27/08/2026
Hirshabelle Football Association
Waa Pageka Rasmiga Ee Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle
27/08/2026
26/08/2026
sanadkan hadduu alle idmo cayaaraha degmooyinka ee gobalka banaadir,
la hirshabeele ahaan waxaa igu Qeyb galaayo sedex degmo!
1_ Degmada balcad
2_ Degmada warshiiq
3_ Degmada Jowhar
Tani waxay Fursad usiinee in hirshabeele
ay hesho cayaartoy tayo leh !!!!!!
15/08/2026
Gudoomiye k/xegeynka ururka kubbada cagta ee hirshabeele iyo Gudoomiyaha kubbada cagta ee degmada baladweyne
maanta waxay xafiiska ku booqdeen gudoomiyaha XKCS ahna k/xegeynka ururka kubbada Cacafa Mr Cali shine
25/06/2026
๐ฆ๐ข๐ ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐ง๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ฅ๐๐ง๐๐ข๐ก (๐ฆ๐๐) โ ๐๐ป๐ป๐๐ฎ๐น ๐๐ฒ๐ป๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐น ๐๐๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐น๐ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ
Mogadishu; 25 Juun 2026, Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle ayaa ka qeyb galay Shirka Guud ee Sanadlaha ah (Annual General Assembly) ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (SFF), oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirka ayaa isugu yimid hoggaanka SFF, ururrada kubadda cagta ee Dowlad-goboleedyada, naadiyada xubnaha ka ah SFF iyo daneeyeyaasha kale ee kubadda cagta Soomaaliyeed, si looga wada hadlo horumarinta ciyaaraha, maamulka, maaliyadda iyo jihada mustaqbalka ee kubadda cagta dalka.
Wafdiga Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururka, Mudane Yusuf Hamud Jarras, waxaana qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Yusuf Abdi Sabriye (Yufow), iyo Xoghayaha Guud, Mudane Mohamed Abdi Sedow. Wafdigu wuxuu si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha, go'aan qaadashada iyo arrimaha muhiimka ah ee ajandaha shirweynaha.
Intii uu shirku socday waxaa diiradda lagu saaray dib u eegista waxqabadkii sanadkii la soo dhaafay, warbixinnada maamulka iyo maaliyadda, horumarinta maamulka kubadda cagta, xoojinta hannaanka hufnaanta iyo isla xisaabtanka, kobcinta tartamada gudaha, horumarinta garsoorka iyo tababarrada farsamo, iyo qorshayaasha istaraatiijiga ah ee lagu horumarinayo kubadda cagta Soomaaliya.
Shirku wuxuu ku soo dhammaaday ansixinta warbixinnadii iyo qodobadii miiska saarnaa, iyadoo la isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo ururrada xubnaha ka ah, si loo dardargeliyo horumarka kubadda cagta dalka loona abuuro fursado ballaaran oo ay ka faa'iideystaan ciyaartoyda, macallimiinta, garsoorayaasha iyo dhammaan daneeyayaasha kubadda cagta.
Ka qeybgalka shirkan wuxuu muujinayaa sida Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle uga go'an yahay horumarinta kubadda cagta, xoojinta maamulka hufan, kobcinta ciyaartoyda da'da yar iyo adkeynta wada-shaqeynta kala dhexeysa Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo dhammaan bahda kubadda cagta dalka. Ururku wuxuu mar walba u taagan yahay inuu door muuqda ka qaato dhismaha mustaqbal ifaya oo ay yeelato kubadda cagta Soomaaliyeed.
01/07/2025
๐ธ๐ด Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo โ Kulanka Finalka Ciyaaraha Degmada Balcad
Maanta waxaa Degmada Balcad si rasmi ah loogu qabtay kulan ciyaareed final ah oo lagu xusayo maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo โ maalinta xorriyadda iyo mideyntii gobollada Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhalinyarada lyo Cayaaraha Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Ururka kubadda Cagta Hirshabelle iyo Xoghayaha Guud ee Ururka oo safar Dhulka Ku tagay Degmada Balcad Si ay ugu qeyb galaan kulan final oo lagu xusaayay 1da Luuliyo
Kulanka ayaa dhexmaray kooxaha Elman FC iyo Banaadir FC, waxaana guusha 1-0 ku raacday kooxda Elman FC, kadib ciyaar xiiso iyo xirfad sare leh oo soo jiidatay daawadayaal fara badan.
Kulankan waxaa si heer sare ah u soo agaasimay Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Balcad oo uu hoggaamiyo Guddoomiye Aweys Kabiila.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Hirshabelle ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey madasha, isagoo carabka ku adkeeyay qiimaha taariikheed ee maalinta 1-da Luulyo, iyo sida ay ciyaaruhu door muhiim ah ugu leeyihiin nabadda, isdhexgalka bulshada iyo horumarinta dhalinyarada.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle wuxuu ballan qaaday in ururku sii xoojin doono qabanqaabada tartamada ciyaareed ee heer deegaan iyo heer gobolba.
Ciyaaruhu waa nabad, waa isdhexgal, waa horumar.
30/06/2025
๐ธ๐ด SHIRWEYNAHA SANADLAHA AH EE XIRIIRKA SOOMAALIYEED EE KUBADDA CAGTA (XSKC)
๐๏ธ 30 Juun 2025
๐Muqdisho, Soomaaliya
Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (XSKC), iyadoo kulankan muhiimka ah ay kasoo qeyb galeen dhammaan xubnaha Congress-ka Xiriirka, madaxda xiriirrada gobollada, iyo masโuuliyiin heer qaran.
Shirkan oo si habsami leh u dhacay, ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo salka ku haya hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta maamulka iyo ciyaaraha kubadda cagta Soomaaliya.
Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle waxaa si rasmi ah waxaa uga qeyb galay, Guddoomiyaha Ururka Mudane Yusuf Hamud Jarras, Guddoomiye Ku-xigeenka โ Mudane Yusuf Abdi Sabriye (Yufow) iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Mudane Mohamed Abdi Sedow
Ka qeybgalka Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle wuxuu ahaa mid muhiim u ah kor u qaadidda doorka Hirshabelle ee horumarinta kubadda cagta dalka, isagoo xaqiijinaya in codka dhallinyarada iyo kooxaha uu si rasmi ah ugu jiro miiska goโaannada.
Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle wuxuu sii wadi doonaa in uu si dhow ula shaqeeyo XSKC, si loo helo isboorti caddaalad ah, hufan, midnimo ku dhisan, oo ku saleysan danta guud ee ciyaaraha Soomaaliya.
Isboorti waa hogaamin, halgan iyo horumar!
29/06/2025
XAFLADDA SOO DHAWEYNTA AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA DOWLADDA HIRSHABELLE
Mudane: Amin Mukhtar Ahmed
Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle, iyadoo ka duuleysa doorkiisa hormarinta iyo isdhexgalka bulshada dhallinyarada, ayaa si rasmi ah u qabtay kulan ciyaareed gaar ah oo lagu maamuusayay Agaasimaha Guud ee cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle, Mudane Amin Mukhtar Ahmed, kaddib magacaabistii uu dhawaan Madaxweynaha Hirshabelle xilka ugu dhiibay.
Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, waxaa lagu qabtay garoonka Kubadda Cagta Shongale Stadium, waxaana qeyb ka ahaa kulan kubadda cagta ah oo dhexmaray kooxaha:
Midnimo FC vs Baalguri FC
Natiijada ciyaarta: Midnimo FC 3 - 2 Baalguri FC
Taas guushu ku raacday kooxda Midnimo Fc
Ujeedada kulankani waxay ahayd in lagu muujiyo taageerada iyo soo dhaweynta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, isla markaana lagu dhiirrigeliyo iskaashiga u dhexeeya wasaaradda iyo Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle.
Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle wuxuu rajeynayaa Mudane Amin Mukhtar Ahmed inuu noqdo hoggaan dhab ah oo horseeda koboca ciyaaraha, dhiirrigelinta kartida dhallinyarada, iyo sare u qaadidda sumcadda isboortiga Hirshabelle.
Isboorti waa isdhexgal, nabad iyo horumar.
20/06/2025
WAA HIRSHABEELLE CUP
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Jowhar
252
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 16:30 |
| Tuesday | 08:00 - 16:30 |
| Wednesday | 08:00 - 16:30 |
| Thursday | 08:00 - 16:30 |
| Saturday | 08:00 - 16:30 |
| Sunday | 08:00 - 16:30 |