Xog sports

Xog sports

Share

Xogaha kubada cagta oo dhamaystiran halkan ka daalaco oo nasoo follow garee👍

Photos from Xog sports's post 16/10/2025

mararka qaar waxaad is odhan kartaa somalidu ma xasidiinba waxa jira postiyo dad badan arkeen hadan inta like saartay aaney isla hayn sida postiga rubian dias 26kun aragtay 37qofna like waa saartay sida kle postiga pedri 2kun dheraad dawatay 14qof like saartay saxiibayaal maxay liktu idinka dhibaysa ana wa noo dhiiri galin si postiyada usoo badino hadey like badato imika Page kaygan postiyada badana soo dhigo like caadiya ma helo warar cajiibana waan soo gudbiyaa

Fg.malaa waxan la odhan karaa 2k dheraad igu xidhan waxay ku dhinteen qaraxii soobe Page laga guuray lamooda share gareeya saxb oo inoo kala kiciya meesha

16/10/2025

Raphinha ayaa maanta lagu sameeyay MRI, waxaana laga soo sheegay gudaha qolka ciyaartoyda Barça in xaaladdiisu fiican tahay!

Natiijooyinka la helay ayaa muujinaya inuu fursad u leeyahay inuu ciyaaro El Clásico ee dhici doona Oktoobar 26.

Waxaana la filayaa inuu ku bilaaban doono kursiga keydka, haddii uu Hansi Flick u baahdo inuu ciyaarsiiyo.

Photos from Xog sports's post 16/10/2025

Iker Casillas: "Sanadkii 2019, waxaa iigu dhacay xanuun wadne waxaana layla cararay isbitaalka. Maalintii xigtay waxaa i soo wacay lambar aan aqoon. Waan ka jawaabay—oo Messi ayuu ahaa qof khadka yaallay ee isoo wacay
"Wuxuu yiri, ‘Hey Iker, lambarkaaga ma haynin laakiin Piqué ayaa i siiyay. Waxaan rajaynayaa inaad dhawaan soo hagaagto. Waxaan kuu soo diray ubaxyo, rajaynayaa inay kaa farxin doonaan.’
"Runtii aad ayaan ula dhacay is-hoosaysiintiisa. Ma qasabayn inuu i waco; xitaa saaxiibo h**e ma nihin.

"Ma aha kaliya ciyaaryahan gaara—waa qof gaar ah sidoo kale.

14/10/2025

Mid kamida xulalka ugu awooda wayn Aduunka

Spain lama celin karo🇪🇸

14/10/2025

Lix gool ayuu dhaliyey afar kulan oo isreeb-reebka Koobka Adduunka ah.

Mikel Merino lagama joojin karo dhalinta goolasha Spain🔥

14/10/2025

Gool daqiiqadihii dambe ee uu dhaliyay Dominik Szoboszlai oo Hungary udhaliyey ayaa ka dhigay in Portugal aysan caawa u soo bixin Koobka Adduunka 2026.

14/10/2025

Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda isreeb-reebka Koobka Adduunka

40 jir weli jabinya rikoodho waaweyn🔥

14/10/2025

| 𝐖𝐀𝐑 𝐃𝐄𝐆 𝐃𝐄𝐆 𝐀𝐇: Waxaa jira shaki ku saabsan in Raphinha uu diyaar u noqon doono kulanka El Clásico. Waxa kale oo la filayaa inuu seego kulamada ka dhanka ah Girona iyo Olympiacos.

[]

14/10/2025

Japan oo soo laabasho cajiiba ku sameysan kulan friendly Brazil OO 2gool ku h**eysay waana gushoodi ugu h**eysay ee ay ka gaadho

14/10/2025

Courtois jiirkan yar garoonka soo galay layaaban yahay yaa usheega xafad kastoo Somaliya inuu guryaha nagula noolyahay

12/10/2025

Waa xilliyadii ragga waaweyna waxaan idin wadaa ciyaartoy wayn wesley sneijder iyo shekadi kal dhex martay real Madrid

Soo laabashada Florentino Pérez & "Galácticos 2.0"

Sanadkii 2009, madaxweynaha Real Madrid Florentino Pérez ayaa dib ugu soo laabtay hoggaanka kooxda.

Wuxuu bilaabay qorshe cusub oo weyn oo loo bixiyay "Galácticos 2.0" — taasoo micnaheedu yahay: inuu kooxda keenayo xiddigaha ugu waa weyn adduunka.

Tani waxay keentay in ay iibsadaan:
Cristiano Ronaldo
Kaká (oo ka ciyaarayay isla booska Sneijder)
Xabi Alonso
Benzema, iyo qarkalo lamida
Booska Sneijder ee khadka dhexe (cam / playmaker) wuxaa loo keenay Kaká, taasoo keentay in aan fursad badan loo hayn sneider
Maamulka cusub wuxuu doonayay lacag & boos
Si ay u bixiyaan lacagaha xiddigaha cusub lagu keenay, Real Madrid waxay bilaabeen in ay iib geeyaan ciyaartoy h**e u joogay.
Wesley Sneijder waxaa loo arkay:
Mid dhaawacyo lasoo dersay.
Oo aan la jaan qaadi karin mashruuca cusub.
Iyo fursad lacag looga helayo.
Xilli ciyaareedkii 2008–09, Sneijder wuxuu la tacaalay dhaawacyo.
Qaab ciyaareedkiisii h**e aad ayuu uga hoos maray xilli ciyaareedkaas.
Tani waxay keentay in maamulka cusub aanu si buuxda ugu kalsooneyn inuu ciyaaryahan muhiim ah noqon karo mustaqbalka.
Tababaraha cusub (Manuel Pellegrini) ma dooran jirin mana siin fursad weyn.
Wuxuu diiradda saarayay ciyaartoy cusub iyo nidaam cusub oo ciyaareed.
La'aanta ixtiraam ama dareen laga dilay
Sneijder laftiisa wuxuu ka hadlay sida:
“Real Madrid waxey igu qasbeen inaan baxo, xitaa anigoo aan doonaynin. Tababarka ayaan tagi jiray anigoon ogayn inaan wali kooxda ka tirsanahay.”
Wuxuu dareemay in si xun loola dhaqmay, lagana doorbiday ciyaartoy cusub oo magac weyn leh.
Real Madrid waxay ku eriday Wesley Sneijder sababtoo ah:
Maamul cusub oo doonayay ciyaartoy caan ah.
In Kaká iyo Ronaldo ay buuxiyeen booskiisii.
Iyo in lacag loo baahnaa si loo maalgeliyo xiddigaha cusub.

Laakiin waxay noqotay qalad weyn. Isla sanadkaas Sneijder Inter Milan u qaaday Champions League, Serie A, iyo Coppa Italia isagoo ka mid noqday ciyaartoyda ugu fiican adduunka sanadkii 2010.

Photos from Xog sports's post 10/10/2025

Kylian Mbappé ayaa codsaday in la beddelo kadib markii uu dareemay xanuun canqowgiisa midig isla canqowgii uu dhaawac ka soo gaaray toddobaadkii h**e.

Wuxuu garoonka uga baxay isagoo dhitinaya, isagoo si toos ah u aaday qolka labiska.

,

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Wadada Hawdka
Burco