Midowga Ardayda Iskuulka ShiiKh Xuseen Cadde

Midowga Ardayda Iskuulka ShiiKh Xuseen Cadde

Share

Midowga Ardayda Iskuulka Sheikh Hussein Adde

16/05/2026

Waano iyo wacyigalin ku socota ardayda Fasalka 12aad.
Prof Abdirizak M Hashi

Midowga Ardayda Iskuulka ShiiKh Xuseen Cadde




16/05/2026

๐Ÿ”ฅ๐Ÿ“š Guushu ma timaado hal maalinโ€ฆ
Waxay ka bilaabataa dadaal, dulqaad iyo riyo weyn oo aad rumeyso.

Arday yahow, ha quusan!
Qalinkaas aad maanta sidato wuxuu berri noqon karaa furaha mustaqbalkaaga. โœจ

Soco, baro, hormar samee โ€”
waayo aqoontu waa awood aan lagaaga adkaan karin. ๐Ÿ’ช๐ŸŽ“

Midowga Ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde
waxay dhiirrigelinayaan jiil waxbarasho ku hogaamiya bulshada. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด





15/05/2026

๐ŸŽ‰ 15 MAY โ€“ MAALINTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด
Midowga Ardayda Schoolka Sheikh Hussein Adde waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Dhalinyaradu waa tiirka horumarka, aqoonta, iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. ๐ŸŒฟ๐Ÿ“š
Waxaan rajeynaynaa dhalinyaro leh: โœ… Aqoon
โœ… Anshax
โœ… Midnimo
โœ… Hoggaan wanaagsan
Hambalyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed. ๐Ÿ’™๐Ÿ’š





15/05/2026

Waxa aan soo arkay gabdho iyaga oo dugsi sare dhigta cidana u shaqaynayay haddana saf loogu jiro shaqadooda iyo waxtarka ay leeyihiin.

Prof. Abdirizak Mohamed Hashi

13/05/2026

Guddoomiye ku-xigeenka Midowga Ardayda ee schoolka Sheekh Xuseen Cadde, Xudeyfi Mahamoud Mohammed, ayaa fariin muhiim ah u diray ardayda iyo guud ahaan bahda waxbarashada, isaga oo ugu baaqay in la ilaaliyo xuquuqda iyo karaamada ardayda Soomaaliyeed.

13/05/2026

โ€œWaxaan idin ku bishaaraynaynaa in imtixaanka sanadkan uu fudud yahay, balse yaan la iloobin in wax kasta oo fudud ay qof ku adkaan karaan.โ€
Wasiir Faarax Sheekh Cabdiqaadir.

22/04/2026

OGEYSIIS

Dhamaan Ardayda macallinka maamulka Sheikh Hussein Adde bahda waxbarashada rer jowhar waxaa la ogeysiinayaa in berri saacadda 8:00 subaxnimo la aasi doono Ustaad Cabdullaahi Nuur Barow.

Salaadda janaasada waxaa lagu oogi doonaa Masjidka Bilaal ee xaafadda Baryari, kadibna waxaa loo qaadi doonaa qabuuraha Xaanshooley halkaas oo lagu aasi doono.

Waxaan dhammaan bulshada ka codsaneynaa inay ka soo qeyb galaan janaasada una duceeyaan marxuumka.

, .

Midowga Ardayda Iskuulka ShiiKh Xuseen Cadde

22/04/2026

ุงู„ู„ู‡ู… ุงุบูุฑ ู„ู‡ ูˆุงุฑุญู…ู‡ ูˆุนุงูู‡ ูˆุฃุนู ุนู†ู‡ ูˆุฃูƒุฑู… ู†ุฒู„ู‡ ูˆูˆุณุน ู…ุฏุฎู„ู‡ ูˆุฃุบุณู„ู‡ ุจุงู„ู…ุงุก ูˆุงู„ุซู„ุฌ ูˆุงู„ุจุฑุฏ ูˆู†ู‚ู‡ ู…ู† ุงู„ุฎุทุงูŠุง ูƒู…ุง ูŠู†ู‚ู‰ ุงู„ุซูˆุจ ุงู„ุฃุจูŠุถ ู…ู† ุงู„ุฏู†ุณ.
ุขู…ูŠู† ๐Ÿคฒ

Photos from Midowga Ardayda Iskuulka ShiiKh Xuseen Cadde's post 22/04/2026

Tacsi โ€“ Midowga Ardayda, Maamulka & Macallimiinta Dugsiga Sheikh Hussein Adde
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.
Waxaan si qoto dheer uga tacsiyeynaynaa geerida ku timid Ustaad Cabdullaahi Nuur Barow, oo ka tirsanaa bahda waxbarashada Dugsiga Sheikh Hussein Adde, kana geeriyooday magaalada Jowhar.
Tacsi tiiraanyo leh waxaan u diraynaa ehelkii, qaraabadii, ardaydii, maamulka iyo dhammaan macallimiinta dugsiga, annagoo Alle uga baryeyna inuu samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxaan Alle uga baryeynaa marxuumka inuu u naxariisto, jannatul Firdowsana ka waraabiyo, dambigiisana dhaafo.
Marxuumku wuxuu ahaa macallin qiimo badan oo door weyn ka qaatay tarbiyadda iyo waxbaridda ardayda, wuxuuna bulshada uga tagay xusuus wanaagsan.
Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaanna Allaha naga wada siiyo. Aamiin.

Photos from Midowga Ardayda Iskuulka ShiiKh Xuseen Cadde's post 04/04/2026

Maanta waxaa school-ka Sheikh Hussein Adde ka qabsoomay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu maamuusay fasalka F3A oo ku guuleystay tartanka kubadda cagta ee loo qabtay fasallada dugsiga.

Fasalka F3A waxay muujiyeen dadaal, isku duubni iyo ciyaar wanaag, taas oo u sahashay inay noqdaan horyaalka tartankan. Xafladda waxaa ka qeyb galay arday, macalimiin iyo marti sharaf kale, iyadoo lagu bogaadiyay guusha ay gaareen.

Hambalyo Fasalka F3A! Guushiina ha noqoto mid dhiirrigelisa dhammaan ardayda kale. โšฝ๐Ÿ†

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Jowhar
Jowhar