31/08/2026
Musharax Madaxweyne Libaan Ahmed Hasan oo Hoygiisa Ku Qaabilay Suldaan Sheikh Abdirahman Sh. Mohamed Ciroobe iyo qaar kamida Xildhibaannadii kusoo baxay doorashadii Galmudug.
Madaxweynaha, Libaan Ahmed Hasan, ayaa hoygiisa Dhuusamadeeb ku qaabilay Suldaan Sheikh Abdirahman Sh. Mohamed Ciroobe, Suldaanka Beesha Saruur, iyo qaar ka mid ah xildhibaannada cusub ee Galmudug.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda bulshada, xoojinta wadajirka iyo iskaashiga, iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa dadaallada loogu adeegayo shacabka iyo horumarinta deegaanka.
Intii uu kulanku socday, dhinacyadu waxay yeesheen wada-hadal miro-dhal ah, iyagoo is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin ku aaddan arrimaha taagan. Waxaa sidoo kale lagu gaaray isfaham iyo heshiisyo muhiim ah, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen ballamo iyo qorshayaal kale oo muhiim u ah mustaqbalka.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo ku dhisan is-qaddarin, wada-shaqeyn iyo isfaham, waxaana la isku raacay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada-tashiga joogtada ah.
27/08/2026
Ma ogtahay in Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad, loo xilsaaray hoggaaminta hannaanka doorashada Galmudug, iyadoo faylka arrintana lagu wareejiyey kaddib kulan ka dhacay Villa Soomaaliya?
Xog laga helayo ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu go’aansaday in hannaanka ku-celiska doorashada Galmudug lagu aaminno Mahad Maxamed Salaad.
Dhanka kale, musharraxa JSP ee ku-celiska doorashada ayaa ah Liibaan Axmed Xasan (Li Power), kaas oo xalay qabtay shir-jaraa’id uu si cad ugu sheegay inuu aqbalay ku-celiska doorashada iyo go’aanka Maxkamadda.
Arrintan waxay muujinaysaa in dhinacyada siyaasadda Galmudug ay ugu dambayn u hoggaansameen go’aannada dowladnimada iyo hay’adaha sharciga, taasoo meesha ka saaraysa hadalladii sheegayay in siyaasiyiinta Galmudug ay si buuxda u kala qeybsan yihiin.
Casharka ugu weyn ee ka dhalanaya xaaladdan waa in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo hannaan sharci iyo dowladnimo.
Nur Yelaye
24/08/2026
Imaam geeriyoday xilli uu taagnaa mimbarka masaajidka. 😢
Imaam udhashay dalka Morocco kana tirsanaa Masjidka Cumar bin Khaddaab ayaa geeriyooday xilli uu gudaha masjidka ka jeedinayay Khudbaddii Jimcaha. 🇲🇦
Dhacdadan ayaa dad badan ku dhalisay inay ka fikiraan sida noloshu aan la saadaalin karin, iyo aaminsanaanta Islaamka ee ah in geeridu qofka u iman karto waqti kasta.
Muslimiinta, Khudbadda Jimcaha waa cibaado muhiim ah, sidaas darteed geerida imaamka oo ku timid isagoo gudanaya cibaadadan waxay ahayd dhacdo murugo iyo xusuus gaar ah leh.
21/08/2026
💍❤️ HAMBALYO MEHER ❤️💍
Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaa walaalkay Khadar Mohamed iyo walaashay , munaasabadda meherkooda oo ka dhacday Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.
Alle ha idiin barakeeyo meherkiinna, ha idinka dhigo lammaane isku waara oo ku wada noolaada jacayl, farxad, xasillooni iyo is-ixtiraam. Alle ha idinku galladeeyo nolol wanaagsan, ubad kheyr qaba oo indhihiinna ku qabowsadana ha idinka siiyo. 🤲❤️
🌹 Aamiin, soo dhaha!💍✨
07/08/2026
Amir Hassa was a Republican candidate seeking a U.S. Congress seat in Michigan's 8th District.
Before the campaign, he announced that he had left Islam and converted to Christianity, hoping it would increase his support among voters.
However, he did not make it to the November general election. He was defeated in the Republican primary by another Muslim candidate.
God is the ultimate judge.