19/03/2026
Guddoomiyaha Sports-ka Deegaanka Mukidheere mudane Ahmed Ibraahim Ali ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda u diray guud ahaan shacabka reer Balcad, gaar ahaan shacabka ku dhaqan deegaanka Mukidheere.
Guddoomiyuhu wuxuu yiri: “Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah, si gaar ah shacabka reer Balcad iyo dadka ku nool deegaanka Mukidheere munaasabadda barakeysan ee Ciidda. Waxaan alle uga baryayaa inuu naga aqbalo acmaashii wanaagsanaa, naguna gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo horumar.”
Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu shacabka ugu baaqay inay muujiyaan midnimo, is-ixtiraam iyo wadajir si loo xoojiyo nabadda iyo horumarka deegaanka.
Ciid Mubaarak!
11/12/2025
XIRIIRKA KUBADDA CAGTA DEEGAANKA MUKIDHEERE
09/12/2025
HAMBALYO
Maamulka Sportska Deegaanka Mukidheere
Maamulka sportska deegaanka Mukidheere waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Guddoomiyaha Sportska Degmada Balcad, Mudane Aweys Cali Daahir (Kabiila), oo mar kale loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Sportska Degmada Balcad.
Waxaan Mudane Aweys u rajeyneynaa inuu Ilaahay ku garab galo gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isla markaana uu sii xoojiyo horumarinta ciyaaraha iyo dhalinyarada degmada Balcad.
Maamulka sportska Mukidheere waxa uu diyaar u yahay wada shaqeyn iyo is garab taag dhammaan howlaha horumarinta ciyaaraha ee labada dhinac.
Hambalyo & Guul,
Maamulka Sportska Deegaanka Mukidheere
09/11/2025
ICLAAMINTA TARTANKA “KOOBKA NABADDA IYO MIDNIMADA MUKIDHEERE 2025”
Xiriirka Kubadda Cagta Deegaanka Mukidheere, isagoo ka duulaya muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin xoojinta nabadda, midnimada iyo horumarinta dhalinyarada, waxa uu ku dhawaaqayaa in la qaban doono tartan lagu magacaabo “Koobka Nabadda iyo Midnimada Mukidheere 2025.”
Tartankaan waxaa qaban-qaabadiisa iyo qabashadiisaba leh Xiriirka Kubadda Cagta Deegaanka Mukidheere, iyadoo kooxaha deegaanka oo dhan lagu wargelinayo inay isu diiwaangeliyaan ka qaybgalka tartanka.
Ujeeddada tartanka:
In la xoojiyo xiriirka iyo isdhexgalka dhalinyarada
In la kobciyo ciyaar-wanaagga iyo kartida ciyaartoyda deegaanka
In la helo ciyaartoy tayo leh oo metela deegaanka mustaqbalka
Waxaa la bilaabi doonaa diiwaangelinta kooxaha laga bilaabo 10-ka Nofeembar 2025, halka tartanku si rasmi ah u furmi doono 20-ka Nofeembar 2025.
La xiriir:
Xafiiska Xiriirka Kubadda Cagta Deegaanka Mukidheere
Tel: +252 61 8932827
28/10/2025
XIRIIRKA KUBADDA CAGTA EE DEEGAANKA MUKIDHEERE
Tixraac: XKC/MUK/0015/2025. Taariikh: 27/10/2025
WARQAD MAGACAABIS RASMI AH
Anigoo ah Axmed Ibraahim Cali {Gacal}, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Deegaanka Mukidheere, kadib la-tashi aan la sameeyay Guddoomiye Ku-xigeenka, Xoghayaha iyo macallimiinta kooxaha ka dhisan deegaanka Mukidheere, waxaaan go’aansaday in aan magacaabo:
1️⃣ Abuukar cali saleemaan {Banya} (Macalinka 1aad ee Xulka Kubadda Cagta Deegaanka Mukidheere)
2️⃣ Qase jeylaani ibraahim (Macalinka 2aad ee Xulka Kubadda Cagta Deegaanka Mukidheere)
Magacaabistan waxaa lagu saleeyay dadaalka, xirfadda iyo hoggaaminta wanaagsan ee lagu yaqaan macallimiinta la magacaabay, iyadoo laga filayo inay kor u qaadaan heerka ciyaareed iyo wadajirka kooxda deegaanka Mukidheere.
Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan dhinacyada khuseeya inay si buuxda ula shaqeeyaan macallimiinta cusub si loo gaaro guulo muuqda oo isboorti.
F.g magacaabistaan waxey dhaqan galeysaa markuu saxiixo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Deegaanka Mukidheere
Axmed Ibraahim Cali {Gacal} wuuna saxiixay
27/10/2025
TIXRAAC: XKC/MKH/0016/2025. TAARIIKH: 27/10/2025
Og,maamulka sportska Degmada balcad
Og,maamulka deegaanka mukidheere
Ku,Sadiiq Hassan Ali mire
Ujeedo
XIL KA QAADIS IYO MAGACAABIS GUDDOOMIYE KOOX
Anigoo ah Ahmed Ibraahim Cali (Gacal),
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Deegaanka Mukidheere,
anigoo ka duulaya masuuliyadda maamulka iyo kormeerka kooxaha ka dhisan deegaanka,
isla markaana tixraacaya qiimeyn lagu sameeyey habsami u socodka shaqada kooxda Mukidheere Serie A,
waxaan go’aamiyey in xilkii laga qaado:
Mudane Cabdulxakiin Suufi Cali (Bure),
Guddoomiyihii h**e ee Naadiga Mukidheere,
sababo la xiriira gudasho la’aanta hawlihii iyo waajibaadkii loo igmaday.
Sidoo kale, iyadoo la raacayo awoodaha uu xeerku siinayo Xiriirka Kubadda Cagta Deegaanka Mukidheere,
waxaan magacaabayaa:
Mudane Sadiiq Xasan Cali (Mire),
oo noqonaya Guddoomiyaha Cusub ee Kooxda Serie A Mukidheere,
laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Oktoobar 2025.
Waxaan ku rajo weynahay in guddoomiyaha cusub uu kooxda ku hagi doono jihada horumar, nidaam iyo guul waarta.
Warqadaan waxey dhaqan galeysaa markuu saxiixo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Deegaanka Mukidheere wuuna saxiixay