17/12/2024
Garowe: December 17, 2024: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa daahfurey Tababarka ku saabsan u qareemidda iyo Daadejinta maalmulka Maaliyadda Dowladaha Hoose ee Puntland, kaas oo ay ka soo qaybgaleen 36 Degmo.
Tababarkaan oo socon doonaa muddo 3 Beri ah yaa waxaa looga hadli doonaa Maamul Baahinta iyo Adeeg bixinta Dowladaha Hoose ee Puntland, u qareemidda Sanduuqa Horumarinta Degmooyinka.
Sidookale, waxaa looga hadli doonaa dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Mideynta cashuuraha kala duwan ee Dowladdaha Hoose ee Puntland.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday Golaha Xukuumadda, Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee laga qabtay Doorashada hal Qof iyo hal Cod.🇸🇱🇸🇱🇸🇱
06/12/2024
Gaalkacyo: 06 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor, oo safar kusoo gaaray degmada Gaalkacyo, ayaa saaka kulan la qaatay oo warbixin ka dhegaystay Guddiga Aaska Qaran ee Allaah ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii h**e ee Dowladda Puntland Senator , oo maanta lagu aasayo Gaalkacyo.
05/12/2024
Baarlamanka puntland oo ka doodaya tastuurka ay ku tumatay dowlada fadaralka ayadoo baal martay tasturkii hishiska lagu ahaa 2012👏
04/12/2024
22Kun oo Neef oo Isugu Jira Adhi iyo Geel ayaa caawa waxaa laga dhoofiyay Dekada magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga Puntland .
Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo ganacsato ayaana goob-joog ka ahaa dhoofka xoolahan waxaana sida oo kale kulan casho ah loogu sameeyay gudaha Markabkan xoolaha qaadayay.
04/12/2024
GUDDIGA AASKA QARAN EE AHUN MADAXWEYNE KU-XIGEENKII H**E MAXAMED CALI YUUSUF (GAAGAAB)
Garoowe : 04 December 2024 : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Allaah ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii h**e ee Dowladda Puntland Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), oo 06-da (December) Maalin Jimce ah , 2024 , Hab Aas Qaran ah loogu aasi doono Gaalkacyo (Insha’aallah).
XUBNAHA GUDDIGA LA MAGACAABAY:-
1. Fu’aad Abshir Adeer: wasiirka Waxbarshada iyo tacliinta sare ee Dowladda Puntland- (Guddoomiye).
2. Maxamed Cabdiwahaab Axmed: Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Diinta (Xubin).
3. Cabdi Faarax Juxa: Wasiirka Arrimaha Gudaha,federaalka iyo dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland (Xubin).
4. Cumar Cabdisamad Yuusuf: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha (Xubin).
5. Axmed Sheekha Faarax: Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka (Xubin).
6. Cabdifataax Maxamed Cabdinuur: Wasiir Dowlaha Madaxtooyada (Xubin).
7. Xildhibaan Yaasiin Jaamac Cumar (Xubin).
8. Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame (indho-Ceel) (Xubin).
9. Xildhibaan Xareed Xasan Cali (Xubin).
10. Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland (Xubin).
11. Faysal sheekh Cali jifo-jabsade: Guddoomiyaha Gobolka Mudug (Xubin).
12. Maxamed Cabdirisaaq Warsame Daacad: Duqa Degmada Gaalkacyo (Xubin)
03/12/2024
: Alle ha u naxariistee, Madaxweyne ku xigeenkii h**e ee Puntland haatana ahaa senetar ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab) ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga.
fure gomey 🇸🇱
03/12/2024
Waxaa maalintii 2aad si habsami leh uga socda caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe shir weynaha 6aad ee deegaanka iyo isbeddelka Cimilada.
Shirkan ayaa ah mid muhiim u ah dalka iyo deegaanka, iyada oo ay ka qaybgelayaan goleyaasha dawladda, hay'adaha caalamiga, khuburo ku takhasustay arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada, sidoo kale waxaa qayb ka ah NGO-yada kala duwan ee gudaha dalka ka jira, wasaaraddana kala shaqeeya arrimaha deegaanka.
Waaxyaha ugu miisaanka culus ee gorfaynta shirku ku aaddanayd waxaa ka mid ahaa joojinta xaalufinta dhirta, ugaadha iyo ka hortagga isbeddellada cimilo iyo la jaanqaadidda isbeddelka dabeecadeed ee bulshada.
Shirka ayaa maanta waxaa uu u badanyahay dood cilmiyeedyo arrimahaas lagu xoojinayo.
🇸🇱👏
03/12/2024
WASIIRKA QORSHEYNTA OO KULAN LA QAATAY KHUBARADA SARE EE PUNTLAND
Garoowe: 02-Dec-2024: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland Mudane Daa'uud Maxamed Cumar ayaa kulan la tashi ah la qaatay qaar kamida khuburada sare ee Puntland.
Kulanka waxaa looga wada-hadlay sidii khubaradu talo iyo tusaale ugu biirin-lahaayeen diyaarinta Qorshaha 4-aad ee Horumarinta Puntland (Puntland Development Pland4) oo dhawaan Wasaaradda Qorsheyntu daah-furtay.
Kulanka oo ay Wasiirka kala qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo saraakiil Wasaaradda katirsan waxaa goob-jooga ahaa khubarada kala ah:
1. Dr. Ali Abdullahi Warsame
2. Prof. Mohamed Said Samatar
3. Drs Hodan Said Isse
4. Dr. Ahmed Hassan Mohamed
5. Dr. Bashiir Sh. Mohamed
6. Dr. Abdinasir Jamal Warsame
7. Dr. Abdi Mohamed Dahir
8. Dr. Jama Warsame
9. Dr. Abdikarin Abdi Buux
Madaxda Wasaaradda Qorsheynta waxaa ka go'an tayeynta diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, waxayna fursad siinayaan cid walba cilmi, caqli iyo taloba ku dari karta horu-socodka hayaankeena dawladnimo.🇸🇱👍
02/12/2024
:- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Jubbaland ayaa digniin adag u dirtay shirkadaha diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya.