Ibnu Xamse Yare

Ibnu Xamse Yare

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ibnu Xamse Yare, Sports, Magaaladaburco, Hargeisa.

20/09/2021

Xasan Xundubey, Wasiirkii Amniga Soomaaliya ee xilka laga qaadey, waxaa uu sheegay in Masar iyo Imaaraadka oo ay dhaqaale ka dooneysay dawladda Soomaaliya ay tahay sababta keentay xil ka qaadistiisa.

AKHRI QORAAL DHEER OO UU FAAFIYAY XUNDUBAY.

■XUNDUBEY & ROOBLE!
■MASAR & IMAARAADKA!
■XOGTUNA WAA [HANTI] DADWEYNE, OO LAMA QARI KARO!

●Masar:
Ka dib: markii aan dareemay in dawladda Soomaaliya ay dhaqaala la'aan xoogani hayso, ayaan Rooble u tegay. Waxa aan ku iri: walaalow, dhaqaala la'aantaan kuma sii jiri karnee, aan Wadamada Carabta ee afartii sano ee la soo dhaafay aan wax dhaqaala ah oo muuqda na siin, aan albaabadooda garaacno! Carabtiina waa taas heshiisay oo arimihii Gacanka Carabtu waa iska dhamaadeene, yaanan kaligeen meel cidla ah iska fadhine!
Waxa uu igu yiri: waa yahaye, ka soo shaqeey. Waxa aan go'aansaday in aan Masar ka bilaabo. Waxa aan la hadlay rag furayaasha Masar in ay haayaan aan ogaay. Arinkii Masar waa laga soo shaqeeyay. Waana lagu guuleestay. Markii uu arinkii bislaaday, asaga ayaa toos ula xariiray oo waa na dhinac maray, hawshiina waxa uu u dhiibtay DAD ay isku JUFA yihiin!
Markii aan ogaaday AF-GEMBIGAAS, waan u tegay Rooble. Waxa aan ku iri: waaba arkaa dhaqankaaga, ee maxaad Masar ula tegi rabtaa? Waxa uu ii sheegay waxyaaba yaryar oo aan i qancin! Waxa aan ku iri: walaalow, dal walba waxa uu leeyahay dad fura oo ay xantamaan, kuna kalsoonyihiin, ee maad qof iyo laba ka wadatid dadka Masar fura, arinkana horay u soo bisleeyay? Waa uu diiday. Waxa aan mar dambe xog ku helay in markii uu Masar tegay lagu yiri: waxa aad rabto ma taqaanide, marka dambe noo imaaw adiga oo yaqaana waxa aad rabto!
Asaguna marna nalama wadaagin wixii uu socdaalkaas iyo kuwii kale ee faraha badnaa uu kala soo kulmay!
●Imaaraadka:
Markii uu fashiliyay arinkii Masar, waxa aan sii wadnay arinkii Imaaraatka, anaga oo reja ka qabna in uu is garan doono. Sidii h**e oo kale waxa aan ku guulaysanay in aan xariirkii Imaaraadka soo celino. Laba jeer ayuu Rooble la kulmay Danjiraha Imaaraadka Soomaaliya u fadhiya. Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliyana waa joogtay fadhiyadaas. Waxa aan ka codsanay Imaaraadka, in ay dhaqaale ugu deeqaan Dawladda Soomaaliya, waana ogolaadeen, wax SHURUUD ah oo ay nagu xireena ma jirin, oo aan ka ahayn in aan RAALI-GELIN ka bixino arimihii lacagta ee horay looga xayiray.
Markii hawshii leesku afgartay waxaa leesku raacay in aan anugu tago Imaaraadka oo aan gogol xaar u sii sameeyo, asaguna uu yimaado.
Habeenkii talaadada ee 07/09/21, ayaan aniga iyo Rooble balanay oo uu ila dardaarmay.
Hayeeshee, Rooble wuxa uu mar kale go'aansaday in uu AF-GEMBI kale sameeyo oo uu arinka u dhiibto Dad JUFADIISA ah, anigana uu DHABAR-JEBIN igu sameeyo.
Maalintii Arbacada ee 08/09/21, waa maalin kadib uun, markii uu ila dardaarmay, ayuu qaatay go'aan sharci dara ah oo uu leeyahay xiliki waa ka qaaday!
Waxa aan isku dayay dhowr jeer in aan la xariiro oo aan waydiiyo sida ay wax u jiraan? Marnaba Taleefan igama qaban, ilaa haddana isma maqal, hadii laga reebo dad waxgarad ah oo uu ii soo diray oo uu ku yiri: Xundubey igala hadla ee qoraalada ha joojiyo!
Intaa kadib: DADKII ay isku Jufada ahaayeen ayuu u diray Imaaraadka, si ay arinkii ula wareegaan!
Ma aqaano halka arinkaasi ku dambeeyay! Asaga - waa Rooblee - ayaa laga rabaa halka uu arinkaasi ku dambeeyay!
Sida lawada ogyahayna XOGAHA socdaaladiisa oo dhan cid JUFADIISA ka baxsan lama wadaago!
Sida wax u dhaceen oo kooban waa sidaas.

■Xogtuna waa HANTI dadweyne, oo lama qari karo!

20/09/2021

Caasimada somaliland oo rooban galabta

15/09/2021

Wasiirkii h**e amniga xundubey oo sheegay cida ka danbeesay dilkii ikraan tahliil

15/09/2021

Cabdi qaybdiid dib ma udooran lahaydeen soomaliyey

13/09/2021

Shiikh umal oo kamida culumada soomalida ee waaweyn ayaa qaliin galay fadlan aynu uwada duceeno in ilaahay caafiyo shiikheena

13/09/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Photos from Ibnu Xamse Yare 's post 05/09/2021

Xulka arjantine ayaa garoonka iskaga dareeray kadib markii muran adag ka dhashay ciyaarta markii ay socotay 10 daqiiqo

Hasa ahaatee Kulanka Brazil vs Argentina waxa loo joojiyay in booliska Brazil gudaha garoonka usoo galeen si ay u kaxeeyaan 4 cayaar yahan oo ka been sheegay in karantiil gelida Covid 19 waraaqo been abuura dalka Brazil kusoo galen

Booliska waxay leeyihiin wasarada caafimadka ayaa amar nagu siisay inaan afarta cayaartooy garooka kasoo ka xeeno waana mida keentay in buuqa xoogan meesha ka dhasho dabadeed ugu danbeyntii la kansalo cayaarta

Bal aan aragno waxa soo kordho.

05/09/2021

Xulka egland ayaa 3 gool ku badiyey caawa

05/09/2021

Culumadeena alle ha inoo barakeeyo

05/09/2021

Gobolka hayland

26/08/2021

Nabi Muxammad N.N.k.h ayaa laweydiyey❤ Dadka kee ugu baqiilsan wuxu yiri waxaa ugu baqiilsan Qofkii Saligeyga maqla igu Salin❤ Waayo wllyl caawa waa jimcee igula Saliya❤ Rasuulka Suuba salalahu calayhi wasalam❤

26/08/2021

MAXAMED C/WAHAAB MA SHEEKH QUDHA AYUU AHAA?

Taariikhyahanka Wahaabiga ah ee la yidhaa Cismaan ibnu Bishar, ayaa isaga oo ka hadlaya Sheekha yidhi:

“Sheekhu Waxa uu ahaa qofka colka duulaya diyaariya, sahankana dira” عنوان المجد، 1/91

Xagga ay ku duuli jireen colkaasi ma is weydiisay? Ma dad muslimiin ah bay ahaayeen mise dad gaalo ah?

Mar kale wuxu ina leeyahay.

“Sheekhu wuxu dadka ku amray kuna boorriyey in jihaad la galo. Hadalkii Sheekhana sidiisii baa loo qaatay. Ciidankii ugu horreeyey ee duulay waxay soo bililiqaysteen qaar reer miyiga ka mid ah, iyagoo nabad qabana way soo noqdeen” عنوان المجد، ج1 14- 15

Reer miyiga la soo dhacay ee la soo mooro-duugay miyaad garanaysaan Muslim iyo Gaalo mid ay ahaayeen?

DILKII CISMAAN BINU MUCAMMAR - AMIIRKII CUYEYNA.

Waxa dhacdadan si faahfaahsan u qoray Ninka la yidhaa Xuseen ibnu Qannaam, oo Maxamed binu Cabdiwahaab Arday u ahaa.

[[Markay korodhay dhibtii Cismaan ku hayey Ehlul-Tawxiidka ee uu caddaystay cadaawada uu u qabo, gacan-saarna uu la yeeshay kooxaha lunsan. Markii Sheekha ay u cadaatay in wararkii laga soo sheegayey run yihiin, dadkiina ka soo cawdeen inay ka baqayaan inu Muslimiinta ku ballan-furo, ayaa Sheekhu wafti la joogay oo reer Cuyeyna ahaa ku yidhi “Waxan doonayaa inad BAYCO (Wacad) igula gashaan diinta Ilaahay oo aad xidhiidhisaan cidda dadkeeda xidhiidhinaya, lana collowdaan cidda la colka ah, xataa haddii uu yahay Amiirkiina CISMAAN.” Hawraarsan bay yidhaahdeen oo sidaas bay Wacadkii kula qaateen.]]

Ibnu Qannaam hadalkiisa wuu sii waday isaga oo leh:

{ Cismaan markuu arrintii ogaaday qalbigiisa argagax baa buuxsamay, waanu sii kordhiyey cadaawadiisii, shaydaankuna wuxu u qurxiyey inu Muslimiinta Hadimeeyo. Markii muslimiintu xaqiiqsadeen arrintaasi, waxa dilkiisa isla qaatay shaqsiyaad ay ka mid yihiin Xamad binu Raashid iyo Ibraahim binu sayid. MARKII SALAADII JIMCE LAGA BAXAY AYEY KU DHEX KHAARIJIYEEN (GAWRACEEN) MASAAJIDKA DHEXDIISA ISAGOO AAN KA KICIN HALKUU KU TUKADAY} تاريخ النجد لابن غنّام

La soco

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

Magaaladaburco
Hargeisa
4333