Appeal For Barawa Football Ground -ABFG

Appeal For Barawa Football Ground -ABFG

Share

Muwaadin Ka Qayb Qaado Roog Dhigista GAROONKA KUBADDA CAGTA DEGMADA BARAAWE

21/02/2026

𝗥𝗼𝗼𝗴 𝗗𝗵𝗶𝗴𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮 𝗞𝘂𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗴𝘁𝗮 𝗔𝗹𝗶 𝗢𝗺𝗮𝗿 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼𝘄 𝗲𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗮𝘄𝗲 – 𝗜𝘀-𝗫𝗶𝗹𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯!

Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!

Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.

Hassan Sheikh Mohamud
H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS
Somali Football Federation 1951
Southwest State of Somalia

26/12/2025

Mahadsanid Masuul 👏

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS Mudane Mustaf Sheekh Abdullahi Hassan (Adaf ) ayaa Roog Dhigista Garoonka Kubadda Cagta Degmada Baraawe ugu deeqay $500 (Shan Boqol Oo Dollar).

"Masuul dhallinyaro ah, howlkar ah, leh danqasho iyo dareen shacab.

Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!

Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.

26/12/2025

𝗥𝗼𝗼𝗴 𝗗𝗵𝗶𝗴𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮 𝗞𝘂𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗴𝘁𝗮 𝗔𝗹𝗶 𝗢𝗺𝗮𝗿 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼𝘄 𝗲𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗮𝘄𝗲 – 𝗜𝘀-𝗫𝗶𝗹𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯!

Waxaan u mahadcelineynaa Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Mustaf Abdullahi Hassan oo Roog Dhigista Garoonka Kubadda Cagta Degmada Baraawe ugu deeqay $500 (Shan Boqol Oo Dollar).

Agaasimaha waxa uu ballan qaaday in uu bixin doono dadaallo kale oo fara badan oo uu ku garab istaagaayo Roog Dhigista Garoonka ilaa Garoonka Degmada Baraawe uu ka noqonaayo garoon caalami ah.

"Masuul dhallinyaro ah, howlkar ah, leh danqasho iyo dareen shacab.

Mahadsanid mar 2aad Agaasime.

Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!

Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.

Villa Somalia
Southwest State of Somalia
Hassan Sheikh Mohamud
H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS
Somali Football Federation 1951

21/12/2025

Mahadsanidiin bahda Kunya Barrow TV

𝗥𝗼𝗼𝗴 𝗗𝗵𝗶𝗴𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮 𝗞𝘂𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗴𝘁𝗮 𝗔𝗹𝗶 𝗢𝗺𝗮𝗿 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼𝘄 𝗲𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗮𝘄𝗲 – 𝗜𝘀-𝗫𝗶𝗹𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯!

Mahadcelin

Waxaan mahadcelin ballaaran halkaan uga direynaa Mudane Abdukadir Sheikh Mohamed oo ka mid ah haldoorrada dhallinyarada iyo laf-dhabarta dadka iyo deegaanka Baraawe deggan Dalka Mareynkanka 🇺🇸 oo maalmahaan ku sugan degmada baraawe una yimid howlo samafal iyo ka qayb-qaadashada adeegyada bulshada.
Kulan iyo Is-xog wareysi uu la yeeshay Guddiga Is-xilqaanka Roog Dhigista Garoonka Kubadda Cagta Ali Omar Sheegow ee Degmada Barawe, guddiga ayaa uga war-bixiyey marxaladda uu maraayo Is-xilqaanka Roog Dhigista, waxa uu soo dhoweeyey shaqada quruxda badan ay Guddiga iyo Dadka Reer Barawe haayaan, intaas kadib waxa uu ballan qaaday in uu qaadan doono shaqada mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan oo ah Dhismaha Dhulka, Shubka iyo Simidda Garoonka lacagtaas oo qiyaas ahaan lagu qiimeeyey $50,000+ (Konton Kun Oo Dollar).

Sidoo kale waxaa shaqada ka hari doonta Roogga oo ah Shaqada 2aad ee ugu muhiimsan.

Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!

Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.

Kunya Barrow Tv

20/12/2025

𝗥𝗼𝗼𝗴 𝗗𝗵𝗶𝗴𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮 𝗞𝘂𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗴𝘁𝗮 𝗔𝗹𝗶 𝗢𝗺𝗮𝗿 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼𝘄 𝗲𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗮𝘄𝗲 – 𝗜𝘀-𝗫𝗶𝗹𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯!

Waxaan mahadcelin ballaaran halkaan uga direynaa Mudane Abdukadir Sheikh Mohamed oo ka mid ah haldoorrada dhallinyarada iyo laf-dhabarta dadka iyo deegaanka Baraawe oo ah shaqsi si iskiis ah ugu adeega dadka iyo deegaanka jecelna adeegyada wax-tarka u leh bulshada, deggan Dalka Mareynkanka 🇺🇸 oo maalmahaan ku sugan degmada baraawe una yimid howlo samafal iyo ka qayb-qaadashada adeegyada bulshada.
Kulan iyo Is-xog wareysi uu la yeeshay Guddiga Is-xilqaanka Roog Dhigista Garoonka Kubadda Cagta Ali Omar Sheegow ee Degmada Barawe, guddiga ayaa uga war-bixiyey marxaladda uu maraayo Is-xilqaanka Roog Dhigista, waxa uu soo dhoweeyey shaqada quruxda badan ay Guddiga iyo Dadka Reer Barawe haayaan, intaas kadib waxa uu ballan qaaday in uu qaadan doono shaqada mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan oo ah Dhismaha Dhulka, Shubka iyo Simidda Garoonka lacagtaas oo qiyaas ahaan lagu qiimeeyey $60,000+ (Lixdan Kun Oo Dollar).

Sidoo kale waxaa shaqada ka hari doonta Roogga oo ah Shaqada 2aad ee ugu muhiimsan.

Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!

Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.

07/12/2025

𝗥𝗼𝗼𝗴 𝗗𝗵𝗶𝗴𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮 𝗞𝘂𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗴𝘁𝗮 𝗔𝗹𝗶 𝗢𝗺𝗮𝗿 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼𝘄 𝗲𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗮𝘄𝗲 – 𝗜𝘀-𝗫𝗶𝗹𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯!

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Dr. Ali Said Faqi ayaa bogaadiyey dhallinyarada heysa howshan adag, sidoo kale waxa uu u ballan qaaday in uu u muujin doono taageero iyo garab istaag.
"Kubadda cagta waxa ay kaalin weyn ka qaadataa nabadda, caafimaadka, isdhexgalka bulshada iyo amniga.
Gudoomiye Dr. Ali Said Faqi ayaa ugu baaqay dadka reer Baraawe in ay muujiyaan isku duubni, wadajir iyo in ay u jeestaan ka qayb-qaadashada Roog Dhigista Garoonka Kubadda Cagta Degmada Barawe.

Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!

Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.

06/12/2025

𝗜𝘀-𝗫𝗶𝗹𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯!

Dhallinyarada Guddiga Farsamada Roog Dhigidda Garoonka Degmada Barawe ayaa $1,000 (Kun Dollar) ugu deeqay .

Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!

Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.

Hassan Sheikh Mohamud
H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen
Somali Football Federation 1951
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS

03/12/2025

𝗜𝘀-𝗫𝗶𝗹𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯!

Guddiga Sportska Degmada Barawe ayaa $2,000 (Laba Kun Oo Dollar) ugu deeqay .

Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!

Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.

Hassan Sheikh Mohamud
H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen
Somali Football Federation 1951
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS

27/11/2025

𝗥𝗼𝗼𝗴 𝗗𝗵𝗶𝗴𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮 𝗞𝘂𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗴𝘁𝗮 𝗔𝗹𝗶 𝗢𝗺𝗮𝗿 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼𝘄 𝗲𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗮𝘄𝗲 – 𝗜𝘀-𝗫𝗶𝗹𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯!

Macallinka kooxda SYL degmada Baraawe ayaa ku booriyey in garoonka kubadda cagta degmada Baraawe muhiim u tahay in roog la saaro, si ciyaaryahannada ay kubaddoodu u noqoto mid professional ah.
Dhallinyarada way jecel yihiin kubadda cagta balse waxaa caqabad ka heystaa bacaadka saa'idka ah ee garoonka.
Waxa uu baaq u jeediyey siyaasiyiinta, ganacsatada iyo jaaliyadaha in ay ka qayb qaataan kaalintoodana ka muujiyaan roog dhigista garoonka.

Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!

Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.

H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen
Somali Football Federation 1951
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS

24/11/2025

𝗥𝗼𝗼𝗴 𝗗𝗵𝗶𝗴𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮 𝗞𝘂𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗴𝘁𝗮 𝗔𝗹𝗶 𝗢𝗺𝗮𝗿 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼𝘄 𝗲𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗮𝘄𝗲 – 𝗜𝘀-𝗫𝗶𝗹𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯!

Ciyaaryahanka h**e kooxda Heegan ee magaalada Muqdisho haddana ah ciyaaryahan u ciyaara kooxda SYL Degmada Barawe Cusmaan Sheekh Maxamed (Istuwaana), ayaa codsi u jeediyey dhammaan shacab weynaha reer Baraawe dal iyo dibad meel walba ay ku sugan yihiin in ay usoo jeestaan Roog Dhigista garoonka kubadda cagta si ay dhallinyarada fursad ugu helaan meel ku habboon oo ay xirfadooda ku soo bandhigaan.

"Qof keliya ayaa lacago fara badan salax ku dhisanaayo, reer Baraawe oo dhan 1kaan garoon ma dhisan karaan miyaa?"

Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!

Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.

H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen
Somali Football Federation 1951
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Baraawe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Ali Omar Shegow Stadium
Baraawe
252