17/10/2022
DADKA AAY TAHAY IN AADAN RUMEYSANIN
Waxaa ka mid ah qof aad sugeysay oo ku yiri, " waa anigan kula jooga, "waayo kuuma so dhawo. Mid kaasi tagaayo oo ku yiri, " aaynu soo wada hadalno",waayo ku xasuusan maayo. Mid kula hadlayo oo ku yiri aan kula kaftame..." waayo cadaabaha ayuu ku jiidhsiimi rabaa. Mid ku shekeynayo oo ku yiri, " waxba yaanan hadal kugu daaline."waayo goortada aamusi maayo. Intaasba waxaa dhalay oo ay ubadkiisa yihiin, kan markaad telephonkiisa wacdo ku yirahdo, Hadaan niyada kugu hayay."
15/10/2022
Hamplyo Xulkeena somaliya ayaa ku guleysatay cecafaca U17.
Somaliya samli baa leh
13/10/2022
SIFOOYINKA DADKA INDHEER GARADKA AH
1. Waa dad madax adag neceb awamirta iyo in wax lafaro waxayna jecelyahin in aay sameyan wixii iyaga la wanaagsan.
2. Waa dad jecel akhrinta taarikhaha,falsafadda iyo kutubta waawayn waxaana caado u ah aadna u xiiseyaan wax akhrinta.
3. Badana waxa soo wajaha qofkan caaqilka ah mashaakil dhanka bulshada ah waayo dadku ma jeclo qof ka duwan iyaga ama qof gooni socod ah aan dad soo dhaxgalkiisu badnayn.
4. Inta badan qofkaan su'aalo badan ayuu is weydiiya ama wuxuu la shekeystaa oo su'aalo waydiyaa naftiisa.
5. Qofkaan isaga isuma arko mid caqli badan si hoose ayuu naftiisa ugu dhaliilaa caqli yaraan marar badana wuxuu is bar bardhiga caqli badnaanta aay dadku ku shegaan iyo waxa uu isaga naftiisa u arko.
6. Qofkaan ma aha mid hadal badan waana mida keento in dad badan ay ula baxaan naanayso ayagoo ku tilmaama qof aan ilbax ahayn.
7. Dadka caqliga badan waa dad saaxibo yar mana ogola in qof kasta uu noqdo saaxibkood in badan ayaayna ka fikiraan qofka aay la saaxibayaan.
8. Waa dad naxariis badan oo u damqada masaakiinta aga oo ula dhaqmo sidii aay jeclaan lahayeen in loola dhaqmo iyagoo marxaladaasi mid la mid ah ku sugan.
"LIKE SAAR HADAAD JECLAATAY QORMADAN"
11/10/2022
XAQIIQOOYINKA DADKA
1. Dadku waxay si dabeeciya u rabaan in ay iska ilaaliyaan go,aamada u baahan shaqo badan oo maskaxeed.
2. Dadka ku hadlo luuqadaha badan waxa laga yaba in aay si miyir la, aan ah u badalaan shaqsiyadooda marka aay ka socdaan luuqad una socdaan luuqad kale.
3. Dadku ma dhageystaan qofka ugu caqliga badan balse waxay dhageystaan qofkii iska dhigo oo u dhaqma sida qof wax fiican garanaayo.
4. Guud ahaan dadku waxay isku badalaan laba sababood awgood (in aay barteen aqoon ku filan oo ay rabeen) ama (in aay la kulmeen qalbi jab xoogan wax badana ay u hagaagi wayen)
5. Daraasad aya sheegaysa in dadka in badan riyooda ay badankood yihiin dad hal abuur leh.
6. Dadku waxay badi eegaan ficilada dadka kale si ay u go,aansadan marka aaysan hubin waxyaabaha qaarkood.
7. Dadka talada ugu fiican ku siiyo waa kuwa dhibka ugu badani uu haysto.
HADAAD KA HESHAY LA WADAAG ASXAPTADA MAHADSANID WLL
08/10/2022
5 XIKMADOOD AAD U QIIMA BADAN, QALINKA QAADO
1) Noolasha teeda dhal dalaalka dhow haku fogaan, balse dhaldhalaalka kiisa nolasha fog u dhawoow
2) Dadka kuwooda garashada dhaw haku fogaan, balse garashada teeda aragtida fog u dhawoow
3)Jaceylka kiisa u jeedada dhaw haku fogaan,balse ujeedada teeda jaceylka fog u dhawoow
4)Cadhada teeda ficilka dhaw haku fogaan, balse ficilka kiisa cadhada fog u dhawoow
5)Farxada teeda qosolka dhaw haku fogaan, balse qosolka kiisa farxada fog u dhawoow