03/09/2026
πβ½ YAARA CUP 2026 β½π
Koobka xiisaha badan ee YAARA CUP 2026, oo ay ka qeyb galayaan kooxaha S/A-da Degmada Marka, ayaa goor dhow ka bilaabanaya Stadium Midnimo
π’ Dhammaan kooxaha ha u diyaar garoobaan tartanka!
π₯ Ciyaar xiiso badan, tartan adag iyo isboorti hufan ayaa la filayaa.
YAARA CUP 2026 β Halgan, Hufnaan & Horumar. πβ½
28/08/2026
Marka 28 August 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Marka Mohamed Adan Ahmed.
π oo kulan sagootin ah u sameeyey Legend Feysal Vieira
π Kulan ay ka qeybgaleen bahda ciyaaraha iyo ciyaartoyda
β€οΈ Feysal Vieira oo lagu maamuusay kaalintii uu ka qaatay kubadda cagta
28/08/2026
SAGOOTIN BY BY BYπβ½
Maanta waxaan sagootin iyo macsalaamayn u sameynaynaa Feysal Vieira, oo muddo nala soo qaatay waqti wanaagsan iyo xusuuso qurux badan.
Feysal, waxaan kuu rajaynaynaa safar wanaagsan, guul iyo mustaqbal ifaya. Meel kasta oo aad tagto, waxaan kuu rajaynaynaa kheyr iyo horumar.
Mahadsanid Feysal Vieira β mar walba waad naga mid ahaan doontaa. β€οΈβ½
BY BY FEYSAL π
23/08/2026
Ciyaartoyda U-17 ee Muqdisho loo diray
Marka, 23 Agoosto 2026 πΈπ΄β½
Saakay waxaan Muqdisho u dirnay ciyaartoydii uu xushay Macallin Daadir Amiin, kaddib markii uu soo gabagabeeyay xulistii ciyaartoyda Under-17.
Waxaan rajeynayaa inay si wanaagsan uga gudbi doonaan tijaabada, isla markaana ay helaan fursad ay ku matalaan qaranka Soomaaliya. Waxaan Alle uga baryayaa guul iyo in dadaalkooda uu miro dhalo.
Guul ayaan idiin rajaynaynaa dhalinyaradeenna! πΈπ΄πͺβ½
18/08/2026
Hambalyo Saabir oo ku guuleystay saadaasha kulankii finalaha
17/08/2026
MONDAY 17 AUGUST 2026
TOP SCORE TARTANKA S T S CUP 2026
17/08/2026
MONDAY 17 AUGUST 2026
BEST PLAYER TARTANKA S T S CUP2026
17/08/2026
β½ STS CUP 2026 β WAA LA SOO GEBAGEBEEYAY! πΈπ΄
Waxaa si rasmi ah loo soo gebagebeeyay Tartanka STS CUP 2026, oo ahaa tartan xiiso, tartan adag iyo is-dhexgal bulsho ku suntanaa.
Waxaan mahadcelin iyo bogaadin u jeedinaynaa dhammaan kooxihii ka qeybgalay, ciyaartoyda, tababarayaasha, garsoorayaasha, taageerayaasha iyo guddigii qabanqaabada oo ka qeyb qaatay guusha tartanka.
πβ½ Hambalyo dhammaan bahda kubadda cagta Degmada Marka!
STS CUP 2026 β Tartan, Midnimo & Horumar. ππΈπ΄