05/08/2025
Gudoomiyaha Xidhiidhka Feedhka Somaliland Muddane, Cabdirisaaq Faysal Ciise Ayaa si rasmi ah u soo xidhay tartanki Miisaanka Dhexe ee Degmooyinka caasimada Hargeisa oo finalki ay is kugu yimaadeen Degmada Ibraahim Koodbuur iyo Degmada 26 June, waxaana guushi halkaas ku raacdey Degmada Ibraahim Koodbuur.
Gudoomiyaha Abdirisaaq oo halkaas ku gudoonsiiyay abaalmarinti Suunka Tartanka (Boxing Belt) Feedhyahanki ku guulaystay ee ka socday Degmada ibraahim Koodbuur Muddane Naasir Kayze.
14/07/2025
Qeybta 1aad ee sawirada furitaanka Tartanka Xidhiidhka Feedhka Somaliland ee degmooyinka Hargeisa.
Hargeysa, 14ka july 2025
14/07/2025
Natiijada Tartanka Feedhka: Xasan Saleeban oo ka socday Degmada 26 Junne Da'diisuna tahay 20 jir ah ayaa ka badiyey Xamse Cumar oo ka socday Degmada Gacamo Dheere Da'diisuna tahay 25 jir.
13/06/2025
Sawiradi Xaflada Furitaanka Tobabarka.
11/06/2025
OGAYSIIS: TOBABARKA FEEDHKA
Xidhiidhka Feedhka Somaliland waxa uu si xushmad leh ugu dhawaaqayaa tababar gaar ah oo loogu talogalay dhalinyarada xiisaynaysa ciyaarta feedhka, wiilal iyo gabdho labadaba.
Ujeeddada Tobabbarka:
In la siiyo dhalinyarada fursad ay ku bartaan xirfadaha aasaasiga ah ee ciyaarta feedhka, kor loogu qaado kartidooda jidheed iyo maskaxeed, iyo dhiirrigelinta ka qaybqaadashada ciyaaraha isboortiga ee Somaliland.
Faahfaahinta Tobabbarka:
π Goobta: Qantara Charity Organisaton
π
Taariikhda bilaabashada: 12-June-2025
π Waqtiga: 4:00 Casarnimo
π― Da'da loo oggol yahay: 19β 30 sano
π§₯ Labiska: Dharka isboortiga Feedhka oo xarunta yaalla.
Faaβiidooyinka Ka Qaybgalka:
1. Tababbarka oo bilaash ah
2. Tababbarayaal aqoon sare leh
3. Qalab feedh oo la heli karo
4. Shahaado la siin doono dhammaan ka qaybgalayaasha dhammaysta tobabbarka
Sida Loo Isdiiwaangeliyo:
Fadlan la xidhiidh xarunta Xidhiidhka Feedhka Somaliland ama wac lambarka: 4224965.
Tobabbarkani waxa uu furan yahay dhammaan dhalinyarada leh rajo iyo rabitaan inay horumariyaan xirfadooda feedhka.
Ka faaβiidayso fursaddan dahabiga ah!
23/04/2025
Xafladii Xadhig ka jarka Xarunta Qantara Charity Organization oo uu Maanta furay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Muddane Ahmed Yaciin aad iyo aad ayaan uga mahad celinaya in dalka laguso kordhiyo Xarun lagu baran doono feedhka isla markaana lagu qaban doono Tartamada kala duwan ee Feedhka. Waxaan sido kale aad ugu mahad celinaya ππ¬π¬ πππ«ππ₯π’π§π oo ah Maamulka ugu sareeya Xarunta ππππ π¨π Qππ§πππ«π.