22/11/2023
Xikmadihii imaamu Khazaali
Alle wuxuu shan barbardhigay shan kale
1: Cissiga Alle wuxuu garab dhigay daacadda, qofkii cissi raba daacadda ha ogaado.
2: Dulliga Alle wuxuu garab dhigay macaasida, qofkii macaasi sameeya dullinimo diyaar ha u noqdo.
3: Haybada Alle wuxuu garab dhigay Salaatu-laylka, qofkii haybad rabaa Salatu-laylka ha ogaado.
4: Xikmada Alle wuxuu garab dhigay calool madhnaan, qofkii xikmad raba ha ogaado gaajada.
5: Qanaacada waxaa la garab dhigay qaninimada, qofkii Alle qanaaco siiyo waa qani.
05/09/2021
Sheikh Mustafe "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib"
27/05/2021
Garowshiyo waa Sad waayeel maahmaahdan macnaheedu waa : in qofka oo eedda loo soo jeediya qaata ee ka garaaba, xaal iyo xumaynna ka bixiya ayaa qofka waxgaradka ah ku qancaa oo xitaa qaar ka mid ah xaqii uu helay saamaxa.
Mohammed Abdullahi Farmaajo waa madaxweyne leh sifooyin hoogamineed.
Dek Omar
24/05/2021
Kibirku waxa uu ka mid yahay ficilada xun ee dadka kaa fogeeya isla markaana ay kugu nacaan ee ka fogoow, Aadamigu waxay jecel yihiin inay weheshadaan basharka naxariista badan ee qiimeeya.
Dulqaadka iyo inaad xanaaqaaga hakiso waa geesinimada, inaad naftaad hanato wakhtiga lagu xumeeyo ee aan waxba laguu reebina waa dhiiraan iyo kalsoonidaada aan xad lahayn.
Inaad miisaanto oo macno u yeesho isla markaana aad maamuli karto oraahda carabkaaga waxay ku soo jilaabaysaa inay badato qiimaha aad bulshada ku dhex leedahay.
Waayo ma jiro dhib ka weyn hadalka xun waana ka collaadda iyo xiqdiga abuura. Waxaana inagu filan xadiiska Rasuulka Allah (scw) “Qofkii Allah iyo maalinta qiyaame rumeeyay haku hadlo khayr ama ha iska aamuso”.
Inuu qofku noqdo mid niyad samaan ku nool oo wax kasta ka eegaya dhinaca wanaagsan ayaa inta badan sabab u noqda inuu qofku hadafkiisa gaaro oo uu guulaysto, shakiga, xasadka iyo xumaan sheegu nasiib uma helo guusha, waxaana uu wehel u yahay werwer iyo walaac noloshiisa.
Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.
28/03/2020
A.Nouri oo ugu danbayn soonaaxay
Waa ilahay mahadi ,waa wiil reer marocco ah wuxuu ku haminayay inuu kubada cagta horumar kagaaro.
Usoo ducee wllka muslimka ah hada xaladiisa sidii h**e waydhanta.