20/03/2026
Waxaa si rasmi ah noogu soo dhammaaday tartankii isdhexgalka dhalinyarada ee xaafadda New Power Ramadan Cup, oo ahaa tartan si wanaagsan loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen kooxo kala duwan. ⚽
Ciyaartii final-ka waxaa fooda is daray labada koox ee kala ah Napoli FC iyo Horseed, waxaana ugu dambeyn koobka ku guuleystay Horseed kadib markii ay ku qaadeen rigoorayaal, ciyaar aad u xiiso badneyd kadib.
Xafladdii xiritaanka waxaa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan, saraakiil ka tirsan Dowlada Puntland iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo si weyn u dhiirrigeliyay dhalinyarada.
Ugu dambeyn, tartankan wuxuu noogu soo dhammaaday si qurux badan, isagoo muujiyay wadajirka, kartida iyo horumarka dhalinyarada xaafadda New Power.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan kooxaha, ciyaartoyda iyo taageerayaasha ka qayb qaatay guusha tartankan. 🏆⚽
25/02/2026
Shalay oo ay taariikhdu ahayd 24/2/2026, waxaa si rasmi ah noogu furmay tartanka xiisaha badan ee Ramadan Cup, oo ah koobkii sanadlaha ahaa ee ay soo qabanqaabisay New Power, kana furmay Garoonka Puntland Stadium.
Kulankii furitaanka waxaa fooda is daray labada koox ee kala ah:
Napoli FC 🆚 Caanakadhan
Ciyaar aad u xiiso badan kadib, Napoli FC ayaa 4–2 kaga badisay dhiggeeda Caanakadhan, waxaana ay ku bilaabatay tartanka 3 dhibcood oo muhiim ah.
Waxaan rajeyneynaa in tartankani si qurux badan inoogu socdo, uguna soo dhammaado jawi tartan iyo isxushmad leh.
Sidoo kale, waxaan Alle uga baryeynaa walaalkeen
Abdiqani Mohamud Abdullahi (Qoryood)
oo ku sugan dalka Liibiya, inuu hamigiisa u rumeeyo una sahlo himiladiisa.
Dhamaad
21/02/2026
🏆 New Power Ramadan & ramadam Cup 2026!
Sanadkan, tartanka New Power Ramadan Cup oo qeyb ka ah Koobka Sanadlaha ah ee xaafadda New Power, sanadki 4-aad, ayaa la qaban doonaa!
⚽ Kooxaha ka qeyb galaya: Dhalinyarada xaafadda oo dhamaantood xiiso u leh tartanka
🎯 Rajada: Tartanku inuu si qurux badan u furmo, u socda, uguna dhammaado hab sharaf leh
💥 Ujeedada: Dhalinyarada isku xira, ciyaar wacan iyo madadaalo la wadaago
🎉 Ku soo biir, la daawado, oo la madadaasho!
29/03/2024
Caawa waxa laciyaraya kulan ka tirsan Tartanka ramadan Cup waxana ciyaraya labada koxood ay kala matalayan labada macalin ee kooxda
•Team fiyaato waxa hogaminaya macalin cabdulahi guulwade Waxeyna Haystaan fursad ay uga bixi karan Group stageka
•Team holac waxa hogamaniye macalin ahmed amalle Waxeyna u bahan yhiin iney badiyaan si ay uso nolaato rajadodi Iney ugudban warega xigga
🚨:Team Fiyaato vs team Holac
🏟️:Fair pley stadium
⏰:22:00
Macalinke tageere u tahay habenka cawa ah?
Saadali kulanka intu ku dhaman karo❤️⚽
20/03/2024
Waxa si toos ah inoogu furmeyy koobki sanadlaha ahaa ee New power Ramadan Cup
waxana ciyarti ugu horeysey tartankas ciyarryy koxaha kala ah
Birjeex fc io Car ku dheg wxeyna guusha ku raacdey Team car ku dheg Waxana si hambsami leh u socda tartankas waxan rajeynayana inuu ogu so idlado si Qrux bdan ❤️⚽
31/01/2024
Waxan kulan safar ah la qadaney dhigeena Dowlada hosse ee qardho waxeyna kuso idlatey
New power 1___1 D/hosse Qardho
Waxana si nabad ah nogu so dhamadey kulankas
Waxaan so kabasho deg deg ah u rajeyneyna wllken marna lacibkeni Kamaal apdirisaq oo dhawac so garey lagula tacalayo magalada muqdisho waxay dhamaan kooxdu u rajeyneysa cafimaad deg deg ah
15/01/2024
Waxa noso dhamadey safarki waxana kooxdu kuso dhameystey safarki natijiyinkan
Newpowerfc 1️⃣vs 1️⃣Hilaac fc bosaado
Newpower fc 2️⃣vs 1️⃣Barwaqo fc bosaaso
New Power fc 1️⃣vs 1️⃣dawlada hoose Qardho
New Powerfc 2️⃣ vs 3️⃣X mexico Qardho
New Power fc 0️⃣vs 0️⃣maan deeq fc qardho
New Power fc0️⃣ vs0️⃣ calanlay fc Qardho
Waxana si nabad ah nogu so idlaadey safarkas ⚽️
Waxaan idiin rajaynayaa guulo intaa ka badan inaa gaadhaaan 🙏🇧🇱
⚽️🏆
06/01/2024
Waxan manta safari ku Tawney magalo Ganacsiyeedka bosaaso waxana nagu qabiley dhigeena Hilaac fc waxana kulan saxibtinimo kula ciyaarney dhigeena waxeyna kuso idlaatey
New power fc 1__1 Hilaac fc
Waxana nabad nogu so idlaadey kulankaas ❤️⚽️