Galmudug Football Association

Galmudug Football Association

Share

Official Page of Galmudug Football Association - GFA

09/04/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐†๐š๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ž ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐‚๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐Ÿ‘โšฝ๏ธ

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug, mudane ๐‚๐š๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ฑ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž โ€œ๐๐š๐š๐๐ฌ๐ก๐š๐šโ€, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami, mudane ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐‚๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง, kaas oo si sharaf leh uga mid noqday liiska garsoorayaasha ka qeyb geli doona Koobka Adduunka ee sanadkan lagu qabanayo dalalka USA, Canada, iyo Mexico.

Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda kubadda cagta. Waa tusaale cad oo muujinaya in dadaal, karti, iyo hufnaan lagu gaari karo heerarka ugu sarreeya ee caalamka.

Waxaan kugu dhiirrigelinaynaa Garsoore ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐‚๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง in aad sii waddo shaqada wanaagsan ee aad haysid, adigoo magaca iyo sharafka Soomaaliya meel sare ka taagan. Mustaqbal ifaya ayaa ku horyaalla, waxaadna tahay halyeey dhiirrigelin u ah jiilka soo koraya.

31/03/2026

HAMBALYO XULKA KUBADDA CAGTA QARANKA SOOMAALIYEED ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดโšฝ๏ธ

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug, Mudane ๐‚๐š๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ฑ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž โ€œ๐๐š๐š๐๐ฌ๐ก๐š๐šโ€, ayaa hambalyo u diray Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed kadib guushii taariikhiga ahayd ee ay ka gaareen xulka dalka Mauritius.

โ€œWaxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo guul taariikhi ah ka gaaray isreeb-reebka tartanka AFCON 2027, kaddib markii ay ka adkaadeen dhiggooda Mauritius, isla markaana ay taariikhda markii ugu horreysay u soo gudbeen heerka guruubyada ee isreeb-reebka tartanka.

Ciyaartoydeenna halyeeyada ah, macallimiinta qaaliga ah iyo dhammaan bahda kubadda cagta Soomaaliyeed waxay muujiyeen dadaal, geesinimo iyo waddaniyad sare oo farxad gelisay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Guushan waxay caddeyn u tahay kartida iyo hibada dhalinyarada Soomaaliyeed, waana tallaabo weyn oo dhiirrigelin u ah horumarka ciyaaraha dalka iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed.โ€

Photos from Galmudug Football Association's post 24/03/2026

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug, mudane ๐‚๐š๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ฑ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž โ€œ๐๐š๐š๐๐ฌ๐ก๐š๐šโ€, ayaa si weyn u bogaadiyey kulankii xiisaha iyo xamaasadda lahaa ee ay wada ciyaareen laba kooxood oo ka kala socday degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ee gobolka Mudug.

Kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa iska kaashaday maamullada Dowladaha Hoose ee degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere, iyo sidoo kale maamulada Sports-ka iyo Dhalinyarada Degmooyinkaas, ayaa noqday mid muujiyey horumar iyo isdhexgal dhab ah.

Guusha ciyaarta waxay raacday kooxda ka socotay Degmada Hobyo, kuwaas oo soo bandhigay ciyaar heer sare ah iyo dadaal muuqda oo mudan bogaadin.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyey in kulamada noocan oo kale ah marka la joogteeyo ay fure u yihiin Isdhexgalka iyo walaalaynta dhalinyarada, Kor u qaadista tayada kubadda cagta, horumarka guud ee ciyaaraha Galmudug
โ€œDhalinyarada waa laf-dhabarta mustaqbalka, waxaana muhiim ah in la dhiirrigeliyo kartidooda iyo midnimadooda,โ€ ayuu yiri Guddoomiyuhu.

19/03/2026

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug, Mudane ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ณ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐˜… ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ถ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฒ "๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ" ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fidriga u diray dhammaan shacabka Muslimiinta ah.

โ€œFarxad, barwaaqo iyo nabad ayaan idiin rajaynayaa dhammaan umadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan.

Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo camalkii wanaagsanaa.

Ciiddaan, ciiddeeda kale caafimaad iyo kheyr ku gaara.โ€

Photos from Galmudug Football Association's post 04/03/2026

Hambalyo hambayo waxan soo dhaweyneyna gudomiyaha sportiga dagmada cabudwaq salaad abdikarin salad waxana rajeyneyna shaqada lagu idmaday in aad kaso bixidonto

02/02/2026

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug, Mudane ๐˜พ๐™–๐™—๐™™๐™ž๐™›๐™ž๐™ฉ๐™–๐™–๐™ญ ๐˜พ๐™–๐™—๐™™๐™ช๐™ก๐™ก๐™–๐™–๐™๐™ž ๐™’๐™–๐™ง๐™จ๐™–๐™ข๐™š โ€œ๐˜ฝ๐™–๐™–๐™™๐™จ๐™๐™–๐™–โ€,
ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray kooxda kubadda cagta ๐Œ๐‚๐‚, kaddib markii ay ku guulaysteen koobka ๐™…๐™–๐™ฃ๐™–๐™ง๐™–๐™–๐™ก ๐˜ฟ๐™–๐™–โ€™๐™ช๐™ช๐™™.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guusha ๐Œ๐‚๐‚ ay muujinayso dadaal, karti iyo is-kaashi wanaagsan oo ka dhexeeya ciyaartoyda, tababarayaasha iyo maamulka kooxda, taas oo sare u qaadaysa horumarka kubadda cagta Galmudug.

Mudane Baadshaa wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay ๐‘ฟ๐’Š๐’“๐’Š๐’Š๐’“๐’Œ๐’‚ ๐‘ฒ๐’–๐’ƒ๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ช๐’‚๐’ˆ๐’•๐’‚ ๐‘บ๐’๐’๐’Ž๐’‚๐’‚๐’๐’Š๐’š๐’†๐’†๐’…, oo uu sheegay in ay iyagu suurta geliyeen qabsoomidda Koobka ๐™…๐™–๐™ฃ๐™–๐™ง๐™–๐™–๐™ก ๐˜ฟ๐™–๐™–โ€™๐™ช๐™ช๐™™, isla markaana door weyn ka qaatay dhiirrigelinta iyo horumarinta ciyaaraha dalka.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu wuxuu u rajeeyay kooxda ๐Œ๐‚๐‚ guulo kale oo waaweyn mustaqbalka, isagoo ku boorriyay dhammaan bahda ciyaaraha inay sii labanlaabaan dadaalkooda.

Hambalyo MCC! ๐Ÿ†โšฝ๏ธ
Guul Kubadda Cagta Galmudug iyo Soomaaliya!

23/01/2026

๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด (๐—•๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ฐ๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ & ๐—๐—ฎ๐—ป๐˜‚๐—ฎ๐—ฟ๐˜† ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ)

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug Mudane ๐‚๐š๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ฑ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž โ€œ๐๐š๐š๐๐ฌ๐ก๐š๐šโ€ ayaa intii u dhexeysay bilaha December 2025 iyo January 2026 fuliyay hawlo kala duwan oo muhiim u ah horumarinta ciyaaraha kubadda cagta ee deegaanada Galmudug.

Waxqabadkiisii waxaa kamid ahaa:

1. 8 December 2025 โ€“ Daah-furka Garoonka Jalle Maxamed Siyaad ee Degmada Cabudwaaq, iyo furitaanka tartanka xaafadaha Degmada Cabudwaaq

2. 11 December 2025 โ€“ Booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Degmada Balanbale, halkaas oo uu si dhow ugu kuurgalay baahiyaha dhanka sports-ka ee ka jira degmada.

3. 13 December 2025 โ€“ Furitaanka Koobka Sanadlaha ah ee Col Doonyaale Cup ee Degmada Cadaado.

4. 19 December 2025 โ€“ Xiritaanka koobkii loo qabtay ardayda Jaamacadda Galmudug State University.

5. 26 December 2025 โ€“ Xiritaanka Horyaalka Heerka Labaad ee Caasimadda Galmudug.

6. 2 January 2026 โ€“ Daah-furka Koobka Xaafadaha Degmada Balanbale.

7. 10 January 2026 โ€“ Booqasho shaqo oo uu ku tagay Degmada Guriceel, taas oo uu ku eegayay una kuurgalay baahiyaha sports-ka ee ka jira degmadaas.

Waxqabadadaan isdaba-joogga ah ayaa muujinaya doorka firfircoon iyo dadaalka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug uu ugu jiro horumarinta, kobcinta iyo mideynta ciyaaraha kubadda cagta ee guud ahaan deegaanada Galmudug.

Photos from Galmudug Football Association's post 09/01/2026

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug Mudane ๐‚๐š๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ฑ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž โ€œ๐๐š๐š๐๐ฌ๐ก๐š๐šโ€ ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Kooxda Xaafadda Hodan ee Degmada Balanbale, kaddib ku guulaysigii Tartanka Xaafadaha Degmada Balanbale.

Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in guushaasi ay muujinayso kartida, wadajirka iyo dadaalka dhalinyarada Xaafada Hodan, isla markaana ay tahay tallaabo muhiim u ah horumarinta kubadda cagta iyo isdhexgalka bulshada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Sports-ka Degmada Balanbale mudane ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‚๐š๐ฐ๐ข๐ฅ iyo Taliyaha Saldhigga Degmada ๐‹๐ข๐ข๐›๐š๐š๐ง ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐‚๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง โ€œ๐Š๐š๐ซ๐›๐š๐ฌ๐ก๐ฅ๐žโ€, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hirgelinta iyo qabsoomidda koobkan, iyagoo iska kaashaday amniga, abaabulka iyo dhiirrigelinta dhalinyarada.

Ugu dambeyntii Guddoomiyuhu wuxuu adkeeyay sida Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug uga goโ€™an tahay taageeridda tartamada heer degmo, si loo kobciyo hibada ciyaartooyda daโ€™da yar loona xoojiyo nabadda iyo midnimada bulshada.

Photos from Galmudug Football Association's post 02/01/2026

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug mudane ๐‚๐š๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ฑ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž (๐๐š๐š๐๐ฌ๐ก๐š๐š) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Maamulka Sports-ka Degmada Balanbale, kuwaas oo maanta si rasmi ah u daah-furay Tartanka Kubadda Cagta Xaafadaha Degmada Balanbale.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah u bogaadiyey iskaashiga wanaagsan ee u dhexeeya Dowladda Hoose ee Degmada Balanbale iyo Maamulka Sports-ka Degmada, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeeyey hirgelinta iyo qabsoomidda tartankan muhiimka u ah horumarinta ciyaaraha, mideynta dhalinyarada iyo kobcinta nabadda bulshada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ammaan gaar ah u jeediyey Taliyaha Saldhigga Degmada Balanbale, Mudane ๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ž ๐‹๐ข๐ข๐›๐š๐š๐ง ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐‚๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง (๐Š๐š๐ซ๐›๐š๐ฌ๐ก๐ฅ๐ž), kaas oo door weyn ka qaatay bilaabashada tartankan, islamarkaana laf-dhabar u ahaa sugidda amniga iyo dhiirrigelinta dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha degmada.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug waxa uu u rajeeyey dhammaan ka-qaybgalayaasha tartanka guul, is-dhexgal iyo tartan xalaal ah, isagoo xusay in Xiriirku mar walba garab taagan yahay horumarinta ciyaaraha heer degmo ilaa heer gobol.

Photos from Galmudug Football Association's post 31/12/2025

๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž ๐ˆ๐˜๐Ž ๐๐Ž๐†๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug mudane ๐‚๐š๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ฑ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž (๐๐š๐š๐๐ฌ๐ก๐š๐š) ayaa hambalyo u diray Kooxda Wakaaladda, oo ku guulaysatay Koobka Sanadlaha ah ee Kornel Doonyaale, kadib ciyaaro ay ka muujiyeen dadaal, adkaysi iyo niyad sare. Tartankaan wuxuu astaan u yahay horumar, karti iyo rajo cusub oo u ifaysa kubadda cagta Galmudug.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu bogaadin iyo mahadnaq u jeediyey Maamulka Ciyaaraha Degmada Cadaado, kuwaas oo muujiyey juhdi iyo hawlkarnimo joogto ah, kana shaqeeyey sidii kor loogu qaadi lahaa ciyaaraha iyo ka qaybgalka dhalinyarada. Doorkooda hormarineed waa mid laf-dhabar u ah koboca isboortiga degmada.

Guddoomiyuhu wuxuu ugu dambayn ku dhiirrigeliyey dhammaan bahda isboortiga in ay sii wadaan wada-shaqaynta, si loo gaaro guulo waaweyn oo mustaqbalka kubadda cagta Galmudug kor u qaada.

27/12/2025

๐Œ๐”๐”๐๐€๐‹ ๐Š๐Ž๐Ž๐๐€๐ | ๐…๐ˆ๐๐€๐‹๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ๐€ ๐†๐€๐‹๐Œ๐”๐ƒ๐”๐† โšฝ๏ธ๐Ÿ”ฅ

Garoonka Kubadda Cagta Caasimada Galmudug waxaa ka dhacay ciyaar taariikhi ah oo xamaasad iyo xiiso gaar ah lahayd, taas oo ahayd Finalkii Horyaalka heerka labaad. Ciyaartan k**a dambaysta ah ayaa soo jiidatay taageerayaal fara badan iyo masuuliyiin sare.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug, mudane ๐‚๐š๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ฑ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž (๐๐š๐š๐๐ฌ๐ก๐š๐š), Gudoomiyaha Dhalinyarada Caasimada, Gudoomiyaha Sportska Caasimada, Agaasimaha Arimaha Bulshada Caasimada ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta goob-joogga ka ahaa Finalka, Gudoomiyaha ayaa muujiyey doorka hoggaamineed ee uu ku leeyahay horumarinta kubadda cagta Galmudug.

Muuqalkan kooban wuxuu muujinayaa quruxda ciyaarta, xamaasadda taageerayaasha, iyo dadaalka joogtada ah ee Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug ku hormarinayo isboortiga iyo midnimada bulshada.

Photos from Galmudug Football Association's post 26/12/2025

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug, mudane ๐‚๐š๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ฑ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž (๐๐š๐š๐๐ฌ๐ก๐š๐š), ayaa galabta ka qayb galay ciyaartii k**a dambaysta ahayd ee Horyaalka Heerka Labaad ee Caasimadda Galmudug, taas oo ku dhacday jawi aad u xiiso badan.

Ciyaarta finalka ayaa dhexmartay kooxaha ๐“๐š๐ฐ๐š๐ค๐š๐ฅ iyo ๐†๐š๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐ง, kuwaas oo soo bandhigay ciyaar adag, farsamo iyo tartan dhab ah. Kadib ciyaar waqti badan lagu loollamay, natiijada ayaa lagu kala baxay rigoorayaal, waxaana guusha iyo koobka ku guuleysatay kooxda ๐“๐š๐ฐ๐š๐ค๐š๐ฅ.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug ayaa hambalyo diirran u diray kooxda ๐“๐š๐ฐ๐š๐ค๐š๐ฅ, isagoo sidoo kale bogaadiyey kooxda ๐†๐š๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐ง oo soo bandhigtay ciyaar mudan ammaan. Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyey dhammaan ciyaartooyda iyo bahda isboortiga inay sii xoojiyaan dadaalka horumarinta kubadda cagta Galmudug.

Guushan iyo tartankan heerkiisu sarreeyo waxay markhaati u yihiin kobaca iyo mustaqbalka ifaya ee kubadda cagta Galmudug.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


Dayah Street
Dhuusamarreeb