17/08/2026
insha allh beri Bar bilow Fcn Kooxda Goodir Ceerigaabo ZhpYaal beri Guul insha allh
Since
Goodir Erigavo is a team that brought together young people and athletes, founded in 2007 in the city of Erigavo The team is known for its hard work, unity, and dedication to developing the sporting talents of the youth in the Sanaag region.
17/08/2026
insha allh beri Bar bilow Fcn Kooxda Goodir Ceerigaabo ZhpYaal beri Guul insha allh
Kooxda Ciidanka Booliska Goodir Ceerigabo oo ku jirta diyaar garowgii ugu dambeyay Horyaalka heerka koobaad ee gobolka Sanaag
Kooxda Goodir Ceerigaabo
04/08/2026
Mahadnaq iyo Bogaadin
Waxaan mahadnaq iyo bogaadin ballaadhan u diraynaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha, Maxamed Cabdi Malik
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdirashiid Magaalo,
iyo Xildhibaan Khadar Cali Xakiim.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa dedaalkii, garab istaaggii iyo taageeradii hagar la'aanta ahayd ee ay u muujiyeen Kooxda Police Goodir Ceerigaabo, taas oo door weyn ka qaadatay in kooxdu gaadho heerkan ay maanta taagan tahay.
Waxaan Alle SWT uga baryaynaa inuu ka abaalmariyo wanaagga ay bulshada iyo kooxda u qabteen, isla markaana uu camalkooda wanaagsan ku daro miisaanka xasanaadkooda. Waxaannu sidoo kale u rajaynaynaa caafimaad, cimri dheer, barako iyo guulo isdaba joog ah, si ay u sii wadaan u adeegidda bulshada iyo horumarinta dhallinyarada.
Mahadsanidiin. Ilaahay ha idin xafido, hana idinku abaalmariyo khayr badan. Aamiin.
04/08/2026
Mahadnaq Ku Socda Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere)
Guul ha u hoyato Ciidanka Booliska Somaliland iyo Kooxda Police Goodir Ceerigaabo.
Waxaan si kal iyo laab ah u gudbinaynaa mahadnaq iyo bogaadin ku aaddan garab istaagga qiimaha badan ee aad u muujisay Kooxda Police Goodir Ceerigaabo. Taageeradaada iyo go'aankaaga wanaagsan waxay farxad, dhiirrigelin iyo niyad-dhis u noqdeen ciyaartoyda, maamulka, tababarayaasha iyo dhammaan taageerayaasha kooxda.
Waxaan si gaar ah kuugu mahadcelinaynaa hoggaamintaada hufan, daacadnimadaada iyo sida aad mar walba uga go'an tahay horumarinta Ciidanka Booliska Somaliland iyo dhiirrigelinta ciyaaraha. Tallaabada qiimaha leh ee aad qaaday waxay xoojisay rajada iyo kalsoonida kooxda, waxayna tusaale u tahay hoggaamiye mudnaan siiya danta ciidankiisa, horumarka bulshada iyo kobcinta dhallinyarada.
Waxaan Alle SWT kaaga baryaynaa inuu ku siiyo caafimaad taam ah, cimri dheer, xigmad, caddaalad iyo guulo isdaba joog ah, isla markaana kuugu garab galo gudashada waajibaadka culus ee aad u hayso qaranka iyo shacabka Somaliland.
Ugu dambayn, Taliyow, mahadsanid taageeradaada iyo garab istaaggaaga. Taageeradaadu weligeed lama illoobi doono, waxaana kuu rajaynaynaa sharaf, guul iyo barwaaqo joogto ah.
Ilaahay ha ku barakeeyo adiga iyo Ciidanka Booliska Somaliland. Aamiin.
30/07/2026
Taariikhda Kooxda Ciidanka Booliska ee Ceerigaabo
Kooxda Ciidanka Booliska ee Ceerigaabo waa mid ka mid ah kooxaha magaca iyo taariikhda ku leh kubadda cagta gobolka Sanaag. Kooxdan waxaa la aasaasay sannadkii 2007.
Tan iyo markii la dhisay, kooxdu waxay soo martay marxalado isugu jira guulo waaweyn, barbaro iyo guuldarrooyin, hase yeeshee mar walba waxay ahayd koox u taagan tartan adag, adkaysi iyo horumar joogto ah.
Rikoodhka Kulamada
Laga soo bilaabo aasaaskeedii ilaa maanta, Kooxda Ciidanka Booliska ee Ceerigaabo waxay ciyaartay 52 kulan oo rasmi ah, kuwaas oo isugu jira kulamadii ka horreeyey horyaalka iyo saddexdii xilli ciyaareed ee Horyaalka Gobolka Sanaag (Home & Away).
Natiijooyinka ay gaadhay waxay kala yihiin:
* 52 kulan oo rasmi ah.
* 22 kulan oo ay guulaysatay.
* 14 kulan oo ay barbaro gashay.
* 16 kulan oo ay guuldarraysatay.
Natiijooyinkan ayaa muujinaya joogtaynta kooxda iyo doorka ay ku leedahay tartamada gobolka Sanaag.
Koobkii Ugu Horreeyey
Guushii ugu horreysay ee taariikhda kooxda waxay timid sannadkii 2007, markaas oo ay ku guulaysatay Koobka Kooxaha Isku-dhafka ee lagu qabtay magaalada Ceerigaabo. Guushaas ayaa noqotay bilowgii taariikh guuleedkii kooxda, isla markaana dhiirrigelisay horumarkeedii xigay.
Koobka Ramadaanka
Kooxda Ciidanka Booliska waxay sidoo kale gaadhay 3 jeer Final-ka Koobka Ramadaanka ee gobolka Sanaag. gaadhista saddexda final waxay caddeyn u tahay joogtaynta tayada kooxda iyo awooddeeda ee tartanmada.
Guulaha Koobka 18-ka May
Mid ka mid ah tartamada ugu muhiimsan ee ay kooxda taariikhda ku leedahay waa Koobka 18-ka May, kaas oo ay ku guulaysatay afar jeer.
Sanadaha ay qaaday koobkan waa:
* 2011 🥇
* 2017 🥇
* 2021. 🥇
* 2026 🥇
Guulahan isdaba joogga ah waxay ka dhigayaan Kooxda Ciidanka Booliska mid ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan ee gobolka Sanaag.
Ka Qaybgalka Horyaalka Gobolka Sanaag
Kooxdu waxay ka qayb gashay 3 xilli ciyaareed oo Horyaalka Gobolka Sanaag ah, iyadoo xilli kasta soo bandhigtay
11/07/2026
Kulamada Horyaalka Heerka koobaad ee gobolka Sanaag Xili ciyaareedka 2026-2027 Barbilow Wanaagsan iyo Xili ciyaareed qurux badan Bi, idmilaah
Round 1