22/01/2026
إنا لله وإنا إليه راجعون
Maamulka, Macalimiinta iyo Ciyaartoyda kooxdu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii, asxaabtii iyo dhamaan bahwaynta ciyaaraha dalka ee uu ka baxay walaalkeen oo maalmihii u dambeeyey xaalad caafimaad u joogay dalka Itoobiya.
Waxaanu tacsi gaar ah u diraynaa Kooxda Kubadda Cagta Ciidanka Asluubta
oo uu ka mid ahaa ciyaartoydeeda.
Allow Jannooyinkaaga ku casuum Xamse... Aamiin Aamiin 🤲🏼🤲🏼🤲🏼
24/12/2025
Waxa inaga dhaxeeyaa kubbad ka wayn
Ahmed Hindi 🫶 ❤️
24/12/2025
Maanta iyo sagootintii Ahmed Hindi iyo garoonka
Yaan loo kala maqnaan
21/12/2025
Maamulka, Macalimiinta iyo Ciyaartoyda kooxda wasaaradda horumarinta maaliyaddu waxay si xushmad iyo qadarin leh halkan kaga sagootinayaan xiddigii kooxda "Ahmed Hindi" oo maanta si rasmi ah uga wareegay kooxda.
wuxuu astaan u ahaa akhlaaqad wanaag, ixtiraam, dulqaad iyo cibaado wanaag, taasi oo uu kaga dhex muuqday dhalinyarta asaagii ah.
Kooxda wuxuu ku sugnaa muddo ku dhow 10 sano, wuxuuna kooxda la soo qaatay waqtiyo badan farxad leh iyo kuwo kale oo murugo lahaaba.
Waxaan u rajaynaynaa khayr iyo wanaag badan.
👋
Kooxda Kubadda Cagta ee W/Maaliyada
26/07/2025
Waxa sharaf wayn noo ah in aanu kulan soo dhawayn ah u samayno walaal oo wadanka dib ugu soo laabtay.
wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii caasimadda iyo gobolka Maroodi-jeex ee taariikhda wayn kaga tagay garoonka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Waxaan ilaahay uga baryaynaa in uu caafimaad taama siiyo walaalkeen
Kooxda Kubadda Cagta ee W/Maaliyada
11/07/2025
Iinsha allah guul inaga wada farxisa Kooxda Kubadda Cagta ee W/Maaliyada iyo dhamaan taageerayaasha Team ka W.H.M
01/07/2025
Iinsha allah bar bilaw fiican iyo guul inaga wada farxisa dhamaanteen Kooxda Kubadda Cagta ee W/Maaliyada