Jiritaan12

Jiritaan12

Share

BARAARUJINTA BULSHADA IYO MAARAYNTA MASIIRKEEDA.

Photos from Jiritaan12's post 20/08/2026

Waxaan kamid ahay dadkii kusoo barakacay dagaalladii galbeedka sitti, aniga iyo qoyskayga waxaan ku sugnayd magaalada erer, ooridii ama gabadhan oo xaaskayga ah ayaa iga xanuusatay wax oon dhakhtar ku geeyo ma haysanin magaalada ayaa xooga lacag ah nalooga dhex ururiyay, carruurtii waan isaga tegay oo waxan qaaday gabadha waxaanan geeyay hospital diridhaba kuyaalla.

Muddo hal bil ah ayaan halkaas aad ugu silicnay gabadhii wax oon daawo u siiyo iskadaaye xattaa jal waan u waayay oo wixii yaraa wuu naga dhammaaday, carruurtaydii iyaga warkoodaba daa oo inaan ka maqnaado ayaan cuskaday.

Ugu danbayn dhakhtarkii wuxuu igu yidhi gabadhan xanuunkeeda waxba k**a qaban karno ee qaad oo hospitallada addis Ababa kuyaalla gayso wuxuuna ii jaray warqaddan.

Aniga maadaamo xaalkaygu kaas aan soo sheegay ahaa waxaan u raadiyay nool aan mar ku gaadhsiiyo halkii ay carruurteedu joogtay alle mahaddii waanan keenay oo waatan ubadkeeda dhex jiifta ee tii rabbi ku sugaysa )

Sidaas waxaa yidhi walaalkan oo lagu magacaabo XASAN XAREED WAABARI, haddaba waxaan qisadan xanuunka leh niilasoo wadaagnay waa labo qodob inaan u samaynno:

1) waa habeen khayrleh oo jumce inaan u ducaynno laga yaabo inuu ilaahay sw ducadeenna u aqblee.

2) inaan ugu kaalmaynno qofba wixii uu karayo welibaw 100 birr ha ahaatee.

Wixii aad awooddid ugu dir lambarkiisa waa XASAN XAREED WAABARI 092 479 0085

FG: war intaas ka badan haddaad uga baahatid waad wixi kartaa xataa WhatsApp uu ugu furanyahay.

20/08/2026

Beesha ciise dhulka iyo cirkaba waa inay ka weerartaa maamul goboleedka SL xattaa dhinaca badda waa in laga duqeeyo ilaa ay keenada dhiibayaan.

bootayn iyo baaqyo baraha bulshada la isku mariyo waan ka daalnay ragannimo waxaan u aqaan in somaliland uu ciise sideeda isaga dhabo,

xeerkaaga saylac lama iman kartid ayaa 1 ayayd, waxaa xigtay nabadxidh qasab ah, ugu danbaynna ogaas 2aad oo ciisaha SL wax laga waydiiyo in lagu dhawaaqo.

berri waxaa xigta ogaas kuma caleemo saari kartid magaalada saylac iyo arrimo kale oo aad loo qariibsan doono.

maanta ayay ugu dhawdahay ciise somaliland birta ha ka aslado oo sidii shulbahante waxbaa baallahayga yaacay ha kaga siiyo, wixii aan intaas ahayn waa lalabyo iyo laqanyo.

07/08/2026

Mulli inaan difaacano diyaar baynu u nahay laakiin xukumadda DDS diyaar ma u tahay inay soo af jarto dagaalka sokeeye ee sannad walliba ka taagan degmadaas?

Waxaa lawada ogyahay Malleeshida degmada ma'ayso inay isku baddashay ciidan beeleed badhax tiran kuwaas oo biraha u afaysanaya isla gobolka ay mishaharka iyo saanadda ciidan ka qaataan ee sitti!!

Maamulka gobolka sitti waa ay isku dayeen in dhibaatadan xal laga gaadho oo degmooyinka afdem iyo ma'yso malleeshiyadooda waxaa hal fadhiisin looga sameeyay dixda doobbe, muddo way wada joogeen laakiin wakhti dhaw ayay malleeshiyada mulliyeed ballantiii ka baxeen oo ay dad shacab ah oo xoolo abaareed lajoooga ku laayeen isla aaggaas!!??

Tani mar maaha oo labo maaha ee waa arrin soo noqnoqatay, haddaba dawladdu ma waxay kari wayday in gacan kudhiiglayaasha lasoo qaqabto oo sharciga la hor keeno?

Beelo is gummaadaya iyo maamullo habacsan cadaw kale isk**a celiyaan ee iyagaaba cadawnimo iakugu filan.

05/08/2026

Madaxwayne mustafe ii gaadhsii ayuu yidhi;

03/08/2026

Hello somaliland geeriso dab ayaa yaalla nabadduna diridhaba ayay taallaa adigoo gurguuranaya ayaad iman.

ka leef leed kaciifyahaw😎

03/08/2026

Anigoo ah guddoomiyaha ruuxiga ah ee gobolka cusub ee SITTI GALBEED caawa waxan ku suganahay xarunta gobolkaas waxaanan difaacanayaa xilka ama jagadayda.

Inaan raad qaboobahay caawa magaaladii roob ayaa ka da'aya masha allaah.

02/08/2026

Kabdhoodka magaalada casbuli waxaa ka sara kacay gurigii loo dhisayay hooyadii baahida gaarka ah lahayd kaas ooy bilaabeen group hablo ah oo mijo-kuullay lagu magacaabo.

Wajigii koowaad ayaa soo dhammaaday wajiga 2aad waa qoryo hareeraha lagu sallado iyo carro lagu tilbiiso wajiga 3aadna waa nuurad iyo ranji iyo aasaasyar oo lagusoo wareejiyo sibidh dhulka ah iyo daarad yar iyo meel la hadhsado haddii loo raaciyana kaba sii fiican.

Sidoo kale musqul waa lagama maarmaan.

02/08/2026

Dugsiga Qur'aanka ee biyacadde wuxuu u baahanyahay agabkii waxbarashada, kuraas, sabuurado, buugaag iyo qallimaad intaana waxaa ku baxaaysa lacag aan sii badnayn wax kayar 300$ haddaba yaa liibaana?

Ardaydii iyo macallinkii waa diyaar sidoo kale macallinka mishaarkiisa waa la qoondeeyay keliya agabkaasaa naga dhiman ee khayrka haloo kala badiyo inshallaah.

092 436 3337 Cumar Shanta
Miyi magaalays 2026.
Jiritaan12

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Nairobi West?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Nairobi West