Mohamoud Abdi Haaji

Mohamoud Abdi Haaji

Nearby gyms & sports facilities

Naadiga PsG BRM
Naadiga PsG BRM
All Over the City, Boorama

> ku soo dhawoow gacmo Furan > laab xaadhan, > Waji fiican iyo maan fayoow, > Weedh suuban oo sakal tiran > Maan togan Iyo > Maskax tolmoon,

Ileeyn doqoni
danbas kama kacdee
daamankey meermeerisaa
docdeey kaa jirtaabey
dhaxani kaa dishaayo
ma diirsadaan shicibku
intay dunida joogtee
Doqoney dabkaa ba !!

[08/14/19]   Bishaaradii naftaydaay
Bugto waxaan kuu soo maray,
Batallaalihii uu
Boodhari ku aasnaa.

Ilaa buurtii Daalood,
Buraan iyo Hadaaftimo,
Ceerigaabo iyo Badhan
Beleddadii kalgacallada.

Iyagoo barwaaqo ah
Biyuhuna qulqulayaan
Balliyaduna buuxaan,
Soo booqday awgaa.

Sidaan ahay bukaansocod,
Markii baanto lays yiri,
Bilaneey la’aantaa,
Lay baxnaannin kariwaa

Bini-aadan baad tahay
Bashar kula midaan ahay
Naf kuu baahan baanee,
Barbarkaaga ila qabo

Bishaaradii naftaydaay
Ballan aan axdi u galay
Weligey ma beeneyn ,
Uma laba-bogleyn ruux.

Belbelkaniyo naartani
Bixisadan ku haysiyo,
Waa maxay badweyntani!
iyo Baaxadsoorahan

Ku boqraye ha baayicin
Hayska dhigin biraan jabin,
Buuraan la mari karin,
Beena hayska dhaadhicin
Baxsantaan jeclaayeey

Baadiyoobay awgaa,
I badbaadi maantaad
Sida bahal i sidataa

Bani-aadan baad tahay
Bashar kula midaan ahay
Naf kuu baahan baanee,
Barbarkaaga ila qabo

Shay mire dacar👏

Jimce wanagsan

[07/12/19]   Kii dhaba jaceylkuna
halkii kama dhaqaaqo
dhidibaa u aasan

waa sida dhillowyahan
intuu laan isaga degey
dhexda loogu marayee,
dhakhso uga baxaayee

Kii dhaba jaceylkuna
looma kala dhantaaloo
lafahuu dhammeeyaa

Dhugo waxay tahay ciyaarta YOGA

Dhugo waxay tahay ciyaarta YOGA

[06/26/19]   cada sooo baxdiyo
caadiyo hilaac
cirkoo halalac yidhi
ubax ciidhayiyo
nuuriyo cidlaa
cayn caynahoo
inta dalag camiray
cara samii ku yaal
cosob iyo ugbaad
calafiyo sunbaax
raays iyo camuud
caydhiina wali
cidhiifyada dusha iyo
caska daadagana
cidna daaqinoo
cag la saarin wali
cayadi baxdiyo
geed culaanyadii
caaradii ku taal
cimiladuna tahay
nabad caama oo
wax la caalufiyo
cudur iyo dugaag
cabsi looga qabin

carad doogsato
wali curashadiyo
cirku dananayoo
biyuhuna ca tagay
ceegaagsameen
sida caynadaa
adigaa casiis
cawo samiye muuq
sharaf lala cajabo
inta kuu cayimay
caawadaa dagee
cindi nuuriyaay
cadceed dhallateey
naftii ku calmataa
wali ku codsatoo
cagtaad daalisaa
calaf kugu sugtee
caashaqa daweeyoo
calool samidu waa dane
ha halmaamin caadadaa

Xasan aadan

[06/23/19]   Culays uma dhaqaaqdoo mana cararto,
Cagta socodka kuma dhererto ciidee,
Wey cidhib-sataa

Ceeb ma leh yartaniyoo
Quraankaa cadayoo
Caynkeeda oo kale
la cadaabi maayee

Waa curad ninkii dhalay,
Laga siiyo cuuddoo
Waa curad ninkii dhalay,
Mahad looga celiyaa

Cuddudaha gamcaha
Cidayaha faraha,
Casarkii cadceeddoo
Godka cidhifka gelisoo
Ka sokeeya caaddoo
Falaadh wada casaanaa
Ku cadaysay baalaha

Ama laanta canabkoo,
hoobaan la ciirtiyo
Cambaruud bislaadiyo,
cagaarkoo iftiimiyo
Caleen ubaxa bixisoon,
cidi daaqin weeye

Ilaa cidhibta hoosiyo
tinta caaradeeda,
Cad xun ku arki maysidee,
Ama cidhibta hoosiyo
Cad xun ku arki maysidee,

waxa ay la cayn tahay
Cidla lama amaanee
waxa ay la cayn tahay
Sida geed caleenoo,
cosob uu ka baxayoo
Intuu roob ku curanyay
Laamaha caleentii
ay midiba cayn tahay
Lagu wada ciyaaroo,
loo ciid tagoo
Caano iyo nabadloo
Ceel buur ku yaalay,
caynkiisa leedahay

Ceel buur ku yaalay,
Cidla lama amaanee
Ceel buur ku yaalay,
caynkiisa leedahay

Ma cel-celiso haddalkoo,
runta kama cabsootee
Carab-dalable callool weecsan
Kugu lama caweyso

Cayn kastaba u eegoo,
cadho ku arki maysidee
Cid waxay ku dhaaftaa,
kolay camal samaantee,

Waa curad ninkii dhalay,
laga siiyo cuuddoo,
Waa curad ninkii dhalay,
mahad looga celiyaa

Cuddudaha gacmaha
Cidiyaha faraha,
Casarkii cadceedoo,
Godka cidhifka gelisoo,
Ka sokeeya caaddoo
Falaadh wada casaana
Ku cadaysay baalaha
Ama laanta canabkoo
Hooban la ciib tiyo
Canbaruud bislaadiyo
Cagaarko iftiima iyo
calaama ubaxa bixisoo
cidi saa u eegeen,,

Ilaa ciribta hoo siyo
tinta caaradeeda
cad xun ku arki meeysidee

Waxa ay la cayn tahay,
Cidna lama amaanee
Sida geed caleenoo
Cosob uu ka baxayoo
Intuu roob ku curanyay
laamaha caleentii
Ay midiba cayn tahay
Lagu wada ciyaaroo,
loo ciid tagoo
Caano iyo nabadloo
Ceel buur ku yaalay,
caynkiisa leedahay.
😘😘❤

[05/17/19]   Rabadaan mabarak

[04/05/19]   Waa abaaro salaad subax waxaan u xidh xidhanahay safar dheer bushqadaydii baan tuurta ku qaatay waxaan tagey goobtii tigidhada basaska waan goostay tigidhkii baskii baan fuulay lambarka tigidhka iigu qoran baan eegay mise waa kursiga ugu danbeeye anoo hoostaa ka maagaya shirkada baan iska fadhiistay dhagahaan iska gashtay erefoono waxaan iskaga tuurtay qaram inyar ka bacdii waxa soo fadhiistay booskii igu xigay inan asturan oo niqaaban, badaa ma hayo oo waaban ka shakiyey waaxay qofkan wada qufulan ee kusoo agfadhiistay baan niyada ka leeyahay dhankaa baan iskaga jeestay waxaan gudo galnay safarkayagii
Socod badan ka bacdii waxa ay gaadhay wakhtigii cadceedu maraysay bartanka xoogaa kul ah baa yimi rakaabku waxa u baahdeen inay biyo gataaan oo loo joojiyo tuulada ugu dhow ee ay ka heli karaan waxaanu kusoo baydhnay tuulo yar oo hadana wada bulsho ah markaliya waxaan jaleecay anoo niyada ku haya eraygii ahaa (( qufulkan kusoo ag fadhiistay maxuu ahaa baan jaleecay bidixdayda mise inantii niqaamkii bay iska rogtay 🙉 Amakaag waynaa waar inantu suurad wacanaa oo qurux waynaa ma xuuran cayntii janadaa oo aduunka timibaa afkaa juuqda i gabay indhihii baa meel khaliya ku dhegay sidaan niyada iskala hadlaayey baa waxaan ku war helay odhaah suuban oo maskaxdayda meel ka qabsatay oo ah {{ walaalo aadaa iga fudude hoo biyo inoo soo qabo aan kuu diree}} waan jaleecay mis jaleecadii baan kasoo noqon waayey inantii illen indhaheeda nuurkoodii baan i jiidanayee marna waan farxay marna waan naxay oo waxan waa khiyaali baan idhi waan is taab taabtay bal si aan isku eego inaan hurdo waan isla booday anoo hoostaa ka naxsan haye walaal baan idhi anaa lacag soo siinaya taada inoo sii haay baan ku idhi
mar khaliya baan booday dadkii iga horeeyay baan sii jiidhay oo iimaba muuqdan dadkan aan jiidhayaa

Kii tukaan baa anoo maqiiqan jiidhay talagad baan kala soo boday laba biyo ah iyo xoogaa keeg ah deg deg baan usoo cararay rakaabkii is yara qabsanay ileen hore u sii jiidhee nin wax ka si yihiin ii arkaane waan raali geliyey booskaygii baan iskaga noqday
Inantii baan biyaha siiyey keegiina siiyey waan iskala kaftamay odhaahba odhaah ka wanaagsantahay bay igu tidhaahdaa ilaa aan markii danbe xaqiijiyey inay inan gaashanti timo tidcan oo gayaankeen xural cayn u ah noqotay waa farxad labaad
Kaftan badan ka bacdii iyo safarkii oo gababsi ahaa waxan gaadhey goobtan rabey waana kala hadhnay inantii anagoo isku sii macasalaamaynay inaan lays ilaawin haye wll haye wll baan ku kala tagnay
Maskaxdayda waxa ka guuxaysa odhaahdii iyo quruxdii inanta waxaana niyada ku hayaa hadii aad calfan waydo inantaa nasiiba uma lihid hadaa inaad aduunkan gaari haween ka hesho
Hasaawe dheer iyo dadaal badan oo inbadan qaatay ka bacdii wax walbaa way soo dhamaadeen waxa la gaadhay wakhtigii guri galka oo hawliba soo af jarmeen

Goobtu waa gaaf il yartu is qabatay oo dhalin iyo dhigoodba wada joogan oo aan lookala hadhin gaafkan caawa ah waxa la dheelo oo la heesaba waxa soo gaadhay markaan ku tuuran lahayn aniga iyo marwadaydu xooga ciyaar ah mar qudha waxa lagu dhuftay oo meel fog laga soo dhufay xasan aadan iyo sahra

Dawooy dawo caafimaadey
Darmaan qurux lagu mariimaay
Dareenka naftayda dacooyaay
Deegan baxday ubax dilaacay
maxaan damqashada kalgacalka
Dartaa u haraadanahay

Maxaa gabbalkoo dam yidhi
Dadkoo soocday guuro galay
Maxuu daal ugu badnaa
Maxah dirqi ugu ahayd
Danteenaa inaan u kaco
Muxuu daal ugu badnaa

Anagoo talan taali uu qaadeyna

Dadaalkaygaa mudnaa
Daryeelkaaga wacna inago
Isku duubaniyo dadkii ina
Gargaariyo deeqdaa rabi baa laha
Damaashaad ila ciyaar damaashaad ila ciyaar

Ayaa mar qudha waxa isku kay raacay qaylo iyo gariir madaxayga birkinta ah Illeen waa moobilkii oo aan xalay birkinta hoosteda geliyey oo jeliskii salaada subax kusoo dhacay iyo anoo kaligay jiifa nafar kaygii😧
Alla cadho waynaa muu xooga nooga aamusi waayey inta la gaadhayo qolkii hurdada anoo hoostaa ka leh baan salaadi subax iska qabtay 😂

Doob iyo riyadii

W/Q Moh casooowe

[02/07/19]   Jahawareer badan soo joogsi laga kari waayey dib loosoo noqoy

jimce wanagsan jalayaal🤚🤚

Nin haraad qaba’oo
Hogal roob arkayoo
Hangadaan ahee

Haa.. Haa..

Jimce wanagsan F&F

sh mustafe ismaciil

Tusaale wax ku qaadasho leh : GOOL baa la dhaliyey aduun yada waxba kama tarto aakhirana hadalkeeda daa

aduunyo baa lagu nool yahay hadafkaagu yahay calool wax lagu rido
allow khaatumada khayr nooga dhig

[11/13/18]   Handaraab wada jeclaateene hooya qufulkana 🔒🔒 QAM 🔒🔒 🤣🤣

BBC News Somali

Soddon sano kadib dagaalkii Iran iyo Ciraaq, qoysaskii tobanaan sano sugayay dadkoodii, ayaa hadda un duuganaya dadkii kaga dhintay.

BBC News Somali

Iyadoo ay sanad kasoo wareegatay Qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya ayuu wariyaha BBC- da Muqdisho Axmed Xaaji xasan dib u booqday isgooyska Soobe, warbixintan ayuuna ka soo diray.

BBC News Somali

Caddaymo cusub oo ku saabsan maqnaanshaha suxufigii Sacuudiga ayaa Turkiga ka soo baxaya. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu masuuliyiinta sar sare ee Sucuudiga Jawaabo ka sugayo.

BBC News Somali

24 sano ayey jabhad ahayd, carruurteedana ka maqnayd. Hadda waa sidee dareenkeedu? https://bbc.in/2QMapye

BBC News Somali

DAAWO: Isgoyska Soobe waxaa laga taagay Taallo lagu xasuusanayo dhibaatadii ka dhacday sannadkii hore. in ka badan 500 oo qof ayaa lagu dilay qarixii Soobe.

Indho deeralay

aamaan nin somaaliyeed amaano hablo soomaaliyeed hees ka sidata ma arag

[10/08/18]   Sheko
Mid ciyaalka xafada ah ayaa gabar ay daris yihin seygeedi ka geeriyoday mudo kadib yarki qofti baa damac ka galay wuna ka yar baqan jiray wuxu is yiri bal manta naf is geli utag oo la hadal

Marku uyimid oo salaamay bu hadal kaga bilaabay walaal marxuumki wali wax aqbaar ah miyaa laga helay
😂😂😂😂😂😂😂

Mohamoud Abdi Haaji

[10/07/18]   Waxa aan wadee wadee uba soo socday soo waa goobtan🙋

Welcom bah wadaagta goobtan🙋

qosol

kkkk shaxaari baas

Mohamoud Abdi Haaji

Mohamoud Abdi Haaji's cover photo

Mohamoud Abdi Haaji

[12/16/17]   Qofka soomaligaa iyo Netka

Waxaad ka war haysaa inaad ku bixiso wakhti aad uban isticmaalka netka laga yaaba qofka somaligaa wakhtiga ugu yar ee net isticmaalo inay tahay 30 mints maalin walba

30 mints hadii uu qofku isticmaalo netka waxa macquula inuu wakhtigaa yar netka ka faa.idp karo wax yaabo badan sida

1. Cilmiga hadii uu qof maalin walba 10 mnts wax ka barto, wax akhriyo ama uu daawado waxyaabaha ku jira intntka uu noqonaayo mudo bil ah qof haysta cimi ku filan

2. Lacagta hadii uu qofku uu ugu yaraan kaba soo qaad 20 mnts oo uu eego website yada laga faa.ido lagac uu booqdo oo uu shuruudaha raaco uu ka faa.idaayo ugu yaraan maalintii 10$ oo ugu dhacaysa accoun kiisa gaarkaa

3 . shaqada hadii aad maalintii wakhti yar ku bixiso inaad shaqo lagu shaqeenaayo online aad netka ka baadhato aad helayso sida inaad qof tidhaahdo

Waxbaan kuu turjumaa
Waxbaan kuu nashqadeenayaa
Figrad baan kuu hayaa iib ah
Talo baan kusiinayaa
Iyo waxyaalo kaloo badan

Ogsoonow kuwaa iyo qaar kaloo badan waad ku shaqaysan kartaa lacag iyo cilmina waad ka faa,idaysaa

Dhawaan waxaan ogaysiinayaa bulshada xiisaysa inay la jaan qaadaan ama ay wax ka ogaadaan dunidan is debelaysaa maalinba maalinta ka danbaysa ee hore u maraysa inaan bartan idiinku soo gudbin doono

Muqaalo iyo qoraalo aad wax badan ka faa,idi doontaan ah qaar wakhti badan iyo baadhis badan la geliyey ahna qaar ku anfici doona noshadaa hadii aad sida ay yihiin ufu dhaqanto illaahayna talo saarato

Ka faa,idaysi wacan

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Burao?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

sh mustafe ismaciil
qosol

Location

Telephone

Website

Address

Ma Fogi
Burao
12345
Other Burao gyms & sports facilities (show all)
Hal-Beeg Sports, and Fashion Style Hal-Beeg Sports, and Fashion Style
Xudun
Burao, 252

Hal-beeg shopping center waa hoyga agabka ciyaaraha iyo noocyada kala duwan ee maryaha dhalinyarada.

Al Jazeera Team burco Al Jazeera Team burco
Actober
Burao

kuso dhawaada pageka nadiga kubada cagta ee gobolka togdheer �al jazeera�