21/11/2025
Xulka Da’yarta Soomaaliya oo 3–3 Barbaro Ah La Galay Itoobiya – Dagaal Geesinimo iyo Rajo
Xulka dhalinyarada Soomaaliya ee ka hooseeya 17-jirada ayaa maanta soo bandhigay dadaal iyo geesinimo aan caadi ahayn, kadib markii ay 3–3 barbaro ah la galeen xulka Itoobiya, ciyaar ku dhamaatay si xamaasad leh.
Soomaaliya ayaa ciyaarta goor h**e hoggaanka ku qabatay, balse waxa laga daba keenay saddex gool oo xiriir ah, ilaa ay dhalinyaradeennu daqiiqaddii 87aad dhaliyeen goolka labaad ee soo noolaynta, halka daqiiqaddii 92aad ay keeneen goolka barbaraha oo ciyaarta xamaasadeeda kiciyay.
Waxa ay da’yarteennu markale muujiyeen inaysan niyadooda jabin, xitaa marka goolal lagala hormaro—waa kuwooda mar walba keena jawaabta u qalanta.
Garsoorka oo mar walba nagu jiifa
Ma ahayn kulankii kowaad ee go’aamada garsoorku nagu adkaadaan.
Rigoore jilicsan oo maanta nala ka dhigay iyo labadii kulan ee ka horreeyay oo aan garsoorku si cadaalad ah noogu dhexdhexaadin ayaa qayb ku lahaa xaaladaha adag ee aan la kulannay.
Si kastaba ha ahaatee, xulkeenu cudur daar k**a dhiganayo arrintaas. Waxa uu ku tashanayaa awooddiisa, wuxuuna muujiyay heer tartan sare.
Rajada Soo Bixitaanka
Soomaaliya waxay hadda leedahay 3 dhibcood, waxaana haray hal kulan oo muhiim ah oo aan la ciyaari doono Rwanda.
Haddii aan kulankaas badinno, rajada soo bixitaanka waa mid aad u sarreysa, anigoo kalsooni buuxda ku qaba in wiilashu awood u leeyihiin inay guusha gaaraan kulankaas.
Hambalyo Xulka Soomaaliya U17. 🇸🇴
08/05/2025
26/10/2024
17/07/2024
24/02/2024
29/01/2024
02/01/2024