19/08/2026
Tahniyad Aroos 💍❤️
Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa saaxiibkay +walaalkay Aahna Captain ka BCC Mr. Faysal Mohamed Bakaal iyo dhumaashaday Mrs. Zahra Mohamed Omar. 💐
Ilaahay ha idiinka dhigo guurkiinna mid barako, jacayl, farxad iyo nabad ku dhisan. Gurigiinna cusubna Allah ha ka dhigo guri kheyr iyo barwaaqo leh. Aamiin. 🤲❤️
Hambalyo Aroos! 🎉💍
18/02/2026
Maamulka, ciyaartoyda, iyo dhammaan taageerayaasha sharafta leh ee Berdale City Club (BCC), waxaan idiin diraynaa hambalyo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadan Kariim.
Allaha innaga dhigo kuwii ka faa’iideysta kheyrka iyo barakada bishan suuban, kana aqbalo soonka, salaadda iyo dhammaan camalka wanaagsan.
Bishan waxan rajeyneynaa in ay noo noqoto mid nabad, midnimo, guul iyo horumar u horseeda BCC iyo guud ahaan bulshada Berdale District.
Ramadan Kareem 🌙
كل عام وأنتم بخير
10/02/2026
taarikhdu waa 10/2/2026Anagoo ah Team Berdale City Club BCC, waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa walaalaheena Baidoa City Club BCC taageerada iyo ixtiraamka ay noo muujiyeen.
Waxaan aad ugu faraxsanahay yunifoomka iyo garab istaagga aad na siisay. Tani waxay muujineysaa walaaltinimo, isboorti, iyo midnimo ka dhexeysa kooxaha.
Waxaan rajeyneynaa in xiriirka iyo iskaashiga labada koox uu sii xoogeysan doono, isla markaana aan wada gaari doono guulo badan mustaqbalka.
Mahadsanidiin Baidoa City Club BCC. 🤝⚽