11/05/2026
“Waxaan si bilaash ah tababaro ugu qabannay in ka badan 200 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku kala sugan qeybaha kala duwan ee dalka. Tababaradaas waxay diiradda saarayeen Project Management, leadership, planning, iyo xirfadaha maamulka mashruucyada.
Ujeedadeennu waxay ahayd inaan dhalinyarada ku taageerno aqoon iyo xirfado casri ah oo ka caawin kara horumarinta shaqsiyadooda, shaqooyinkooda, iyo bulshada ay ku nool yihiin.
Waxaan aaminsanahay in dhalinyarada la siiyo aqoon iyo tababar tayo leh ay tahay furaha horumarka iyo mustaqbal wanaagsan.
27/04/2026
Tahriibku waa dhibaato weyn oo qalbi jab iyo murugo badan reebta. Dhalinyaro badan ayaa ka taga hooyadood, aabahood, walaalahood, iyo dalkoodii iyagoo rajeynaya nolol ka wanaagsan tan ay haystaan. Laakiin safarka tahriibka marar badan wuxuu isu beddelaa xanuun, cabsi, iyo geeri lama filaan ah.
Waxaa jira hooyooyin habeen walba ilmaynaya oo aan ogeyn halka uu marayo wiilkoodii ama gabadhoodii. Waxaa jira aabayaal qalbigoodu jabay oo hantidoodii iibiyey si ay ubadkooda u diraan, balse ugu dambayn maqla geeri ama xabsi. Dad badan ayaa ku hafanaya badda, qaarna saxaraha ayay ku dhintaan iyagoo harraad iyo gaajo la ildaran. Qaar kale waxaa lagu hayaa meelaha dadka lagu dhibo, laguna jirdilo si lacag looga qaato ehelkooda.
Murugada ugu weyn waa marka qoys dhan uu sugayo wicitaan farxad leh, balse uu kusoo boxo war madow oo sheegaya in wiilkoodii ama gabadhoodii la waayey ama geeriyooday. Xilligaas farxaddii guriga waxay isu beddeshaa oohin iyo murugo aan sahal ku dhammaan.
Tahriibku ma aha safar keliya, waa halis qaadata riyooyin badan, waana murugo ka tagta qoysas badan. Waxaa muhiim ah in dhalinyaradu fahmaan in nolosha lagu dhisi karo sabir, waxbarasho, iyo shaqo sharaf leh halkii nafta halis loo gelin lahaa.
Sidee loga bixi karaa dhibatadas?