23/03/2026
π RAMADAN CUP 2026 β CEELDHEERE β½
23/03/2026 waxa si rasmi ah inoogu soo xirmay Jironigii Ramadan Cup π
Finalka waxa iskaga hor yimid:
X-Wabari π X-Towfiiq
Ciyaar aad u xiiso badnayd kadib, guusha waxay raacday:
π₯ X-Wabari
π Hambalyo Hambalyo X-Wabari! π
Waxaad muujiseen dadaal, isku duubni iyo ciyaar wanaag π
π€ X-Towfiiq, idinkana waan idin bogaadinaynaa dadaalka iyo ciyaarta quruxda badan aad soo bandhigteen. Kubaddu waa guul iyo guuldarroβwaa caddaan iyo madow.
β½ Fariin dhalinyarada:
Kubadda cagtu ma aha oo kaliya tartan, waa meel lagu xoojiyo isdhexgalka bulshada, isbarashada dhalinyarada, iyo horumarinta wadajirka. Aan ka dhigno kubadda mid mideysa, kana fogaano wax kasta oo kala fogeynaya.
π Mahadsanidiin dhammaan ka qaybgalayaasha, taageerayaasha iyo maamulka D/ceeldhere
22/03/2026
π₯ OGEYSIIS MUHIIM AH π₯
Xiriirka Kubada Cagta Ceeldheere waxa uu ogeysiinayaa dhammaan bulshada in la ciyaarayo FINALKA CUP RAMADAAN.
β½ X-Wabari π X-Towfiiq
π
Isniin: 23/03/2026
β° 03:00 Galabnimo
π Goobta: Ceeldheere
π Abaalmarino:
π₯ Cup-ka
ποΈ Bilado (Ramadan Cup)
π Geft: BEST PLAYER
Kaalay oo la wadaag xiisaha finalka!
Kala soco Xiriirka Kubadda cagta D ceeldheere
19/03/2026
β¨β½οΈ CIID MUBAARAK β½οΈβ¨
Xiriirka Kubadda Cagta Ceeldheere waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ciyaartoyda, taageerayaasha, iyo shacabka Ceeldheere meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga ππ€
Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo camalkii wanaagsanaa.
Ha noqoto ciiddaan mid nabad, farxad iyo guul ku dheehan β½οΈπ
π CIID MUBAARAK DHAMAANTIIN π
03/03/2026
ππ₯ RAMADAN CUP CEELDHEERE 2026 π₯π
Waxaan si rasmi ah u shaacinaynaa in berri si toos ah u bilaabanayo tartanka weyn ee Ramadan Cup ee ka dhacaya Garoonka Degmada Ceeldheere. β½π
Dhamaan kooxaha ka qeybgalaya iyo taageerayaashaba waxaa lagu wargelinayaa inay waqtiga ilaaliyaan isla markaana ay u hoggaansamaan shuruucda tartanka.
Goobta: Garoonka Degmada Ceeldheere
Taariikhda Bilowga: Berri
β° Waqtiga: Galabnimo
Kaalaya oo taageera dhalinyarada degmada.
Ramadan Cup waa midnimo & horumar dhalinyaro! πͺβ½
20/02/2026
π RAMADAN CUP 2026 β CEELDHEERE π
Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Ceeldheere waxa uu ku wargelinayaa dhammaan dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha in uu si rasmi ah u furmayo:
β½ Tartanka Ramadan Cup 2026
π Goobta: Garoonka Ceeldheere
π
Wuxuu bilaabanayaa 15-ka dambe ee Bisha Barakeysan ee Ramadan
Tartankan waxa uu fursad u yahay dhalinyarada degmada in ay muujiyaan hibadooda iyo kartidooda ciyaareed.
Xiriirka Kubadda cagta D ceeldheere
29/01/2026
Galabtay waxa si heer sare ah u qabsoomay kulan kubbadda cagta ah oo u dhexeeyay FC Halgan, oo ka dhisan Degmada Ceeldheere, iyo tiim marti ah oo ka yimid Degmada Galkacyo.
Ciyaartu waxay ku dhammaatay 1οΈβ£β1οΈβ£, taas oo muujinaysa tartan adag, ciyaar furan, iyo is-qadarinta labada dhinac.
Maaddaama cayaartoyda martida ahi ay safar dheer noogu yimaadeen, waxa si wadajir ah loo dheelay ciyaar nadiif ah, niyad wanaagsan leh, isla markaana leh akhlaaq iyo ixtiraam sare. Taasi waxay caddeyn u tahay in kubbadda cagtu ka weyn tahay guul iyo guuldarroβwaa isdhexgal bulsho, saaxiibtinimo, iyo midnimo dhalinyaro.
Kubaddu waa nabad, kubaddu waa walaaltinimo, kubaddu waa horumar bulsho. β½β€οΈ
Xiriirka Kubadda cagta D ceeldheere
26/01/2026
Qoraalka Post-ka:
π― Bilawga Tartanka Jirooniga β Celdheere!
Waxaa la bilaabay Tartanka Jirooniga Degmada Celdheere.
π Taariikh: Galabta, 26/01/2026
π Goobta: Garoonka Celdheere Stadium
β½ War-galinta Ciyaartoyda: Dhamaan ciyaartoyda waxaa lagu casuumay in ay yimaadaan waqtiga lagu heshiiyey oo diyaar u noqdaan ciyaaraha.
π War-galinta Taageerayaasha: Taageerayaasha Degmada Celdheere waa lagu soo dhaweynayaa si ay u daawadaan ciyaaraha, una dhiirrigeliyaan kooxaha.
π€ Kulanti Wanaagsan: Waxaan rajeyneynaa ciyaaro xiiso leh iyo madadaalo dhammaan ka qaybgalayaasha.
Xiriirka Kubadda cagta D ceeldheere
29/03/2025
29 mar 03/2025 WAXA INOSO GOBA.GABOBAY RAMADAN CUP EE TEAMAMKA D CEELDHEERE.
JIROONIGAN OW DADiHINAYAY GUDOMIYAHA ururka dhalinyarada D celdheere
Zayid cumar Hassan.
Waxana kasoo qeeyb gaalay Maamulka D.Ceeldheere ow ugu horeeyo gudoomiye & gudoomiyaha ururka hawenka Ayaan daahir
Iyo hahda dhalinyarada .
Alx alle eyey mahadi usugnatay nogusoo bilaway nabad nogu dhameyay nabad Io xasilooni.
Sido kale kubada cagta waa is dhexgalka bulshada wada socodka dhalinta
Sidaas awgeed dhalinyarada sportska D ceeldheere waa ineey ku dhehdaan ku dhabar adeegan hananka sportska si loo hello dhalinyara is dhex gal leh Wada caweeyo wada xifaaltamo magaca D ceeldheere kor uqaado.
29/03/2025
RAMADAN CUP π Stadium ποΈ.
Kulanka galabtay dhicidoono Insha Allah
TEAMKA HEEGAN Vs TEAMKA ELMAN
Stadium ceeldheereποΈ ποΈ29/03/2025 β±οΈtime 4:20
Dawasho wacan
Xiriirka Kubadda cagta D ceeldheere