29/12/2025
🔥🇪🇸 Dean Huijsen Oo La Falanqeeyay Ka Dib Guuldarada Real Madrid 5-2 Ka Soo Gaartay Atletico 🔴⚪
Tan iyo markii Real Madrid si culus 5-2 looga adkaaday Atletico, Dean Huijsen wuxuu la kulmay hoos u dhac qaab ciyaareedkiisa. Laakiin khubaro sida Manolo Sanchís iyo Rafa Alkorta ayaa sharaxay waxa saxda ah ee ka qaldan daafacan Spanish-ka ah.
🗣️ Manolo Sanchís:
“Waa ciyaaryahan leh karti weyn oo uu ku ciyaaro difaac dhexe. Waxa ii cajaa’ibiya awooddiisa ballaadhinta kubbadda iyo dareenkiisa ciyaareed, taas oo muhiim u ah Madrid.”
“Waa run inuu leeyahay daciifnimo, laakiin da’diisa iyo xirfadiisa ayaa u saamaxaysa inuu horumar sameeyo oo noqdo difaac weyn.”
“Waxaa jiray kulan uu xoogaa daciif noqday, sida Liverpool, Sevilla, iyo kooxo waaweyn kale, halkaas oo uu la tacaalay jirey dhinaca jireed iyo xilli qaar kubbadda, laakiin aasaaskiisu waa mid weyn, waxaanan hubaa inuu noqon doono ciyaaryahan muhiim u ah Madrid sanadaha soo socda.”
🗣️ Rafa Alkorta:
“Marka kooxda ay horumariso, Huijsen sidoo kale wuu horumari doonaa.”
💡 Fikrad:
Dean Huijsen waa daafac leh awood weyn, da’yar, isla markaana leh mustaqbal ifaya. Guuldarada kaliya waa fursad uu ku barto una kobciyo xirfadiisa.
Real Madrid waxay haysataa dhaxal cusub oo difaaca dhexe ah! ⚪🔥
29/12/2025
🚨 Waxaa jirta 3 ciyaartoy oo Real Madrid ah kuwaa oo aan la hubin mustaqbalkooda wixii ka dambeeya 2026.
• Vinícius Jr qandaraaskiisa wuxuu dhacayaa June 2027.
• Dani Carvajal qandaraaskiisa wuxuu dhacayaa June 2026.
• Antonio Rüdiger qandaraaskiisa wuxuu dhacayaa June 2026.
()
29/12/2025
🚨 Real Madrid waxay sii waddaa raadinta ciyaartoyda khadka dhexe ee leh astaamo la mid ah Luka Modrić Kees Smit waa mid ka mid ah ciyaartoyda liiska kujira ee loo tixgelinayo suuqa xagaaga. ()
29/12/2025
🚨 𝗕𝗥𝗘𝗔𝗞𝗜𝗡𝗚: Real Madrid ayaa si adag uga shaqeeneysa saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Nico Schlotterbeck.
Dortmund ayaa xidigan ku dalbaneysa ugu yaraan €70m haddii lagu qasbo inay iibiyaan.
Real Madrid ayaa doorbidayso heshiis isdhaafsi ah si loo yareeyo qiimaha kala iibsiga, iyadoo dooneysa in ay u soo bandhigto Diego Aguado iyo Gonzalo García midkood.
Real Madrid ayaa markaas bixin doonta qiimo dhan €30m ilaa €35m.()
28/12/2025
🚨 : Real Madrid ayaa diiday saxiixyada Ibrahima Konaté, Dayot Upamecano iyo Ruben Neves.
Saddexda ciyaaryahanba waxaa loo soo bandhigay inay ku biiraan kooxda xagaagan iyagoo ah wakiillo xor ah laakiin kooxda ayaa gabi ahaamba diidey. ❌️()
28/12/2025
🚨 Real Madrid ayaa aad u xiisaynaysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kees Smit.
Indha indheeyaasha Real Madrid ayaa xidigan aad ugu raad joogay muddo dheer.
Kooxo badan oo waaweyn ayaa xidigan doonaya waxaana la filayaa in kooxdisa ay ku iibiso qiimo ka sarreeyaa €50M ()
27/12/2025
🚨Real Madrid ayaa sidhow ula socoto saxiixyada cusub ee suurtagalka ah xagaaga 2026 Riyada ugu weyn ee kooxda, waa inay la saxiixdaan Vitinha, laakiin isagu ma aha magaca kaliya ee ku jira liiska kooxda.
Dhammaan arrimahan waa qayb ka mid ah qorshe wax looga qabanayo la'aanta hal-abuurka khadka dhexe, kaas oo la aqoonsaday inuu booskaas muhiim yahay bilo ka hor ( Picón)
27/12/2025
🚨 Hadii ay dhacdo in Vinicius Jr uu cusbooneysiin waayo qandaraaskiisa, Real Madrid ayaa iska iibin doonta.
Real Madrid ayaa u isticmaali karta lacagta ka soo xaroota iibinta Vinicius, taasoo ka badan karta 100 milyan oo Yuuro, inay Vitinha kala soo wareegto Psg.()
26/12/2025
🚨 WAR CUSUB! Real Madrid ayaa u furan suurtagalnimada inuu ka tago Ferland Mendy.
Laakiin, kooxda ayaa dhawaan heshiiskiisa kordhisay (illaa 2027 ama 2028), waxaana muuqata in Mendy aanu hadda ka fikirin inuu ka tago Madrid. ⚪️✨
26/12/2025
🚨 HADDA: Xabi Alonso wuxuu doonayaa khad dhexe bisha Janaayo, laakiin kooxda ayaa aaminsan in kooxda ay wanaagsan tahay
Go'aankoodu waa cadyahay: NO SAXIIX. oo ah
26/12/2025
🚨 𝗕𝗥𝗘𝗔𝗞𝗜𝗡𝗚: ️Real Madrid ayaa suuqa ka baadi goobeysa ciyaaryahan khadka dhexe ah oo kubad sameeye ah kuna fiican maamulida ciyaarta.
Magaca ugu badan ee dhanka kooxda laga hadal hayo ayaa ah Vitinha.
Suuqa janaayo kooxda lama filaayo inay sameyso wax saxiix ah, laakiin qorshaha ugu weyn ee kooxda ayaa ah in saxiixyo ay sameyso marka lagaaro suuqa xagaaga ee June.
( SER)
26/12/2025
⚠️ Kooxda Villarreal ayaa hadda dooneysa inay Lunin ka dhigto goolhayehooda koowaad.
✅️ Real Madrid ma furan tahay wax wadaxaajood ah, laakiin waxay ogolaan lahayd inuu u dhaqaaqo haddii uu codsado.