Wanleweyn new

Call

Wanleweyn new "The official page of WANLAWEYN MEDIA 24 . WN is one of the local New stations in Somalia.

Bayaankani wuxuu baaq degdeg ah iyo digtoonaan toos ah uga bixinayaa xaaladda siyaasadeed iyo ta amniga ee ka jirta Degm...
30/09/2026

Bayaankani wuxuu baaq degdeg ah iyo digtoonaan toos ah uga bixinayaa xaaladda siyaasadeed iyo ta amniga ee ka jirta Degmada Wanlaweyn. Degmadu waxay maanta ku sugan tahay jawi xasiloon oo horumar leh, kaas oo u baahan in la dhowro lagana badbaadiyo maamul-xumo iyo go'aannada gurracan ee Hogaanka Koonfur Galbeed. Waxaan si cad u diiddan nahay iskudayada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xukunkii colaadda iyo dagaal-ooganimada, waxaana baaq toos ah u diraynaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed in uu u turo shacabka Wanlaweyn iyo deegaannada ku xeeran.
​Qodobbada Muhiimka Ah:
​1. Xasilloonida iyo Horumarka Wanlaweyn: Degmada Wanlaweyn maanta waxay ku sugan tahay xaalad siyaasadeed oo dhisan oo meel wanaagsan maraysa. Xasilloonida ka jirta ma ahan mid lagu ciyaari karo, uma baahna in dib loogu celiyo jahawareer iyo fawdo siyaasadeed.
​2. Cambaareynta Go'aannada Hogaanka Koonfur Galbeed: Hogaanka siyaasadda Koonfur Galbeed wuxuu mugdi weyn gelinayaa xaaladda Wanlaweyn. Maamulka maanta jira wuxuu doonayaa inuu dib u soo cusbooneysiiyo maamulkii h**e oo bulshadu ku xusuusato dagaalka, fawdada, iyo mooryaanimada.
​3. Diidmada Tooska Ah ee Maxamed Siidow Cabdiraxmaan: Magacaabista Dagaal-ooge Maxamed Siidow Cabdiraxmaan waa go'aan halis ah oo aan u xaglinayn danta guud. Tallaabadani waxay u socotaa ajande gaar ah oo lagu aafaynayo xasiloonida iyo amniga shacabka deegaanka.
​4. Baaq ku Socda Guddoomiyaha Baarlamaanka: Waxaan baaq degdeg ah u diraynaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Mahad Maxamed Sheekh Xasan, inuu ka fikiro nabadda, maslahada, iyo badqabka shacabka Wanlaweyn, kuna baaqo in isla markiiba la joojiyo magacaabistaan halista ah.
​5. Dhismaha Maamul Wada-shaqeyn Leh: Degmada Wanlaweyn uma baahna dagaal-ooge ama maamul ku dhisan gacan-kudhiigle; waxay u baahan tahay hogaan wada-shaqayn kara oo la shaqayn kara dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ku-xigeenadiisa.
​6. Badbaadada Shacabka iyo Deegaanka: Waxaa lagama maarmaan ah in loo turo shacabka Wanlaweyn iyo bulshooyinka ku hareereysan, lagana fogaado go'aannada shakhsiga ah ee colaadda iyo kala-qaybsanaanta dib u kicinaya
Mahad Mohamed Sh Hassan

WAR CUSUB: Maleeshiyaadka soo weeraray magaalada Baydhabo ayaa adeegsanaya diyaaradaha isqarxiya ee droneska iyo gaadiid...
28/09/2026

WAR CUSUB: Maleeshiyaadka soo weeraray magaalada Baydhabo ayaa adeegsanaya diyaaradaha isqarxiya ee droneska iyo gaadiid laga soo buuxiyay qaraxa sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo ku sugan magaalada Baydhabo.

28/09/2026

Waa xaaladda dhabta ah ee maanta ka jirta magaalada Baydhabo.
Shacabka aan waxba galabsan mar walba iyaga ayaa ugu dambeyn dhibaatadu ku dhacdaa. Ilaahay ha nabad geliyo Baydhabo iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

DEG-DEG: Dagaal ayaa saaka ka qarxay magaalada BaydhaboDagaalka oo la isku adeegsanayo hub noocyo kala duwan ayaa weli k...
28/09/2026

DEG-DEG: Dagaal ayaa saaka ka qarxay magaalada Baydhabo

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hub noocyo kala duwan ayaa weli ka socda magaalada Baydhabo, iyadoo xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Ilaahay ha badbaadiyo shacabka Baydhabo, nabad iyo xasilloonina ha ugu beddelo. 🤲🏾

23/08/2026

Awood sheegashada bulshada nugul iyo cagafta saxiixa wadata 🤔

Aaway masuuliyadii loo dhaartay maxaa ganacsatada dhurwaaga ah ummada looga qaban waayay 😪

12/06/2026

Degmada Wanlaweyn ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynaayay laguna taageerayay Madaxweynaha cusub ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil, Mudane Xildhibaan Sayid Axmed Abukar  iyo Guddoomiyaha...
12/06/2026

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil, Mudane Xildhibaan Sayid Axmed Abukar iyo Guddoomiyaha Dhalinyarada Mudane Abdirisaaq Dhaayow ayaa wada qaatay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray horumarinta Degmada Wanlaweyn iyo xaaladda guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay dardargelinta adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta amniga, iyo sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado waxbarasho iyo shaqo. Sidoo kale, mas'uuliyiintu waxay is dhaafsadeen fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta bulshada iyo maamulka si loo gaaro horumar waara.

Ugu dambeyn, dhinacyadii kulanka yeeshay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada lagu horumarinayo Degmada Wanlaweyn iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan wadatashiyada iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo horumar iyo xasillooni.

Degmada Wanlaweyn ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay Madaxweynaha ...
12/06/2026

Degmada Wanlaweyn ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay taageeradooda buuxda ee ay u hayaan hoggaanka cusub.

Mas’uuliyiintii iyo shacabka ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta maamulka cusub si loo xoojiyo amniga, loo dardargeliyo horumarka, loona hormariyo adeegyada bulshada ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Bulshada Wanlaweyn ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub ugu hambalyeysay xilka loo doortay, iyagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu shacabka Koonfur Galbeed ku hoggaamiyo midnimo, nabad iyo horumar waara

Munaasabaddu waxay ku soo dhammaatay jawi farxad iyo is-xilqaan leh, iyadoo shacabka degmada Wanlaweyn ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay taageeridda dowladda iyo hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaal culus ayaa markale ka bilowday hoyga uu Muqdisho ka degay M/weyne h**e Shariif kaasi oo kuyaalla degmada C/casiis...
03/06/2026

Dagaal culus ayaa markale ka bilowday hoyga uu Muqdisho ka degay M/weyne h**e Shariif kaasi oo kuyaalla degmada C/casiis.

dhawaqa rasaas iyo hub culus ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa dowladda ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya ciidamada mucaaradka iyo kuwa dowladda.

wixii kusoo kordha halkan kala soco.

03/06/2026

Koofiya Castii Madaxtooyada oo Cabdicaziiz ku sii qulquleysa, xaalka wali ma dhawa.

Address

London Colney

Opening Hours

Monday 9am - 5pm
Tuesday 9am - 5pm
Wednesday 9am - 5pm
Thursday 9am - 5pm
Friday 9am - 5pm
Saturday 9am - 5pm
Sunday 9am - 5pm

Telephone

+4479895013154

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wanleweyn new posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share