaaraha badan 💎

Mbappe iyo Dembele marka ay sida libaax gaajaysan kuu soo cararayaan 😂 waxay gadaasha kula kulmi karaan Nesta oo meesha iska sugaya

Marka hadda waa inaad wax badan ka fahantay sida Double Playing Style-ku u shaqeeyo

Waxay kaa caawin kartaa markaad go’aansanayso pack-ka aad furayso, players-ka aad qaadanayso, kuwa aad isla dheelsiinayso iyo sida aad kooxdaada u dhisanayso

Hadda xogta waad haysataa 🔥

EFOOTBALL 27

-magafe-

28/08/2026

Somalia istaageera comment like yaala raadin

🇸🇴 SOMALIA eFOOTBALL — Safarkii FIFAe 2026 ilaa Morocco 🇲🇦

Tartanka: FIFAe World Cup 2026 – eFootball™ Mobile
Marxaladda maanta: FIFAe Continental Championship Africa
Goobta: Casablanca, Morocco
Taariikhda: 27 August 2026

Somalia waxay Morocco ku timid iyadoo ka mid ah 8-da qarAN ee Afrika ee u soo baxay Continental Championship-ka: Morocco, Senegal, Tunisia, Egypt, Tanzania, Nigeria, Somalia iyo Madagascar. FIFAe waxay xaqiijisay in Somalia booskeeda ku kasbatay Consistency Points kadib saddexda qualifying weeks.

🏆 Sidee loo soo maray?

FIFAe Nations League-ka eFootball Mobile wuxuu lahaa 3 qualifying weeks:

* 🗓️ Week 1: 5–7 May
* 🗓️ Week 2: 8–10 June
* 🗓️ Week 3: 7–9 July

Toddobaadyada 1 iyo 2, kooxaha ugu sarreeya group-yada waxay u gudbeen knockout; Week 3-na waxaa jiray double-elimination.



🇸🇴 WEEK 1 — Bilowgii safarka Somalia

Somalia waxay ku jirtay group ay kula jireen Senegal, Nigeria, Seychelles iyo South Sudan.

Group-ka markii la dhammeeyay, Somalia waxay ku dhammaatay:

🥈 2nd place
4 kulan: 3 guul – 0 barbaro – 1 guuldarro
5 goals scored – 1 laga dhaliyay
9 points

FIFAe xogteeda group-ka waxay muujinaysaa in Somalia ay ahayd 2-aad, Senegal-na ay ahayd 1-aad.

Taasi waxay Somalia siisay bilow aad u xooggan, waxayna u gudubtay marxaladda knockout-ka.



🇸🇴 WEEK 2 — Somalia oo mar kale tartanka ku adkaatay

Week 2 Somalia waxay gashay group aad u adag oo ay ku jireen:

🇸🇳 Senegal
🇿🇦 South Africa
🇸🇨 Seychelles
🇸🇿 Eswatini
🇨🇩 Congo DR

Natiijada group-ka:

🥈 Somalia — 2nd place

5 kulan
3 guul
1 barbaro
1 guuldarro
8 goals scored
2 goals conceded
10 points

Senegal ayaa 1-aad noqotay 13 points, Somalia-na 10 points.

Somalia waxay sidaas ku gaartay knockout-ka Week 2. Laakiin knockout-kaas waxay ku dhammaatay kaalmaha 9–16, taas oo siisay 60 Consistency Points.



🇸🇴 WEEK 3 — Halka Somalia dhab ahaan qaraxday 🔥

Tani waxay ahayd qaybtii ugu muhiimsan ee Somalia.

Week 3 Somalia waxay ku jirtay group ay ku jireen:

🇸🇿 Eswatini
🇲🇦 Morocco
🇬🇭 Ghana
🇸🇨 Seychelles
🇨🇩 Congo DR

Somalia waxay noqotay:

🥇 1st PLACE! 🇸🇴🔥

5 kulan:
4 guul
1 barbaro
0 guuldarro
10 goals scored
2 goals conceded
13 points
+8 goal difference

FIFA.GG waxay si rasmi ah u diiwaangelisay Somalia 1-aad, iyadoo Eswatini 2-aad, Morocco 3-aad noqotay.

Kulankii Morocco 🇲🇦 vs 🇸🇴 Somalia

Mid ka mid ah kulamadii ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa:

🇲🇦 Morocco 1–1 🇸🇴 Somalia

Taasi waxay muujisay in Somalia aysan kaliya garaacin kooxaha kale, balse ay awood u lahayd inay Morocco la ciyaarto oo ay dhibic ka qaadato. FIFA.GG waxay sidoo kale diiwaangelisay kulamadii kale ee Somalia iyo Morocco ee qualifying-ka.

Congo DR 🇨🇩 vs Somalia 🇸🇴

Week 3:

🇨🇩 Congo DR 0–3 🇸🇴 Somalia

Somalia waxay ku bilowday guul 3–0 ah.



📊 Marka saddexda Week la isku daro

Waxa muhiimka ah waa in FIFAe aysan kaliya eegin hal tournament. Waxay isticmaashay Consistency Points, kuwaas oo laga helay performance-ka saddexda qualifying weeks iyo knockout stages.

Somalia waxay sidaas ku noqotay mid ka mid ah 7-da dal ee qualification-ka ku helay performance, halka Morocco ay host ahaan automatic qualification ku heshay.

🇸🇴🔥 Maxaa Somalia ka dhigay koox khatar ah?

Waxa ugu weyn waa consistency.

Somalia ma ahayn koox hal mar nasiib ku soo baxday. Waxay saddexda qualifying stages si joogto ah uga mid ahayd kooxaha sare:

Week 1 → Top group / knockout
Week 2 → 2nd place group / knockout
Week 3 → 🥇 1st place

Week 3 gaar ahaan waxay ahayd fariin xooggan: Somalia waxay ku dhamaysatay 4W–1D–0L, iyadoo dhalisay 10 oo laga dhaliyay 2 oo keliya.

-magafe-

27/08/2026

🚨Tomiyasu Takehiro Isniinta Imaan Doono Stats-kiisa✅

Style-kiisa Labaad: High line Master 🧠⚽

special Skills- Long-reach Tackle, Shadow Hunt, Visionary Pass ⚔️🔥

Pack-gaan Hadii uu 100 Plyers Noqdo Mala Gali karaa?

Si kale Oo Custom ah Comment-ga Koowaad ka fiiri 👇

Qalbi Dhalaliye | Nuur Bukhaari |

27/08/2026

Kuwan na waa Monday ✅ Week-Gaan waa Iska Biyo caadi ah 😂

-nuur Bukhaari-

27/08/2026

POTW

27/08/2026

Official Showtime Today 😑

-Nuur Bukhaari-

26/08/2026

$100 maldini kaso bixisay haddu saas yeelo adoo 3goals la hormaray kwrn 🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣

-magafe-

26/08/2026

🚨 Midfielders-kaaga sabab ayay U daalan efootball27

eFootball 2027 waxyaabaha ugu realistic-ka badan ama xaqiiqda u dhow ee lagu soo kordhiyay ma aha graphics-ka ama badalka-ka ama animations-ka cusub

Waa stamina-da

Sanado badan ciyaartoyda dhexda -ku waxay u ekaayeen ciyaartoy aan daaleyn oo weligood ordi kara 😂

Laakiin hadda game-ku wuxuu bilaabay inuu muujiyo waxa dhacaya marka dhexdaadu -kuu noqdo engine-ka ama manastaha kooxda

Marka kooxdaadu kubadda haysato dhexdaadu h**e ayay u soo dhaqaaqan si ay weerarka uga qayb qaatan

Laakiin marka kubadda ka lunto isla markiiba waa inay gadaal u cararaan oo difaaca caawiyaan meelaha banaan buuxiyaan oo kubadda dib u soo ceshtaan

Marka labada dhinac ee weerarka iyo daafaca ciyaarta mar walba way ku jiraan taas ayaana stamina badan ka laminaysa ama u isticmaalayaan

Sidaas oo kale ayay forwards-ka casriga ama CF ka yihiin

Front Line Pressure wuxuu ku qasbayaa weeraryahanka inuu h**e u cadaadiyo daafacyada raaco movement-kiisa mararka qaarna xitaa gadaal ugu soo laabto hadba sida ciyaartu tahay

Taasi waa sababta 70-ka daqiiqo marka la gaaro aad u arki karto ciyaartoyda oo xawaarehoodu hoos u dhacayo qaar foorarsanaya qaar dhulka fadhiya ama muujinaya calaamadaha daalka iyo muruqyada oo ku adkaanaya

Marka midfielder-kaaga uu 70-ka daqiiqo daalo ha is oran game-ku ayaa iga soo horjeeda 😂 ninka shaqo badan ayuu soo qabtay. 🔥

-magafe-

Vous voulez que votre entreprise soit Gym la plus cotée à Paris ?

Cliquez ici pour réclamer votre Listage Commercial.

Emplacement

Site Web

Adresse

Paris