09/02/2026
Bismillah
Gudoomiyaha Isboortiska Degmada Iyo Xubnihiisa Gudiga Ayaa Ganaax Ka Soo saaray Ciyaartii Maanta U Dhaxeysay Xerokobaad iyo Peace Boys Kadiba Marka Ee Labadooda Daba Mareyn Sharciga Garoonka
Labada Naadi Ayaa Galay Qalad Lagu Digay In Badan Lagana Wargeliyay Koox Walbo Inta Uusan Liiga Bilaaban , Labada Koxood Waxay Jibiyeen qodobkii Ahaa Koox Walbo Iney Garoonka La Timaad laba Banooni ,Sidaas Awgeed Madama Ee Labada Koxood Aysan La imaan Agab Banooni Oo Dhameystiran Waxa Lagu Ganaaxay Iney Koox Walbo Bixisa Lacag 20$ Ah ,Kooxdii Bixin Weysana Waxay la kulmi doonta Ganaax Kale
Wabilaahi Towfiiq
04/02/2026
Bismillah
Mamulka Isboortiska Ee Ugu H**eeya Gudoomiye Anas Bishar Ayaa Ganaax Rasmi Ah ka soo Saaray Laba Ciyaartoy Oo Fal Anshaxa Dara Iyo Ceeb ku ah Isboortiska Degmada kula dhaqmay gudaha garoonka Garsooraha Ciyaarta
Ciyaartoyda La Ganaaxay Ayaa kala Ah iyo Labada Ciyaartoy Ayaa qalad Cad ula Kacay Garsooraha Ciyaarta Ayaga Oo Gacan Qaad Ku Sameyay Garoonka Dhaxadiisa , Waana Fal Mamnuuc ka Ah Isboortiska Degmada cidii Ku Dhaqantana La Marsiiyo Ganaax Ciqaabeed
Labad Ciyaartooy Ayaa Lagu Ganaaxay Iney Mudo 6 Bilood Ah Ka Maqnaadaaan Garoonka Degmada Ayaga Oo Aan dheeli Doonin Mudadas ,Naadina Aan soo Matali Karin
Cid walbo oo lid ku Ah Isboortiska Degmada Anshax Dara Ku Sameysa sharciga ayaaa Ka Weyn Asaga ayaana Lagu Ciqaabi doona
Wabilaahi Towfiiq
11/01/2026
Bismillah
Waxa Galabta dib loo Ciyaaray liiga Degmada oo la quri tuuray malma ka hor Home Iyo away , ciyaarta Galabta Liiga Waxa Bilaabay Sh.Mahad football club Vs #
Natiijada Ciyaarta Ayaa Ku Soo Idlaatay Bar Bar Dhac 0 iyo 0 Ah Kulanka Kowaad
Mamulka Isboortiska Ayaa Ganaaxa Rasmi Ah Ka Soo Saaray Ciyaarta Maanta Dhax Martay Labada Koxood Ee Kala Ah iyo Kadib Marka Ee Labadooda Ku Dhaceyn Mid Kamid Ah Sharuudaha U Yaala Liiga Oo ahaa Iney Ilaaliyaan Waqtiga Garoonka , Labada Kooxa Ayaa Waqtiga Lagu Tala Galay Ka Soo dib Dhacay waxan sidaas lagu ganaaxay inuu naadi walbo Bixiyay lacag 20$ Ah Hadii Ee Labaad Koxood Dhiibi Wayaan Ciyaartooda Labaad Ka Hor Waxa Laga Qaadi Doona Dhibcaha
Dhamaan Kooxaha Kale waxan ugu baaqeyna iney Ilaaliyaan waqtiga garoonka ,naadi walbo uu xaadir ku ahaad gudaha garoonka 4:30
Wabilaahi Towfiiq
09/01/2026
Bismillah
Dhamaan Bahweynta Ciyaaraha iyo Tageerayasha kooxda Peace Boys waan ka raali gelinayna soo dhigista aan soo dhigi weynay maalinta ee kaabka qadeyn Cilad farsamo oo jirtay awgeed
Marka H**e Waxan Halkaan Hambalyo Ugu Direyna Champions Of 2026 Peace Boys Football Club Hambalyo Hambalyo Jiilka Riyada Waqti Iyo Dadaal Dheer Kadib Waad Guuleysateen
Marka xigta shalay Waxa qabsoomay Xaflad Lagu Abaal Marinaayay Kooxda Peace Boys Iyo Ciyaartoydooda , Xaflada Waxa Qeyb Ka Ahaa Gudoomiyaha Isboortiska Degmada , Gudooomiye aku xigeenka Isboortiska Gudoomiyaha Dhalinyarada Degmada Gudoomiyihi H**e Ee Degmada Mohamed Ibrahim Abdi , Musharaxa Gudoomiyaha Dhalinyarada Iyo Masuuliyiin Kale Oo Isugu Jirta Mamulk H**e Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Dhalinyarada
Xaflada Ayaa abaal Marino kala gedisan lagu gudoonsiiyay kooxda champions ka noqotay iyo Ciyaartoydooda,
Gudoomiyaha Isboortiska Degmada Ayaa U Mahadceliyay Dhammaan Cid kasta Oo ka soo Qeyb Qaadatay Inuu ligaan Si Qurxoon Ku Soo Dhamaada Ee Ugu H**eeyaaan Garsoorayaasha Iyo Gudiga Garoonka
26/12/2025
Bismillah
Ganaaaax Rasmi Ah
Mamulka Isboortiska Ayaa Ganaax Rasmi Ah Ka Soo Saaray Ciyaarta Maanta U dhaxeysay Elman SC iyo New lions wabari football Club kadib markii Ciyaaartoy Kamid Ah Naadiga New Lion Ee Ku Kacey Fal Anshax Xuma Ah
Ganaaxa laga Soo Saaray Ayaan sida Tan Ah
1 Dalmar Mohamed Ali Oo u Gacan Qaaday Garsooraha Ciyaarta Ayaa Muteystay Ganaax 6 Billood Ah Oo Uusan Dheeli Dooni Liigaaga Degmada
2 khalid Muse Adam Oo Asna Mruran Iyo Qash Qashaad Ka Sameyay Garoonka Ayaa Lagu Ganaaxay Lacag 10$ Ah
3 Abdiqadir Mohamed Haruun oo Horaanti Liiga Asna U Gacan Qaaday Garsooraha Ayaa Lagu Ganaaxy Lix Bilood Inuusan dheeli Doonin Liigaga Degmada
Wabilaahi Towfiiq
20/12/2025
Bismillah
Alhamdullilah Alle Ayaa Mahad Leh Marka Kobaad Marka Xigta Waxa Halkan ugu Mahadcelinayna Mamulka Gudiga Iyo Garsoorayaasha Garoonka Jadhow Stadium Oo Galabta Soo Gaba Gabeeyay Liig U Socday Muda Bil Ah Kaas Oo Ee Ku Tartamayeem 16 Koox
Ciyaarta K**a Dambeysta Ayaa Waxa Iskugu Imid Labada Tiim Ee Kala FC Shatalow Iyo Waberi United Ayada Oo Guusha Raacday Fc Shataalow Kadib Ciyaar Bar Bar Dhac Ku Dhamaatay Gool ku Laad La Isla Aaday Hambalyo Hambalyo Fc Shatalow
Munasabada Abaal Marinta Waxa Qeyb Ka Ahaa Gudoomiyaha Isboortiska Degmada Gudoomiyaha Ku Xigeenka ,Qaar kamid labeenta Dhalinyarada Degmada Luuq Naji Hussein Adan Iyo Ayanle Shire Hussein Oo Uu Soo Wakiishay Abdi Aziz Mohamed Abdulahi Qeyb ka Ahaa Dar Dar Gelinta liiga , Abaal Marino Kala Duwan Gadoonsiiyay Mid kamid Ah Labad Tiim Ee Final ka Imaady Iyo Ciyaartoyda Ugu fiicna Liiga , Waxa Kale oo Qeyb Ka Ahaa Munasabada Abaal Marinta Musharaxa Gudoomiyaha Dhalinyarada Ak Iyo Coach Abdirahiin
Dhamaan Kooxaha Ka Qeyb Qaatay , Mamulka Iyo Garsoorayaasha, Qaasatan Gudoomiyaha Garoonka Jadhow Stadium Upthirahman Abdullahi Ulaah Oo Ah Nin Dhalinyaro Oo Aragti Fog Leh Waxan Idin Leenahay Mahadsanidiin Dhamaantiin, Aad Baan u Soo Dhaweynayna In Laga shaqeeya Is Dhexgalka Dhalinyarada ,Nabada Iyo Hormarka Degmada
20/12/2025
Bismillah
Waxa jira Galabta Ciyaarta K**a Dambeysta Ee Final Ka Liiga ka Socday Xaafada Bacadley Ee Garoonka
Ligaan Ayaa Malmo Ka Hor Soo Shaacinay Annaga Oo Ugu Gol Laheyn Dhiirigelinta Dhalinyarada Isku Xilqaamay iney Madadaaliyaan Dhalinyarada, Dhalinyarada Waa Laf Dhabarta Bulsho Walba
Ligaan qeyb Kamid Ah Waxa Taaba Gelinaaaya Mid Kamid Ah Dhalinyarada Degmada Luuq Abdi Aziz Mohamed Abdulahi
Maanta waa maalinta final ka waxan ka codsanayna Dhamaan Dhalinyarada Reer Luuq Iney ka Soo qeyb Galaan Ciyaarta K**a Dambeysta Ee Xamaasada Leh
Ciyaarta K**a Dambeysta Waxa Wada Dheeli Doona VS
GARSOORAHA CIYAARTA: ?
NOOCA CIYAARTA
GAROONKA :
18/12/2025
Bismillah
Gudoomiyaha Cusub Ee Isboortiska Degmada Luuq Ayaa liig U Dhigay Kooxaha Ka Dhisan Heerka Kobaad Ee Degmada Asaga oo ugu Gol Leh Isbarasha Iyo Soo Dhaweyn
Kooxaha Ka Dhisan Heerka Kobaad Ayaa Soo Dhaweyay Gudoomiyaha Ayaga Oo Ku Dhiirigelinaaya Shaqada U Hori Ka Bilaabay , Waxayna Kula Dar darmeyn iney Kala Shaqeyn Donaan Hormaarka Isboortiska
17/12/2025
Bismillah
Mamulka Isboortiska Degmada Iyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Oo wada Jira Ayaa Maanta Agab Banooniyaal Ah Ku Wareejiyay Qaar Kamid iskuulada Ka Dhisan Degmada Luuq
Banooniyaasha Ayaa lagu Tala galay Iney Ku Ciyaaraan Ardayda Xilliyada Fasaxa Iyo xilliya Activity Football Uu jira Si Arday Jir Ahaan iyo Maskax ahaan u dhisan Lo Hela
Waxa Agabka Na Soo Garsiiyay xariirk Kubada cagta somaliya Ayaga Oo u soo wakiishay Gudoomiyaha Dhalinyarada Waxayna si Wada jir ah ugu Wareejiyay Iskuulada lagu Tala Galay
Mar walba Waxan Diyaar U Nahay Garab Istaga Qeybaha Kala Duwan Ee Dhalinyarada Inaan ka Dhiirigelina Dhanka Isboortiska