Hirshabelle Football Association
Waa Pageka Rasmiga Ee Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle
01/07/2025
🇸🇴 Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo – Kulanka Finalka Ciyaaraha Degmada Balcad
Maanta waxaa Degmada Balcad si rasmi ah loogu qabtay kulan ciyaareed final ah oo lagu xusayo maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo – maalinta xorriyadda iyo mideyntii gobollada Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhalinyarada lyo Cayaaraha Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Ururka kubadda Cagta Hirshabelle iyo Xoghayaha Guud ee Ururka oo safar Dhulka Ku tagay Degmada Balcad Si ay ugu qeyb galaan kulan final oo lagu xusaayay 1da Luuliyo
Kulanka ayaa dhexmaray kooxaha Elman FC iyo Banaadir FC, waxaana guusha 1-0 ku raacday kooxda Elman FC, kadib ciyaar xiiso iyo xirfad sare leh oo soo jiidatay daawadayaal fara badan.
Kulankan waxaa si heer sare ah u soo agaasimay Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Balcad oo uu hoggaamiyo Guddoomiye Aweys Kabiila.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Hirshabelle ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey madasha, isagoo carabka ku adkeeyay qiimaha taariikheed ee maalinta 1-da Luulyo, iyo sida ay ciyaaruhu door muhiim ah ugu leeyihiin nabadda, isdhexgalka bulshada iyo horumarinta dhalinyarada.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle wuxuu ballan qaaday in ururku sii xoojin doono qabanqaabada tartamada ciyaareed ee heer deegaan iyo heer gobolba.
Ciyaaruhu waa nabad, waa isdhexgal, waa horumar.
30/06/2025
🇸🇴 SHIRWEYNAHA SANADLAHA AH EE XIRIIRKA SOOMAALIYEED EE KUBADDA CAGTA (XSKC)
🗓️ 30 Juun 2025
📍Muqdisho, Soomaaliya
Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (XSKC), iyadoo kulankan muhiimka ah ay kasoo qeyb galeen dhammaan xubnaha Congress-ka Xiriirka, madaxda xiriirrada gobollada, iyo mas’uuliyiin heer qaran.
Shirkan oo si habsami leh u dhacay, ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo salka ku haya hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta maamulka iyo ciyaaraha kubadda cagta Soomaaliya.
Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle waxaa si rasmi ah waxaa uga qeyb galay, Guddoomiyaha Ururka Mudane Yusuf Hamud Jarras, Guddoomiye Ku-xigeenka – Mudane Yusuf Abdi Sabriye (Yufow) iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Mudane Mohamed Abdi Sedow
Ka qeybgalka Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle wuxuu ahaa mid muhiim u ah kor u qaadidda doorka Hirshabelle ee horumarinta kubadda cagta dalka, isagoo xaqiijinaya in codka dhallinyarada iyo kooxaha uu si rasmi ah ugu jiro miiska go’aannada.
Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle wuxuu sii wadi doonaa in uu si dhow ula shaqeeyo XSKC, si loo helo isboorti caddaalad ah, hufan, midnimo ku dhisan, oo ku saleysan danta guud ee ciyaaraha Soomaaliya.
Isboorti waa hogaamin, halgan iyo horumar!
29/06/2025
XAFLADDA SOO DHAWEYNTA AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA DOWLADDA HIRSHABELLE
Mudane: Amin Mukhtar Ahmed
Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle, iyadoo ka duuleysa doorkiisa hormarinta iyo isdhexgalka bulshada dhallinyarada, ayaa si rasmi ah u qabtay kulan ciyaareed gaar ah oo lagu maamuusayay Agaasimaha Guud ee cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle, Mudane Amin Mukhtar Ahmed, kaddib magacaabistii uu dhawaan Madaxweynaha Hirshabelle xilka ugu dhiibay.
Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, waxaa lagu qabtay garoonka Kubadda Cagta Shongale Stadium, waxaana qeyb ka ahaa kulan kubadda cagta ah oo dhexmaray kooxaha:
Midnimo FC vs Baalguri FC
Natiijada ciyaarta: Midnimo FC 3 - 2 Baalguri FC
Taas guushu ku raacday kooxda Midnimo Fc
Ujeedada kulankani waxay ahayd in lagu muujiyo taageerada iyo soo dhaweynta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, isla markaana lagu dhiirrigeliyo iskaashiga u dhexeeya wasaaradda iyo Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle.
Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle wuxuu rajeynayaa Mudane Amin Mukhtar Ahmed inuu noqdo hoggaan dhab ah oo horseeda koboca ciyaaraha, dhiirrigelinta kartida dhallinyarada, iyo sare u qaadidda sumcadda isboortiga Hirshabelle.
Isboorti waa isdhexgal, nabad iyo horumar.
20/06/2025
WAA HIRSHABEELLE CUP
04/01/2025
05/01/2024
Dadaal dheer iyo juhdi uu bixiyay Gudoomiyaha Xiriirka kubada cagta Hirshabeelle Mudane Yusuf Haamud Jaras ayaa waxaa natiijo wax ku ool ah ka soo hooyay ciyaartii dhexmartay xulka kubadda cagta Hirshabeelle iyo xulka kubadda cagta gobolka Banaadir.
Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo gudiga dishibilliinka xiriirka ayaa 3 dhibcood ee natiijada ciyaaraha shalay ku wareejiyay xulka kubadda Cagta Hirshabelle kadib ciyaartii shalay dhexmartay labada xul.
Kadib Fowdo iyo falal Lidi ku ah amniga iyo bad khabka ciyaartooyda ay ku kaceen taageeroyaasha xulka kubadda Cagta Gobolka Banaadir.
Waxaa sidoo kale kalin mugleh ka qaatay in halkaan soo gaaraan xulka kubadda Cagta Hirshabelle macalinka xulka macalin Cabaas iyo taagerayaasha xulka.
waxaan farxada hambalyo u diraynaa xulka kubadda cagta Hirshabeelle oo soo hooyay guul ay u qalmeen! Aynu sii wadno taageeridda iyo dhiirigelinta iyaga inta ay ku dadaalayaan guulo waaweyn oo wax ku ool ah.
Kubadda Cagta Hirshabelle Kooxda
30/06/2023
Moagdishu; 30/06/2023 Ururka Kubadda Cagta Hirshabeelle ayaa fursad u helay in uu ka qeyb galo shirweynaha sanadlaha ah ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed. 🌟
Shirkan qiimaha badan ayaa waxaa isugu yimid dhamaan Congress shirweynaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.
Hadaan nahay Ururka Kubadda Cagta Hirshabeelle waxaa sharaf noo ah inaan ka mid noqono wufuudii sharafta lahayd ee kasoo qeybgalay shirka.
Shirka ayaa ugu h**eyn waxaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, isagoo ku dheeraaday guulaha la taaban karo iyo horumarka uu gaaray mudadii uu xilka hayay. Waxay ahayd fursad cajiib ah oo lagu milicsado kobaca iyo horumarka kubbadda cagta ee Soomaaliya intii uu hoggaaminayay.
Intii uu socday shirka ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo muhim ah oo lagu qaabeynayo mustaqbalka kubadda cagta Soomaaliya. Bayaanka maaliyadeed ee 2022 e sanadkii h**e, iyo sidoo kale bayaan maaliyadeedka 2023 ee sanadkan socda, si taxadar leh ayaa loo eegay loona ansixiyay. Tani waxay muujinaysaa sida ay nooga go'an tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka lagu maareynayo arrimaha maaliyadeed ee xiriirka.
Waxaa intaa dheer, Guddiga Anshaxa, Guddiga Racfaanka, iyo Guddiga Hanti Dhowrka ayaa la dhisay oo la ansixiyay, iyadoo la adkeeyay qaab dhismeedka iyo maamulka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta. Guddiyadani waxay door muhiim ah ka ciyaari doonaan ilaalinta cadaalada, daacadnimada, iyo anshaxa gudaha bulshadeena kubbada cagta.
Kulankaan oo ahaa mid guul ku dhamaaday ma suurta gasheen hadii uusan jirin dadaal hagar la’aanta ah oo uu sameeyay Madaxweynaha i Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo gudigiisa fulinta. Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelineynaa hoggaankiisa gaarka ah iyo sida ay uga go'an tahay horumarinta kubadda cagta Soomaaliya.
Anagoo ah xubnaha xiriirka kubbadda cagta Hirshabeelle waxaan ku faraxsanahay inaan ka qeyb galno munaasabaddan qiimaha badan, taasoo muujineysa midnimada iyo go’aanka wadajirka ah ee u horseedaya bulshadeena kubbadda cagta. Si wada jir ah, waxaan sii wadi doonaa dadaalka aan ugu jirno sidii xunbin muhiin ugu noqon laheyn kubadda cagta ee Soomaaliya.
Kubadda Cagta
22/02/2023
Xiriirka Kubadda Cagta Hirshebelle ayaa ku sugay Hotel Elite oo goor ka bilaaban doonto doorashada madaxweynaha xiriirka kubadda Cagta Somalia
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Jowhar
252
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 16:30 |
| Tuesday | 08:00 - 16:30 |
| Wednesday | 08:00 - 16:30 |
| Thursday | 08:00 - 16:30 |
| Saturday | 08:00 - 16:30 |
| Sunday | 08:00 - 16:30 |