06/03/2025
Ujeedo cadeyn
Laga bilaawo maanta waxaan halkaan ku cadeyneynaa in isbortiska Degmada Afgooye wax shaqo aan ku leenahay majirto
Wq: Gudoomiye Ku Xigenka iyo xoghayaha iyo dhan xubnaha maamulka isbortiska degmada afgooye
Wabilahi towfiiq
15/01/2025
SHAQO KA JOOJIN XOGHAYAHA ISBORTISKA DEGMADA AFGOYE.
Gudoomiyaha isbortiska Degmada Afgooye Mudane Idiris Abduqadir Buure ayaa Shaqo joojin ku sameeyay xoghayaha isbortiska degmada Cusman Ahmed Mohamed, Kadib Amar diido iyo fowdo iyo shaqo carbushid Xil gudasho la.aan uu sameeyay.
Sida Ku Cad Warqada Maanta wixii ka dambeeya Wax shaqa ah uu ka qaban karo isbortiska majirto ilaa Amar Dambe
21/10/2024
Waxaa farxad iyo sharaf inoo ah macalinka xulka degmada afgooye kuulow oo haatan degmadiia dib igu soo laabtay mydooyinka dhan wuxuu ku howlanaa tartanka degmooyinka iyo degmada balcad
Soo dhawaaw macalin runti waan kugu faneynaa
14/09/2024
Waxaan maanta daah furnay koobka waaxda 21 october ee degmada afgooye
Koobkaas oo sanadkii mar la qabto waxaa ka qeeb galeen oo nasiib u yeeshay 12 koox ee kawada dhisan 21 october
Next xaawa taako cup ayaa ku xiga isha ku haay
07/09/2024
Goordhow iyo isbadal cusub isbortiska degmada afgooye.
Isbadal lagu wada qanci doono
Isbortiska waa isdhexgalka bulshada
17/08/2024
TACSI: INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha Xiriirka kubbadda Cagta degmada Afgooye, Mudane Idiris Abduqadir Buure ku xigeenkiisa Axmed Ali Gurey( Khaliifey ), iyo xoghayaha guud Cusman Ahmed Maxamed, xubnaha guddiga fulinta, iyo guud ahaan bahweynta kubbadda cagta degmada afgoye waxay tacsi u dirayaan ehelada marxuum Abdirahman Jeylaani Xasan ( budka )oo ahaa cayaaryahanka naadiga Dabsaar Oo Maanta Ku Geeriyooday Degmada afgooye.
Allah Janatul Fardowsa ha ka waraabiyo marxuumka qoyska iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo.
AAMIIN.
30/07/2024
Waxaan hambalyo u direynaa macalinkeena xulka degmada afgooye oo shahaado couch ah qaatay
Waxaan leenahay hormar wacan waxaan rajeynaa midaan mid ka sii sareyso insha Allah
01/06/2024
Waxaa maanta soo gabagaboobay tartanka kubadda cagta ee iskuulka kacaan primary and secondary school
29/05/2024
Mohamed omar waa mid ka mid ah aarbitarada degmada afgoye
10/03/2024
Deg deg : Sacuudiga oo ku dhawaaqay in maalinta Bari ah ay Ramadaan tahay.
Ramadaan Mubaarak walaalayaal.
09/03/2024
Champions FC DABSAAR
HAMBALYO labada dhinac waxaad sameyseen dadaal oo aad kusoo gaarteen heerkaan waxaad soo bandhigteen kubbada lagu wada qanco
Waxaad muujiseen in heerka isbortiska degmada afgooye halka uu maraayo
Kooxaha usoo gudbay sera A-da
1. Dabsaar
2. Hormuud
3. Elman
4. Ac marso
Hambalyo Hambalyo Hambalyo dhamaan.
07/03/2024
Final [ afgoi League Cup Division one 1⃣
Dabsaar vs Hormuud
Jimco thuraay stadium 🏟
Afgoi football Association