25/11/2025
Hayโadda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa qorsheynaysa inay fuliso howlgal gaar ah oo lagu dilayo madaxweynaha Venezuela , Nicolas Maduro haddii uusan toddobaadyada soo socda xilka ka degin , halka hayโadda sirdoonka dalka Cuba ee DGI ayaa dhankeeda diyaarisay koox gaar ah oo fulinaysa dilka Maduro, haddii uu iskudayo inuu isku dhiibo Mareykanka, xaaladan oo Maduro gelisay hurdo laโaan iyo inuu xataa mararka qaar seexdo meelo aan laga filaneyn,sida lagu sheegay warbixinno ay baahiyeen Axios iyo Telegraph.
Maxay u doonayaan labadan sirdoon dilka Maduro?
Dhab ahaantii dhibaato ayaa faraqa uga buuxda hoggaamiyihii hadallada adag ee ka dhanka ah reer galbeedka jeedin jiray ee Nicolas Maduro, kaasoo maanta u dhimanaya khayraadka dalkiisa oo ay doonayaan shirkadaha Mareykanka iyo Cuba oo doonaysa inay sii heysato maamulka shidaalka iyo khayraadka kale ee Venezuela.
Sirdoonka Cuba , ayaa muddo dheer gacanta ku haya ammaanka Venezuela, waxayna tababbaro siiyaan ciidamada kala duwan ee dalkaa oo ay xataa ku jiraan saraakiisha gaarka ah ee ilaalisa Nicolas Maduro, sababtoo ah dhaqaalaha Cuba oo dhan ayaa ku tiirsan shidaalka iyo ganacsiga Venezuela , waa dal dhimanaya haddii Mareykanka uu gacanta ku dhigo, taa oo ah waxa ay u diidayaan Maduro inuu xilka ka d**o, haddii uu is dhiibana wuxuu Mareykanka la wadaagi karaa xogta Cuba oo ah dal shuuci ah oo cunaqabateyn dhinac walba ah wajahaya, balse heysta mid ka mid ah sirdoonnada ugu sarreeya ee Laatin Ameerika.
Iman Jama
24/11/2025
SOMALIA : Dagaal beeleed sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca in ka badan 2 ruux ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Tuulooyinka Garaash & Moyko oo dhinaca Koofureed uga beegan Magaalada Jowhar Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Dagaalkaan oo ka dhashay Dhul-daaqsimeed, muranka oo dheeraaday kaddib waxa uu sababay gacan ka hadal galaaftay nolosha mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa sida ay Warbaahinta u sheegeen ilo kala duwan.
Ciidan katirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxa ay kaashanayaan Odoyaasha dhaqanka labadaan beel si loo helo xabbad-joojin kaddibna looga wada hadlo wixii dhacay iyo qaabka loo xalin karo.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa Gobollada Dalka ka dhacayay Dagaallada Beelaha la xiriira oo sababay dhimasho iyo dhaawac, xiisaddaas ayaa sidoo kale abuurtay cabsi ay muujinayaan dadka ka madaxbannaan dhinacyada dagaalamaya.
24/11/2025
WAR DEG DEG AH:Maxkamadda Darajada 1-aad ee degmada Gaalkacyo ayaa ku riday xukun dil ah Hodan Maxamuud Diiriye ina Xaawo Xasan 34 sano jir ah oo lagu helay dilka Saabiriin Saylaan Cabdille.
Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas ina Ardo Maxamed Cali 65 sano jir ah ayaa lagu waayay in uu dambiga dilka ah wax ka galay, balse waxaa lagu helay dacaayad masuuliyadeed waxaana lagu xukumay 1 sano oo xarig ah & Ganaax lacageed oo dhan 500 Dollar.
24/11/2025
DEGDEG:Gabilay - Taliyihii qaybta oo xilkii laga qaaday iyo Gaashanle Sare Yaasiin Maxamuud oo xilkaasi loo magacaabay .
23/11/2025
๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐
๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐๐จ๐๐๐ซ ๐ฅ๐จ๐จ ๐๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ซ๐ค๐๐๐ฅ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐ก๐-๐๐๐ซ๐ซ๐ข๐ ๐.
โฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ
๐๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐, ๐๐ ๐๐จ๐ฏ๐๐ฆ๐๐๐ซ ๐๐๐๐ โ{๐๐&๐๐๐ก}-
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ๐๐. ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ง, ayaa maanta u furay tabobar socon doona muddo afar cisho ah 56 sarkaal oo ka kala yimid xafiisyada Cashuuraha-Berriga ee gobolka Maroodi-Jeex.
Tabobarkan ayaa inta uu socdo waxa lagu baran doonaa mawaadiic muhiim u ah shaqada canshuur-ururinta iyo hufnaanta maamul, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
โ ๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐ก๐ ๐๐ข๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฅ๐๐๐๐ญ๐ (๐๐๐)
โ ๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐
โ ๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ ๐๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฅ-๐๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ค๐
โ ๐๐ง๐ฌ๐ก๐๐ฑ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐๐๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐๐-๐๐ก๐๐ช๐๐ง๐ค๐ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐จ
โ๐๐๐๐ซ๐๐๐๐ฒ๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐๐ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐ฅ๐ ๐ฅ๐.
โ ๐๐ฒ๐จ ๐๐ฅ๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐
Tabobarkan waxa si wadajir ah u fulinaya
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ iyo ๐๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐ (๐๐๐ซ๐ข๐๐๐ง ๐๐๐ฏ๐๐ฅ๐จ๐ฉ๐ฆ๐๐ง๐ญ ๐๐๐ง๐ค),
kuwaas oo is ka kaashaday sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda hawl-wadeennada cashuuraha berriga.
Agaasimaha Guud oo furitaanka tabobarka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Baanka Horumarinta Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wasaaradda, isaga oo tilmaamay in tababarkani qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo dakhliga dalka iyo tayeynta shaqaalaha.
Wuxuu xusay in si loo helo nidaam cashuureed oo casri ah ay muhiim tahay in shaqaalaha lagu dhiso aqoon iyo xirfad ay ku shaqeeyaan si hufan, kuna hoggaansamaan shuruucda iyo nidaamka dowliga ah.
Tabobarku waxa uu socon doonaa muddo 4 maalmood ah, waxaana la filayaa in uu wax weyn ku soo kordhin doono fahamka iyo waxqabadka saraakiisha iyo shaqaalaha ka shaqeeya cashuuraha berriga.
=๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ป๐๐๐๐๐๐=
๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐/๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐ญ๐
๐ : ๐๐ฅ๐ฆ๐จ๐.๐จ๐ซ๐
๐ง : ๐๐ง๐๐จ@๐ฌ๐ฅ๐ฆ๐จ๐.๐จ๐ซ๐
โ๏ธ : ๐๐๐๐
๐๐ก๐๐ญ๐ฌ๐๐ฉ๐ฉ: +๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐