Xogta sports gado

Xogta sports gado

Share

kahadalka arimaha sports

Photos from Xogta sports gado's post 11/02/2026

Warbixin: Soo Gabagabeynta Wejigii Koowaad ee Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Degmada Baladxaawo

Waxaa si rasmi ah u soo gabagaboobay wejigii koowaad ee dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Degmada Baladxaawo, Gobolka Gedo, kaas oo ah mashruuc horumarineed oo muhiim u ah bulshada deegaanka, gaar ahaan dhalinyarada iyo ciyaartooyda degmada.

Mashruucan dhismaha garoonka ayaa waxaa lagu dhismayaa Barnaamijka Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, waxaa si wadajir ah u fulinaya Mshruucan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland iyo Hay’adda NIS Foundation, kuwaas oo iska kaashaday hirgelinta wejiga koowaad ee mashruuca. Ujeeddada ugu weyn ee mashruucan ayaa ah horumarinta ciyaaraha, dhiirrigelinta dhalinyarada, iyo abuurista fursado is dhexgal bulsho iyo nabad ku dhisan.

Wejiga koowaad ee dhismaha ayaa soo maray Marxalado kala duwan bilowgii dhulka dhismaha laga sameenayay ayaa waxaa ukuur galay Hawalwadeeno ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Wasaaradda dhlinyarada iyo ciyaaraha Maamulka degamada Balaxaawo iyo Msuuliyiin kale

Dhismaha Garoonkan ayaa waxaa doorwayan ka qaatay Gudoomiyaha degmada Baladxaawo Abdiasiis Xareed iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee degmada Baladxaawo oo dhulka lagu dhisayo Garoonka ay bixiyeen Bulshada degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Dhismaha ayaa waxaa diiradda lagu saaray hawlaha aasaasiga ah ee garoonka, oo ay ka mid yihiin diyaarinta goobta, hagaajinta dhulka, iyo hirgelinta kaabayaal muhiim ah oo saldhig u ah wejiyada xiga ee mashruuca. Hawlahan ayaa si guul leh ku dhammaaday waqtiyadii loo qorsheeyay, taasoo muujinaysa dadaalka iyo wada shaqeynta hay’adaha fulinaya.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Wasaaradda dhlinyarada iyo Ciyaaraha iyo Hay’adda NIS Foundation ayaa si wadajir ah u sheegay in dhismaha garoonka uu sii geli doono wejigiisa labaad, kaas oo la filayo in lagu dhammeystiro qaybaha harsan sida hagaajinta tayada garoonka, dhismaha kuraasta daawadayaasha, iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah garoon casri ah.

Ugu dambeyn, mashruucan ayaa loo arkaa mid wax weyn ka tari doona horumarka isboortiga Degmada Baladxaawo, isla markaana gacan ka geysan doona kobcinta kartida dhalinyarada, yareynta firaaqada, iyo xoojinta midnimada bulshada.

14/01/2026

WAR WEEN IYA GUL WEN

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa Mudane Ciise Aadan Abshir u magacaabay inuu noqdo Lataliyaha Horumarinta Isboortiga Gobollada.

Magacaabistan waxay ka mid tahay dadaallada wasaaradda ee lagu xoojinayo horumarinta isboortiga dalka, gaar ahaan heer gobol, si loo kobciyo ka-qaybgalka dhallinyarada, loona abuuro fursado isboorti oo ay u siman yihiin dhammaan gobollada.

Lataliyaha cusub ayaa door muhiim ah ka qaadan doona talo-bixin, qorsheyn iyo isku-xiridda barnaamijyada horumarinta isboortiga ee gobollada, isagoo ka shaqayn doona horumarinta kaabeyaasha isboortiga iyo tayeynta fursadaha dhallinyarada.

Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa Mudane Ciise Aadan Abshir guul iyo shaqo miro-dhal ah.

⚽🇸🇴


05/12/2025

Mamulka Sportiga Degmada Garbaharey iya bahda sports dagmada rugcadayasha iya waliba bulshada xiseysa kubada cagta aya aad ugu qeb qadan haya tartanka ka socda casimada gobalka gedo ee garbaharrey

Tartankan aya maraya gaba gaba waxana isku so haray 6 koxod oo 3 kamidah haystan horyalka dagmada ama ku gukeysten kobab badan

Aragtida bulshada ku xiran pegka Xogta sports gado ayan weydineyna cidii aay isleyahin wayqadi karta amaba ugu cad cad

Halkan waxanka bogadineyna gudomiyah sports iya gudigisa oo haya shaqa adag aadna u qurax badan

Whatsapp+252619319674
Waxii muqala ah iya xog ku sabsan sports gedo hadii aad haysa nala wadag si an ugu fal celina

04/12/2025

Maanta waxaan ka qeybgalnay anago iskugu jirno xubno Rugcadayaal sports ah Daahfurka carwo cusub ee laga furay Degmada Balled haawo ee Gobolka Gedo

waxaan u mahadcelineyna mulkiilaha carwada Gedo sports saxiibkey Abdiqadar Shueb Ibrahim oo juhdi ku bixiyay sidii uu dhalinyarada sportska uga baahi tiri laha baahi dhanka agabka sports ah oo lo'dirsan jiray caasimadaha kenya iyo soomaaliya maanta waxay noogu imaaday Gobolka Gedo mulkiilaha iyo dhamaan dhalinyaradii fakirkaan laha waxaan leenahay mahadsanidiin

Ugu dambeyn waxaan u mahadcelinayna dhamaan dhalinyarada sportska ahaa oo kakala imaaday mandhera iyo Dollow
Gudoomiyaha sportska Degmada Dollow sxbkey Diiriye macalinka Degmada Abdi Kani Sh Hussein qabiirka

Gudoomiyaha sports Degmada mandhera liibaan yahye macalinka Gobolka macalin kamaal DJ Derow Production sxbkey iftiin macalin bashka waxaan idinleeyahay mahadsanidiin

Agaasinka xaflada waxa kaalin weyn ka geestay Gudoomiyaha sportska Degmada Axmed Cagayare Cagayare iyo dhamaan xubnahaan

Jamaal Kariye Abdi
Farde
Harun Dhaqane
Tutale Ali Tutale
Striker Baariga
Maanka Ina Muxumed Cabdi
Abdifatah Yussuf Hussein Osman
Ugaaska Beesha
Mohamed Abdi Adan
Bishar Mohamed Maalim
Sharaf iyo karaamo mahadsanidiin

GEDO SPORTS tag oo fananad ama kabo kaso gado hadii aadku darsan kartana kasii fiican

14/11/2025

Sida ka muqata muqalka hos yala aya laga diday koxda elman in lasiya rigora ama golkulad waxayna kentay buq iya in ciyarta istagta

Inta ka dib waxa arinkii galay oo dhamey dhalanyarada iya waxgaradka sports dagmada

Halka dorka ugu muhimsan ay qaten koxda Elman oo tana sushay sona qortay qoral wen oo kox wen moye koxkala qori karin wana sababta ay u tahay kox wen

Dhaman koxah ka ciyara gobalka gedo waxan lenahay markuu yimada qalad noacan ah intii uu bur buri laha tartanka fadalan hala isku tanasula

Sidan waxa luqu qoray boga rasmiga ee koxda

ELMAN oo ka dhisan dagmada baladxaww

Bismilaahi !

Ugu horayn Alle ayaa mahad oo idil u sugnaatay kadib waxaan mahad gaar eh siinaynaa maamulka Degmada oo u horeeyo Gudoomiyaha Degmada Mudane Shire Abdullahi Keynaan Iyo Maamulkiisa oo idil sida wanaagsan ay cabashadanada u dhagaysteen nala garteen qaladaadkii Elman ay ka tabanaysay ciyaartii daraad aan la dheelnay dhigeena Booc booc.

Waxaan shaacinaynaa in aan u tunaasulnay Maamulka Degmada Legemada kooxda Elman, bahda isboortiska Iyo taageerayaasha in gabi ahaanba aan ku ahayn carqalad tartanka Degmada ka socda. Waxaan ka raali gelinaynaa dhamaan bahda jecel isboortiska hakadka ku yimid labada maalin tartanka kaliya waxaan dalbanaynay cadaalad balse ugu dambeen waxaan u turnay Degmada Iyo lexjeclo aan ka laheyn badbaadinta jiilka mustaqbalka uguna tanaasulnay xuquuqdeena. Mahadsanidiin.

Mahad Gaar Ah Jamaal Kariye Abdi🙌🤞🏻

Wabilaahi towfiiq.

08/11/2025

Ebed wa markii ugu horeysay oo dagmada baladxawa nagaso gara muqalka nocan ah

Sida naloo xaqiji aya shegaya in tartanka ka socda dagmada baladxawa uu yahay mid bulshada ayasan dawan karin sababa la xarira qoraxdo kulul iya xiliga la ciyaraya

Dadka qar aya ku dodaya in laqaroya waxa mesha ka socda oo ladidan yahay in bulshada ogata xaqiqada

Waxan kula dardarmeyna dagmoyinka kala inay ilaliyan bilicda sports gobalka iya tan dadweynah dawada kubada luguna Bega waqti ku habon oo ay dawan karan

Fikir ahan ma ku qurax badan yahay sida muqalka inkaga muqata

Waxa tartama ka bilaban raban

Dolow somali iya dagmada Luuq Football Association oo ah gobah ugu quraxda badan ee ka yimadan sawira iya muqala qurax badan

Halkan wa warsidah ugu wen gobalka kana hadla xogah sports ee ka jira gobalka

Pegka rukuma

06/11/2025

Cidlada ka muqata garonka waxa sababay 2 arin oo bulshada xiseysa kubada cagta aysan aqbali karin 1.wa coladii ka jirtay baladxawa oo wali waxad moda in samentedii ka muqata dagmada baladxawa 2.waqtiga lashegaya ee ciyarta labasaya oo ah 8sac malinima ayadoo lugu jira xili kulelka lugu qayasaya meshii ugu darned tasina waxay qeb ka qaday xamasada tartanka oo malaha wax dawasha ah

Farin kusocota gud aham mamulka sports dagmada iya masuliyinta kalaba

Waqtiga halugu dara oo ugu yaran 9 sac iya barka haloo garsiya walow wali kulushe

Waxana fila in arinkan watan raga tartankan dhigaya oo kabaxsan gobalka lkn rabitankoda mah in dhalanyarada lugu dirqiya waxay xamili karin ayado loga faideysana rabitanka ciyarta iya tartanka

03/11/2025

Dhaman bahda sports gobalka gedo iya koxah ka dhisan gud ahan dagmooyinka iya tuloyinka intaba waxan lene muqalada iya sawirada iya kobabka aad qaden nalaso wadaga si an ugu keydina pegka ugu afka dher gobalka

Whatsap 61 9319674 kuso adisa ama qebta farimah pegka

Koxda M.B.C ee ka dhisan degmada baladxawa waxay ka mid tahay koxah sida aadka loga hadal haya Dagmada baladxawa wana kox ku guleystay horyalka dagmada ayka dhisan tahay koxda M.B.C waxa somaray ciyrtoy aad loga yaqana gobalka iya gobalada dariska

Keydka Xogta sports gado 3/11/2025

28/10/2025

🎉 I earned the emerging talent badge this week, recognising me for creating engaging content that sparks an interest among my fans!

28/10/2025
09/10/2025

Hanbalyo mishinka qadka dhaxa ee ah xirfadlah ugu wanagsan gobalka gedo gar ahan hoyga kubadacagta ee Dagmada B/XAWA

Waxa si wen uguso if bixi haya tartanka xafada gobalka banadir ciyartoyda kaso jeda gobalka gedo wana hormar aay garen dhalanyarada iya koxah iskood isku dhisa

Gedo wajogan ciyartoy ee waxaysan haysan hayada ama mamulka jubaland iya jaliyad garab istagta sry

06/10/2025

Junior Najka Bowy waxuu ka mid yahay da yarta manta uso if baxday gobalka gedo

Natijada ciyarta ma qeymeyneyna lkn waxan qeymeyneyna tayada uu leyahay iya waxa laga rajen kara mustaqbalkisa

Waxa jira kuwa badan oo manta joga gobalka oo ku mashqulsan ina hebal iya rer hebal lkn asaga waxuu xoga saray xirfadisa waxuna qatay goanka ah kubiritanka bahada sports oo anan lahen qabil iya qof jecleysi

Waxa nugu qasbay inan arinkan qorna aya ah in dhalanyarada isku dubnadan hormarkana ayaga ka shaqeyan

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Garbahaarrey?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

GARBAHAREY
Garbahaarrey