Ubah Inspire and Fitness center

Call Website Contact the business

Ubah Inspire and Fitness center Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ubah Inspire and Fitness center, Sports & Recreation Venue, Near Laag barako Hotel and Makka mukarama jigjiga yar, Hargeysa.

06/10/2026

πŸ“’ Waalidiinta iyo Dugsiyada,
UBAH Center waxa uu idiin hayaa fursado ciyaareed oo loogu talagalay hablaha si ay u horumariyaan caafimaadkooda, kalsoonidooda iyo xirfadahooda nololeed.
Ha moogaanina fursaddan qiimaha leh. Ku soo biira UBAH Center oo qayb ka noqda kobcinta jiilka hablaha ee mustaqbalka.
πŸ“ UBAH Center
πŸ“ž /whatsApp:0633383620

UBAH Inspire Initiative waxay si guul leh ugu soo gabo gabaysay Qaybta 1-aad ee Champions of Change, oo ka dhacday schoo...
04/10/2026

UBAH Inspire Initiative waxay si guul leh ugu soo gabo gabaysay Qaybta 1-aad ee Champions of Change, oo ka dhacday schoolka aden isaaq ee magaalada boorama, kulamada waxa qayb ka ahaa dhallinyar inamo iyo hablo iskugu jiray oo ka kale yimid xafado kale duwan.

Kulankii xidhitaanka wuxuu ahaa mid is-dhexgal leh, iyadoo ardaydu dib u milicsadeen wixii ay barteen, isla wadaageen waaya-aragnimadooda, kana qaybqaateen dood iyo farriimo wacyigelin ah oo ku saabsan ka hortagga tacaddiyada, iyo dhiirigalinta dhallinyarada iyo sidii loo samayn lahaa bulshooyin ammaan ah oo loo siman yahay.

Hambalyo dhammaan ka qaybgalayaasha! 🌟

UBAH Inspire Initiative iyo SOCLO aya Hargeysa ku qabatay kulan dhallinyaro oo lagu xoojinayo isdhexgalka, iskaashiga, h...
30/09/2026

UBAH Inspire Initiative iyo SOCLO aya Hargeysa ku qabatay kulan dhallinyaro oo lagu xoojinayo isdhexgalka, iskaashiga, hagidda iyo ka qaybqaadashada hoggaaminta ee dhallinyarada.
Kulkankan ayaa waxa ka so qaybgalay dhallinyarada xarumaha daryeelka ka baxday iyo ardayda jaamacadaha.

Kulanku wuxuu fursad u abuuray isbarasho, khibrad-wadaag iyo dhisidda xidhiidho cusub.

Marka dhallinyaradu wada shaqeeyaan, waxay abuuraan isbeddel wanaagsan.

Hawshan ayaa waxa dhiiri galisay Plan International iyo EU da oo maalgalisay.

Xarunta Dadka Maqal ka Xadidan ee ku taalla magaalada Boorama waxaa lagu qabtay tababar qoto dheer oo ku saabsan xirfada...
28/09/2026

Xarunta Dadka Maqal ka Xadidan ee ku taalla magaalada Boorama waxaa lagu qabtay tababar qoto dheer oo ku saabsan xirfadaha nolosha, kaas oo si gaar ah loogu talagalay ardayda maqal ka xadidan iyo waalidkood.

Tababarkan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen ururka UBAH Inspire iyo Hargeisa Deaf Club, iyadoo lagu guda jiro Toddobaadka Caalamiga ah ee Luuqadda Calaamada (International Sign Languages Week), ayaa wuxuu si gaar ah diiradda u saarayay doorka barbaarinta (parenting) iyo adkaynta xidhiidhka qoyska.

Barnaamijkani wuxuu ahaa mid dhisaya kalsoonida, xoojinaya is-gaadhsiinta, iyo abuurida jawi diirran oo ay waalidka iyo ubadkoodu ku dareemaan inaysan keligood ahayn, balse ay xaq u leeyihiin fursado siman iyo inay mustaqbalkooda si wadajir ah u dhisaan.

Waxaan si qoto dheer u aaminsannahay in aamusnaantoodu ay tahay qayb ka mid ah luqadda nolosheena, isla markaana aan horumarka dhabta ah la gaadhi ilaa inta aan cidna dib loo reebin!

27/09/2026

Toddobaadka Caalamiga ah ee Luqadda Calaamadaha oo Wanaagsan!

Laga bilaabo 23–27ka Sebtembar, waxaannu u dabaaldegaynaa awoodda Luqadda Calaamadaha ee isku xidha bulshada maqalka ka xaddidan iyo bulshada maqalka leh oo kor u qaadda ka-qaybgalka loo dhan yahay, isla markaana abuurtaa fursado siman oo lo dhanyahay.

Maantoo ku beegan gabagabada Toddobaadka Caalamiga ah ee Dadka Maqal ka Xadidan (International Sign Languages Week), oo ...
27/09/2026

Maantoo ku beegan gabagabada Toddobaadka Caalamiga ah ee Dadka Maqal ka Xadidan (International Sign Languages Week), oo ku beegnayd 23ka Sebtembar 2026, ururka UBAH Inspire iyo Hargeisa Deaf Club oo si wada jir ah uga wada shaqeeyay ayaa soo qabtay hawlo kala duwan oo ay ka mid yihiin Life Skills session (fadhi xirfadaha nolosha ah) oo si gaar ah diiradda u saarayay dhallinyarada maqal ka xadidan.

Kullankan oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo dhallinyarada ayaa diiradda saaray dhisidda kalsoonida, is-gaadhsiinta, iyo abuurista fursado loo wada dhan yahay oo ay dhallinyaradu ku helayaan iyo inay mustaqbalkooda gacanta ku qabtaan. Horumarka dhabta ah waxaa la helaa marka aan cidna dib loo reebin!

23/09/2026

Hambalyo dugsiga Fadumo Bihi school oo ku guuleysatay tartanka ciyaaraha hablaha dugsiyada hoose/dhehe ee ay soo qaban qabisay UBAH Inspire initiative sannadkan 2026!

Waxaa la soo gaba gabeeyay Tartankii Ciyaaraha Hablaha ee Dugsiyada Hoose/Dhexe oo ay soo agaasimtay UBAH Inspire Initia...
23/09/2026

Waxaa la soo gaba gabeeyay Tartankii Ciyaaraha Hablaha ee Dugsiyada Hoose/Dhexe oo ay soo agaasimtay UBAH Inspire Initiative. Tartankan oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ka socday garoomada UBAH, ayaa waxaa guushu ku raacday kooxda hablaha ee ka socotay Dugsiga Hoose/Dhexe ee .
Sidoo kale, waxaa kaallinta labaad gashay dugsiga , oo iyaguna muujiyay ciyaar wanaag, halka uu dugsiga qaatay Kooxda Ugu Akhlaaqda Wanaagsanayd.
Tartankan ayaa ahaa wejigii labaad ee loo qabto dugsiyada, taas oo lagu dhiirrigelinayo horumarinta ciyaaraha hablaha iyo isdhexgalka bulshada. Tartankan ayaa ka mid ah mashruuca Kickstart For Equality oo ay taageerto Plan International, maaliyadana ay ku bixiso EU-du.

23/09/2026

UBAH Inspire Initiative ayaa soo xidhay tartankii ciyaaraha hablaha ee dugsiyada hoose/dhexe. Munaasabadda waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Hablaha, La-taliyaha Wasiirka ee Arrimaha Ciyaaraha, iyo Plan International.

Maamulayaasha iyo tababarayaasha dugsiyada ayaa iyaguna qayb ka ahaa xafladda.

πŸ† Guusha tartanka waxa ku guulaystay kooxda hablaha ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Faadumo Biixi.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan intii ka qayb qaadatay iyo cid kasta oo naga taageertay hirgelinta tartanka.

23/09/2026

Sports & Recreation Venue

Address

Near Laag Barako Hotel And Makka Mukarama Jigjiga Yar
Hargeysa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ubah Inspire and Fitness center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ubah Inspire and Fitness center:

Shortcuts

Share