Mamulka cayaraha gobolka mudug

Mamulka cayaraha gobolka mudug

Share

Office Mudug Sport's

08/01/2026

Tartanka Iskuulada Sare ee Magaalada Gaalkacyo. finaal: Jimcaha

04/01/2026

Sami fanal:
Tartanka Iskuulada Sare ee Magaalada Gaalkacyo

01/01/2026

Quarter Finaal
Tartanka Iskuuladda Sare Magaalada Gaalkacyo.

25/12/2025

Tartanka Iskuulada Sare ee Magaalada Gaalkacyo kulanka subixii:

Photos from Mamulka cayaraha gobolka mudug's post 25/12/2025

Furitaanka Tartanka Iskuulada Sare ee Magaalada Gaalkacyo .

Tartankaan iskuulada ayaa waxaa ka qeyb 12 Iskuul Sare Magaalada Gaalkacyo waxaa qeyb ahaa Xaflada furitaanka Tartankaan Xiriirka Kubada Cagta Puntland isu-duwaha Wasaarada Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Gobolka Mudug Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug . Iyo Maamulka Gobolka iyo Kan Dawlada Hoose Degmada Gaalkacyo

Xaaji diiriye School 1-5. 1 August School

24/12/2025

Furitaanka Tartanka Iskuulada Sare 25/12/2025. Cawaale Stadioum

Photos from Mamulka cayaraha gobolka mudug's post 19/12/2025

Jadwalk Tartanka Iskuulada Sare ee Magaalada Gaalkacyo wuxuuna bilaaban doona 25/12/2025

Photos from Mamulka cayaraha gobolka mudug's post 18/12/2025

Koobka Habaz Cup .
Ayaa loogu magacaday Allah. unaxariiste Halyeeygii H**e Kubada cagta Cabdi Cali Habaz

Koobkaan oo ay soo diyaariyeen Maamulka Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Gobolka Mudug iyo Masuuliyiinta Kooxaha Kubada cagta Heerkood Koowaad ayaa noqonya tartankii ugu horeeyey ee si isku tashi ah ay uga qeyb qaadanayaa dhammaan Howlwadeenada Kubada cagta ay ugu horeeyso

1- Xiriirka kubadda Cagta Puntland:
Aya kaga qeyb qaadandoona inta uu socdo Tartanka si isku tashi ah una kor joogteeyo Sharciyada iyo Xeerarka tartanka iyo Garsoorka Kubada Cagta.

2- Maamulka Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Gobolka Mudug ayaa kaga qeyb qaadanaya Dardargalinta Shaqada tartanka Cadaalada u kala xaqsoorida ku ilaalinta sharciyada bilowga iyo Dhameystirka Habas Cup u shaqeeynta Har iyo Habeen tartankaan waqtiga iyo juhdiga dadaalada lagu bixinayo Xalinta Khilaafaadyada.

3- Kooxaha Kubada Cagta Heerka koowaad ayaa hab isku tashi ah uga qeyb qaadan doona tartankaan ayagoo Soo diyaarinay Kooxaha dhamman u dhameystiri doona kooxda agabkeed Uniform almiitada keenistoo iyo dib u celintoon diyaarinta Dishibiliinka ciyaartooy Maamulka sare ee kooxda waqti iyo dadaal isku tashi ah.

4- Amniga Garoonka Kubada Cagta waxaan si isku tashi ah uga qeybqaadan doona inta uu socdo Tartanka Habas CupTaliska Booliiska Gobolka Mudug iyo Dawlada Hoose Degmada Gaalkacyo Oo ka qeyb qaadandoonta Fayadhoowrka Garoonka

5- Maamulka Gobolka Mudug ayaa kaga geyb qaaadandoona Kormeerka Amniga Guud Garoonka iyo ka talabixinta wixii ku cuslaaday inta uu socdo Isku tashiga Tartankaan

6- Guddiga Garoonka Cawaale Stadioum ayaa qeyb ka aha tartankaan isku tashiga ah ayagoo badqabka Garoonka dayactirka u diyaarinta Tartanka Habas Cup kaga qeyb qaadandoona.

7- Garsoorka Gobolka Mudug oo laf dhabar u ah Tartamada kubada cagta ee xafiisku soo qorsheeyo ayaa qeyb ka ah isku tashiga tartantankaan bilow ilaaa dhammaad ayagoo waqtigood iyo Neeftooda si isku tashi ah ugu adeegidoona Kooxaha Kubada Cagta una kala xaqsooridoona si cadaaladi ah iyo hufnaan ah

Bahda jecel Ciyaaraha iyo tageerayaashu waaa in ay uga qeyb qaataan si isku tashi ah daawasha Kooxaha ay taageerayaan Ilaalinta Nidaamka dabacsanaanta .

Maadaama Tartankaan Isku tashiga aha ee Habas Cup kulamadiisa oo dhan waxaa lagu daawandooona si bilaash ah oo free ah tikidna Laguma galidoon .

Photos from Mamulka cayaraha gobolka mudug's post 17/12/2025

Xaflada Qorituurka Tartanka Is dhexgalka Dugsiyadda Sare Ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa si rasmi ah u daahfuray Qorituurka Koobka Iskuulada Sare Gudoomiye Ku xigeen Gobolka Mudug Mudane Waloore Iyo Gudoonka Waxbarashadda Gobolka Mudug

Maamulka Ciyaaraha Gobolka Mudug iyo Guddoonka Waxbarashada Gobolka Mudug ayaa isla qorsheeyey in xiiliga Fasax Iskuulada Sare lagu asteyn doono Jadwalka Ciyaarista Koobka oo bilaabanaya 25/12/2025

Ugu danbeeyn Gudoomiyaha Xirirka Kubada Cagta Puntland Ustaad Xakiiki ayaa soo gaarsiiye kubado Iskuulada sare ee tartamaya waxaana ku wareejiyey iskuuladda Isu-duwaha Wasaarada Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Gobolka Mudug. Mudane Ciise Akhyaar

17/12/2025

Isu-duwaha Wasaarada Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Gobolka Mudug iyo Bahda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Mudug Kooxaha Kubada Cagta Gobolka Mudug

Waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Eheladii iyo Qaraabadii Isu-duwhi Wasaarada Shaqada Iyo Shaqaalaha Ariimaha Bulshada Gobolka Mudug Mudane Deeq Shaaciye oo ku geeriyoday magaalada Gaalkacyo

Waxaan alle uga baryaynaa in Marxuumk alle u uu ku mannaysto Jannatul Firdowsa
naxariistiisana ku gallado, isla markaana samir iyo iimaan uu ka siiyo dhammaan , qoyskiisa iyo dhammaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodau .

Photos from Mamulka cayaraha gobolka mudug's post 16/12/2025

⚽️ TARTANKA KUBADDA CAGTA ISKUULLADA SARE – GAALKACYO ⚽️

Isu-duwaha Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha Puntlanda ahna Wakiilka Xiriirka Kubada cagta gobolka mudug iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug ayaa si rasmi ah u guddoonsiiyey License-ka Xilli-Ciyaareedka 2026–2027 Kooxaha Kubadda Cagta Iskuullada Sare ee Magaalada Gaalkacyo.

🏫 Tartanka waxaa ka qaybgalaya 12 Iskuul Sare oo buuxiyey dhammaan shuruudaha iyo habraacyada Xeerarka Kubadda Cagta Puntland.

📢 Ogeysiis Muhiim ah:
Xafladda Qori-tuurka (Draw) Tartanka Koobka Iskuullada Sare waxay:
📅 Dhacayso: 17/12/2025
📍 Goobta: Hotel Royal Sacad – Gaalkacyo
⏰ Waqtiga: 3:30 PM

🎯 Koobkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Xafiisyada Dhallinyarada & Ciyaaraha iyo Waxbarashada Gobolka Mudug, ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda caafimaadka jirka iyo maskaxda ardayda, iyo xoojinta isdhexgalka iyo wadajirka ardayda dugsiyada sare ee Gaalkacyo.

🤝⚽️ Isboorti + Waxbarasho = Mustaqbal Wanaagsan

15/12/2025

Wax ka jira ma jiraan Warkaan lagu daabacay Page- kaan Bulshada iyo Bahda Ciyaaraha waxaan kaga digaynaa in ay xogaha been Abuurka ah ee bogaha qaar lagu daabaco aysan ku kalsoonaan

Inta badana waxay raadiyaa Views si positive ahna waxay u shaaciyaan wax aan jirin aqoona sare uu ma laha Saxaafada iyo Shuruucdeedda (Journalism Ethics).

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Gaalkacyo