20/12/2025
Digniin iyo shaqo ka joojin macalinka degmada.
Sports/widhwidh
20/12/2025
Digniin iyo shaqo ka joojin macalinka degmada.
*Ujeedo: Digniin*
Anigoo ah Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Degmada Widhwidh waxaan digniin cad u dirayaa dhammaan kooxaha heerka koowaad ee degmada Widhwidh iyo laacibiintooda, anigoo tixraacaya nidaamka iyo sharciga ciyaaraha.
1. Waxaa si toos ah loo farayaa dhammaan kooxaha iyo laacibiinta in aysan qayb ka noqon karin koob ama tartan aysan oggolayn Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Guud ee Maamulka Waqooyi Bari.
2. Koox ama shaqsi kuma matali karo degmada Widhwidh koob aysan oggolayn Xidhiidhka Degmada iyo kan Guud ee Maamulka Waqooyi Bari.
3. Cid kasta oo aan u hoggaansamin sharciga iyo nidaamka Xidhiidhka waxay la kulmi doontaa ganaax adag oo sharciga waafaqsan.
Waxaa la farayaa kooxaha iyo laacibiinta in ay si buuxda ugu hoggaansamaan awaamiirta iyo xeerarka u degsan maamulka ciyaaraha, si looga fogaado khilaaf iyo ciqaab sharciga waafaqsan.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta degmada widhwidh.
Cabdiwahaab Maxamed Saleebaan
16/12/2025
Ujeedo= magacaabista macalinka xulka degmada
11/12/2025
Ujeedo= shaacinta kooxda CITY star iyo mudaynta suuqa kala iibsiga
Xidhiidhka kubada cagta degmada widhwidh wuxuu tacsi u dirayaa (Saalax maxamud cawad) oo saaka xaqii Eebbe u yimid waxaanu murugada geerida la qaybsanaynaa qoyska reer saalax, waxaana ilaahay uga rajaynaynaa inuu janadiisa udgoon ka waraabiyo marxuunka, sidoo kale waxaan samir iyo iimaan ugu ducaynaynaa dhamaan qoyska reer saalax oo ay ugu horeeyaan labada ciyaartoy ee Faarax saalax iyo Cawke saalax oo ka tirsan bahda sportiga degmada widhwidh.
Allaa mahad leh.
11/09/2025
Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta degmada widhwidh Cabdiwahab maxamed saleebaan ayaa soo gabagabeeyay horyaalka heerka labaad ee degmada widhwidh kaas oo ay ku tartamayeen todobo kooxood oo kala duwan iyadoo ay ciyaarta k**a dambaysta ahayd ay iskugu soo hadheen kooxaha City star iyo Heegan FC. Waxayna guusha raacday kooxda Heegan oo noqotay horyaalka heerka labaad ee degmada.
27/08/2025
Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta degmada widhwidh cabdiwahab maxamed saleebaan ayaa daahfuray koobka heerka labaad ee kooxaha degmada widhwidh oo ay ku tartamayaan todobo kooxood
14/08/2025
Maanta oo taariikhdu tahay 8-15-2025 waxaa noo furmay koobka heerka koowaad ee degmada banyaal kaas oo ay ka qaybgalayaan afar kooxood oo heerka koowaad ah waxaana furitaanka koobka kasoo qayb galay xoghayaha Xidhiidhka Kubada Cagta maamulka waqooyi bari maxamed xasan jaamac iyo gudoomiyaha xidhiidka kubada cagta Degmada widhwidh Cabdiwahab maxamed saleebaan gudoomiyaha tartamada fudud iyo madaxa tartamada xidhiidhka kubada cagta maamulka waqooyi bari, Ugu dambayn waxaan u mahad celinaynanaa xildhibaan Cabdirasaq ibraahin Aadan Halabasade oo qayb wayn ka qaatay qabsoomida koobkan.
01/08/2025
Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 1-Aug-2025 noo soo gabgaboobay koobkii horyaalka heerka koowaad ee degmada widhwidh, waxaana kulanka finalka nagala soo qaybgalay gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta maamulka woqooyi-bari uu weheliyo xoghaye xidhiidhka, Agaasime waaxda arrimaha bulshadda ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha sidoo kale waxaa weheliyay oo koobka soo xidhay maayarka degmada widhwidh Cawke Ali Geele
Ugu dambayn kulanka finalka waxaa ku guulaystay kooxda Heegan FC iyado ay kaalinta labaad gashay kooxda Power FC isla markaasna labada kooxood waxay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo bulshadu u riyaaqday.