Hirshabelle Community

Hirshabelle Community

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hirshabelle Community, somali Mogadishu, Jowhar.

Photos from Hirshabelle Community's post 14/04/2026

HIRSHABELLE COMMUNITY
Xafiiska Hoggaanka Sare
Ref: HSC/MLG/2026/___
Taariikh:14 ___ / _4__ / 2026
OGEYSIIS MAGACAABIS
Iyadoo la tixraacayo baahida loo qabo xoojinta hoggaanka iyo dardargelinta howlaha bulshada, isla markaana lagu saleeyey karti, hufnaan iyo waayo-aragnimo, Hoggaanka Sare ee Hirshabelle Community wuxuu si rasmi ah u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan:
Qodobka 1-aad: Magacaabis
Mudane Muumin Faarax Haashim
Waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Hirshabelle Community ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Mudane Ahmad Hajji Hussein
Waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Hirshabelle Community ee Gobolka Hiiraan.
Qodobka 2-aad: Waajibaadka
Masuuliyiintan waxaa laga filayaa inay:
Xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bulshada.
Hormariyaan adeegyada bulshada iyo barnaamijyada horumarineed.
U matalaan ururka si hufan oo mas’uuliyad leh.
Ka shaqeeyaan nabadda, iskaashiga, iyo horumarka deegaannada ay matalaan.
Qodobka 3-aad: Dhaqan-gal
Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa laga bilaabo taariikhda ku xusan warqaddan.
Saxiix: ______saxiix____________________
Magaca: ___Mascuud Abdullaahi Hajji______________________
Jagada: Guddoomiyaha Guud

14/04/2026

🌟 Isbeddelka Hirshabeelle Waa Soo Socdaa!

Waxaa dhawaan magaalooyinka Hirshabeelle ka curan doona isbeddel taariikhi ah oo ay hoggaaminayaan dhalinyarada labada gobol. Waa kacdoon nabadeed oo horseed u noqon doona horumar, cadaalad, iyo dowladnimo hufan.

Dhalinyaroow, waa waqtigiinnii!
Mideeya codkiinna, dhisa mustaqbalkiinna, kana shaqeeya horumarka deegaankiinna.

📢 Hal-ku-dheg:
“Dhalinyaro Midoobay, Hirshabeelle Horumartay!”

14/04/2026

Bayaan Kooban oo Qiiro Leh

Annaga oo ah dhalinyarada magaalada Jowhar, waxaan si adag u canbaareyneynaa diidmada lagu hayo lacagta Shilinka Soomaaliyeed. Shilinka Soomaaliya waa astaan qaran, laf-dhabarta dhaqaalaha, iyo calaamad muujinaysa madaxbannaanida dalkeenna. Diidmada lagu diidayo waxay dhaawacaysaa nolosha bulshada, gaar ahaan dadka danyarta ah, waxayna curyaamineysaa ganacsiga iyo horumarka deegaanka.

Haddii ay jiraan caqabado la xiriira isticmaalka Shilinka, wax ka qabashadooda waa masuuliyad saaran dowladda, waxaana jira hannaan sharci iyo nidaam dowladeed oo lagu xallin karo. Sidaas darteed, xal waara waxaa lagu gaari karaa wada-shaqeyn iyo wadahadal, ee ma aha diidmo iyo kala fogaansho.

Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle inay si degdeg ah u soo farageliyaan arrintan, uuna ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta iyo xasilloonida dhaqaalaha. Sidoo kale, waxaan ugu baaqeynaa ganacsatada iyo bulshada reer Jowhar inay muujiyaan waddaniyad, isla markaana si naxariis iyo cadaalad leh ula garab istaagaan dadka danyarta ah.

Ugu dambeyn, waxaan adkeyneynaa in nala garab istaago marka nala dulmiyo, isla markaana aan ka fogaanno dulmiga iyo eexda. Midnimo, wadaniyad, iyo wadajir ayaa horseed u noqon kara horumar iyo barwaaqo.

“Shilinka Soomaaliyeed waa sharafteenna—ilaalintiisu waa ilaalinta qarannimadeenna.”
Mahadsanidiin.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Somali Mogadishu
Jowhar