03/06/2026
Dagaal culus ayaa markale ka bilowday hoyga uu Muqdisho ka degay M/weyne h**e Shariif kaasi oo kuyaalla degmada C/casiis.
dhawaqa rasaas iyo hub culus ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa dowladda ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya ciidamada mucaaradka iyo kuwa dowladda.
wixii kusoo kordha halkan kala soco.
15/04/2026
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid Danjiraha Israaiil u magacowday Soomaaliland.
DFS waxay si cad u diidaysaa isku day kasta oo lagu bixinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda; Somaliland waxay weli tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Cid kasta oo doonaysa in ay u muujiso inay tahay gaar waa mid aan sal sharci lahayn, kana hor imanaysa axdiga caalamiga.
06/04/2026
CAJIIB- Shirka Amniga Koonfur Galbeed waaye, hadane Saraakiishii Digil iyo Mirifle kuma jiraan oo qeyb k**a ahan, ee Maloo shirayaa mise waa laga shirayaa?
Waxaa marwaliba khasab ah in hadii amni Maamul Goboleed laga hadlayo ay goob joog ahaadaan Saraakiisha markaas jooga Maamulka laga hadlayo Amnigiisa.
Koonfur Galbeed, Baraawe Rukub waaye, Bay & Bakool Yeelkadoode👀.
03/04/2026
Madaxdeennu rag iyo rabbi k**a xishoodaan, Shacabkuna rajo ma daayo!
Shuruucdii h**e oo lagu tuntay ayaa kuwa cusub iyo ballanqaadyo horleh la sameeyaa.
Xarkaha ayaa eexdu goosatay oo xataa hadda Hayadaha caalamiga ah ayaa la qasbaayoo tartan ma qaban karaan, mashruucyadana inta aysan soo banbixin ayaa qaraabo-kiil lagu bixiyaa.
Sharciga Door-sooc ee tartanka waa la ansixiyay, waa lagu faanayaa dadkuna waa iska masaakiintii rajo ku noolka ahayde kuwa usoo qoraaya waa la tartami doonaa ayaa ay rumeysan doonaan.
Nasiib darrada jirta maalin dhaw ayaad arki doontaa hebel iyo heblo la magacaabay!
Rabbi talo ku filane iska ansixiya aniga ayaa dhaqan gelin doona idamka Alle e.