❤️🔥🐎
Nugaal Horse Caring Firm
Nugaal Horse Caring firm wants to play a major role in caring for Somali horses as well as the preservation of their ancient history.
Sugaan Mug weyn iyo taariikhada fardaha Soomaaliyeed iyo soo nooleyntooda baa u taganahay 🐎🥰
#خيل
03/05/2022
Weriye
Farxadda Ciidul Fidriga iyo faradaha maxaa ka cajiibsan
Ciid wanaagsan 🥰
📍 Goobtu Waa Shuxle Park Garowe
#خيل
02/05/2022
Maalinta Koowad Ciidul fidriga iyo Fardaha Xarunta, waxaad ka heli karaysaa beerta Shuxle Park
Farxad ku ciid 😍
01/05/2022
Xaruntu waxay idinku diyaarisay Beeerta Shuxle park maalmaha ciidul fidriga fardo Nagala soo qeyb gal oo kula dabaa dag ciyaalka iyo xaafadda.
15/04/2022
FARDAHA
Waayadii h**e Farduhu waxay soomaalida u ahaayeen Noolaha ugu qiimaha badan ee ay dhaqdaan, Qaddarin iyo qaayo gooniya ayay agtooda ku lahaayeen, hoygooduna wuxuu ahaa Nugaal oo ay aad ugu dhaqnaayeen haddana way ku dhaqan yihiin, 100kii sano ee ugu dambeeyay dhaqashadii fardaha ee soomaalida waxa ku yimid hoos u dhac aad u weyn, booskoodiina waxaa baddelay Gaadhi.
Dhawr siyaabood oo kala duwan ayaa fardaha loo dhaqan jirey waxaana ka mid ahaa; gaadiid ahaan, xarrago ahaan, iyo in loo adeegsado gulufka iyo dirirta oo waxay ku jireen halka maanta ay innoogu jirto baabuurta gaashaamani.
Sida la sheego bulshada soomaalidu Fardaha ay dhaqato waxaa loo qaybiyaa siddeed qaybood oo kala ah;
-Xamar
-Ashkir
-Bullaale
-Caynab
-Boosaaq
-Qaaje
-Addin-gaab
-Baroor
Gabaygan soo socda waxaa tiriyey Abwaan Faarax-afcad mar uu Carra-Nugaaleed faras usoo doontay, dadkii uu u yimid si wacan bay nugaal ugu qabteen, markuu dantii uu u socday u sheegay intay gobannimo ka qabeen goor subaxa ayay dhammaan fardihii meel isugu keeneen una sheegeen inuu ka xusho Faraska uu rabo.
Halkaas ayuu ka mariyey gabay waayadii dambe caan noqday oo uu ku sheegay siddeedda nooc ee fardaha soomaalidu u qaybsamaan, isagoo gabagabada gabaygana ku xusay faraskii uu rabay iyo Astaamihiisa wuxuu yidhi :-
Nin ugaadhsadaa Xamarka jecel orod dambeedkiise;
Usha iyo dhawaaquu sugaa yuusan ii imannin
Ashkir orodkii waa maalintuu oofa-weyn yahaye;
Ololaha nin jecel baan ahee yuusan ii imannin
Bullaale af-adayggaan ku nacay aar hasoo rido'e;
Niman urursan buu kuu gashaa yuusan ii imannin
Ma irdhaysna oo Caynab waa faras ogaadeene;
Oday baa ubada loo sudhaa yuusan ii imannin
Hadduu oomo Boosaaq naftay kala dhaqaaqaane
Oroorkii maqnaa kuguma simo yuusan ii imannin
Qaajaha indhaha diiran lihi waa inkaar qabe'e;
Oodda iyo qodaxda kuma socdee yuusan ii imannin
Addin-gaab arooryada horuu igigif leeyaaye;
Uur-yacay abaar k**a baxe yuusan ii imannin
Afar-midable uurkiyo fankiyo adhaxdu weynaatay
Isha waxaan la raacaa fardaha kan u itaal roone;
Oogada madoobow Baroor ubaxa ayaan dooni.
WQ: Axmed Soomaali, Buuhoodle.
Biciid
09/04/2022
Galabta iyo 😍
#خيل
🐎❤️
#خيل
Misabku waa Bulley Madaw ❤️ goobtu waa Garowe iyo xarunta xaananyta fardaha Nugaal
29/01/2022
Caynab 🖤🐎🔥
Nugaal Horses ❤️
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Telephone
Website
Address
Garoowe