Warsuge MediaNews

Warsuge MediaNews

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Warsuge MediaNews, Bahçelievler Mahallesi, Bahçelievler, Nairobi.

( “Warsuge Media News) waa warbaahin u heellan gudbinta warar sugan, xog dhab ah, iyo falanqeyn ku saleysan xaqiiqo, si ay bulshada u hesho macluumaad lagu kalsoonaan karo oo waqtigiisa la joogo,Ah

Photos from Warsuge MediaNews's post 29/04/2026

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Cyprian Kubai Iringo ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu Danjiraha la wadaagay guulaha laga gaaray la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo horumarka amniga dalka, isagoo xusay muhiimadda iskaashi dhow oo lagu adkaynayo ilaalinta xuduudaha iyo danaha wadaagga ah.
Dhankiisa, Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta, isagoo sheegay in Dowladda Kenya ay ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta labada dal si loo adkeeyo amniga loogana hortago khataraha argagixisada.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Safiir Ku-xigeenka Kenya Ilyaas Barre Shiil.
mediaNews
me

Photos from Warsuge MediaNews's post 29/04/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfuray tababar lagu xoojinayo aqoonta iyo karaanka howlwadeennada Waaxda Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta.
Tababarkan ayaa lagu xoojinayaa fahamka doorka arrimaha nafsiyeed ee ku saabsan bulshooyinka, si loo horumariyo dib-u-heshiisiin loo dhan yahay oo waarta. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda habab dhisaya kalsooni, wada noolaansho bulsho, iyo xasillooni guud oo dalka ka hirgasha
mediaNews
me

29/04/2026

Degdeg :
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa qabtay haweeney iska dhigtay nin, kaddib markii ay xiratay dhar rag ah isla markaana si caadi ah ugu dhex socotay waddooyinka
mediaNews
me

29/04/2026

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Baydhabo oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay
mediaNews
me

29/04/2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in nabadeynta iyo wadajirka bulshada ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee horumarka dalka, isagoo tilmaamay in aan wax horumar ah la gaari karin haddii aan la adkeyn xasilloonida
mediaNews
me

29/04/2026

Baydhabo: Waxaa ka socda ololaha wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed
mediaNews
me

29/04/2026

Deg-deg: Kulamo xasaasi ah ayaa ka socda xerada Xalane, halkaas oo xubnaha beesha caalamka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay uga arrinsanayaan xaaladda dalka
mediaNews
me

29/04/2026

Deg-deg : Shirkii maanta dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhammaaday natiijo la’aan, sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan
mediaNews
me

29/04/2026

odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyahay nabadeynta, midnimada iyo xasilloonida dalka.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay odayaasha dhaqanka kaalintooda ku aaddan xalinta khilaafaadka iyo ilaalinta wadajirka bulshada, isaga oo xusay in dowladdu ay garab taagan tahay, isla markaana ay xoojinayso wadashaqeynta kala dhaxeysa.
mediaNews
me

Photos from Warsuge MediaNews's post 29/04/2026

Jowhar, 28-Abriil-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo soo gaaray magaalada Jowhar.
Wafdiga oo uu hoggaaminayay Guddoomiyihii h**e ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaalle (Madaalle), ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay.
Ujeedka safarka ayaa ahaa furitaanka xarunta cusub ee JSP ay ku yeelaneyso caasimadda Hirshabeelle, iyadoo madaxda sare ee xisbiga ay door muuqda ku leeyihiin hoggaaminta iyo jihaynta siyaasadda dalka.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xubnaha xisbiga ku dhiirrigeliyay inay mideeyaan dadaalkooda, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeyaan gaarista himilooyinka JSP iyo horumarinta dalka
mediaNews
me

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Nairobi?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Bahçelievler Mahallesi, Bahçelievler
Nairobi
34180