17/02/2024
Kadib 1960kii, Taariikhda waa markii koowaad oo Baarlamaan Soomaaliyeed ay ka doodayaan waxkabedelka iyo dhameys tirka Dastuurka, waa tilaabo weyn taariikhiyan in heerka la soo gaaro. Hase ahaatee waxaa muuqata Dowladda hada talada joogtaa inay dadajin iyo dano gaar ah ku dhex wado shaqada dhameystirka Dastuurka, ayna indhaha ka laabanayso daruufo badan oo u baahan wadar ogol iyo heshiis siyaasadeed, si loo dhameystiro Dastuurka Dalka.
Waxaan si buuxda ula socday ama u wada dhagaystay dhamaan Xildhibaanadii ka qayb qaatay Dooda Baarlamanka ee waxkabedelka Dastuurka Cutubkiisa 1aad, oo ka koobnaa sagaal qodob ayna doodiisu soo bilaabatay 14 Feb, ilaayo maanta oo ahayd 17 Feb 2024. Markaan aad u dhuuxay nuxurka iyo fahamka Xildhibaanada hadlayey intooda badan, Rag iyo Dumar ba, waxaa iiga soo baxay Baarlamanku saan mooday inaysan ahayn.
Waxaan bartay, xildhibaano iyo Senetors badan oo Baarlamaanka katirsan horay na aanan Camera daha aad looga arki jirin, kuwaas oo si sax ah usoo bandhigay Afkaaro iyo Doodo cul-culsus oo ku salaysan Dastuurka, Mabaadii'da aas-aasiga ah iyo sooyaalka taariikhda siyaasadeed ee Dalka. Sidoo kale, waxaan dhamaan intii badneed arki waaye xildhibaanadii caanka ahaa oo ka doodi jirey Qabiilka, Qabyaaladda, Sharciyada Wasaaraduhu soo gudbiyaan, Taageerada gudoonka Baarlamanka iyo sacabka Xakuumadda iyo Madaxweynaha hadba talada jooga !! Taas oo ku tusaysa Aqoontu haday fursad hesho quuqda iyo qayladu inay xishoonayaan.
Doodihii u cuslaa oo Xildhibaanadu ka dhiibteen cutubka 1aad waxaa kamid ahaa, Jinsiyadda qofka soomaaliga ah "Yaa soomaali ah", Astaanta Qaranka ee Shabeelka hala macneeyo/fasiro, maxay u taagan tahay? "Soomaaliya" miyaa la oronayaa mise "Soomaaliyeed", maxayse ku kala duwan yihiin labadaas? Midabka saxdaa ee Calanka waa noocma? Xidig cad mise xidig 'Bey cad', Luuqadda 'Maay & Maxaa tiri', Qoondada Haweenka, Maqaamka Caasimada, waxkabedelka heesta Calanka iyo kuwo kale.
Xildhibaanada ka soo jeeda Gobalada waqooyi(Soomaaliland) waa foolaadka Baarlamaanka ladiisa Aqal ba, waxay dhiibteen Doodo iyo toosino badan oo aad Ii soo jiitay, si lamid ah Xildhibaanada/Senetors ka rug cadaayaasha ah ee Baarlamaanka horay dhowr Term ugu soo jirey. Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele kaalintoodu waa muuqatay, Banaadiriigii Energy-gay kayd sanayaan, Dooda Caasimadaa soo socota, Jubaland ayagu Madaxweyne kuxigeen bay malaha la aamusan yihiin, kuwa Puntland waxay ahaayen xildhibaanaada ugu saamaynta hooseeya doodaha socday xataa intooda hadashay oo dhowr ahaa, waxaana kawada dharagsan nahay xaalada PL iyo waxkabedelka Dastuurka meesha ay kala taagan tahay!
Ugu dambayn, wali xaraaraddii iyo kulayl kii Doodaha waxkabedelka Dastuurku waa dhiman yihiin, waayo cutubka koowaad wuxuu isaga badnaa Mabaadii'da Guud oo aan aad loogu kala fogayn, Cutub yada dambe weeye meesha faraha la isaga guban doono.
Mahdi
===Qormada 1aad Waxkabedelka Dastuurka.
19/09/2023
14/09/2023
08/09/2023
07/09/2023
07/09/2023