04/05/2019
Weeraryahanka Muslimka Ah ee Kooxda Reds Ka u Ciyaara Mo salah ayaa ku dhaawacmay Kulan xiiso leh oo ku dhexmaraya Kooxaha New Castle iyo Liverpool Waana 2_2
ciyaaraha dibadda iyo dalka kaga bogo ciyaaro.so
04/05/2019
Weeraryahanka Muslimka Ah ee Kooxda Reds Ka u Ciyaara Mo salah ayaa ku dhaawacmay Kulan xiiso leh oo ku dhexmaraya Kooxaha New Castle iyo Liverpool Waana 2_2
Baraha bulshada waxaa qabsaday sawir la sheegay in laga soo qaaday Alexis Sanchez, xilli Red Devils ay diyaarineyso muuqaalka saxiixooda cusub oo aan wali lagu dhawaaqin, waxaana Twitter-ka soo galiyay Samuel Luckhurst oo ka tirsan Manchester Evening News.
Sanchez ayaa la fahamsan yahay inuu heshiis kala badalasho ah ku yimid Old Trafford iyadoo Henrikh Mkhitaryan uu dhanka kale aadi doono, sida saxaafadda ay qortay wuxuu tijaabada caafimaad ku maray galabta Carrighton Training oo uu kusoo gaaray diyaarad khaas ah.
This may be the first picture of Alexis Sanchez in a United kit .twitter.com/QbieQtcp7v
— Samuel Luckhurst () January 21, 2018
Talaadada ayaa la filayaa inuu tababarkiisa ugu horeeya kooxda la qaato, sidoo kalana berito oo isniin ah la sugi doonaa inuu dhameystiro.
Sawirka lasoo qaaday waxaa la leeyahay shaqsi ayaa qaaday xilli kooxda Red Devils ay diyaarineysay muuqaalka ay saxaafadda usoo bandhigi doonto.
Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxdiisa ay horumar sameyneyso, inkastoo cadaadis ay la kulmeen afartii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.
Klopp kooxdiisa ayaa xalay si dirqi ah kaga badisay 3-2 kooxda Leicester kulan katirsan horyaalka Premier League, waxaana ay soo afjareen afar kulan oo ay guul la,aan ahaayeen.
Laakiin waxay ku dhiban yihiin wali qeybta dambe ee difaaaca, iyadoo goolal si sahlan looga dhalinayo.
Goolal ka kala yimid Mohamed Salah, Philippe Coutinho iyo Jordan Henderson ayaa ka saaciday xalay Reds in ay saddexda dhibic kasoo qaataan Leicester City.
Liverpool ayaa hogaanka ku qabatay 2-0, laakiin waxaa soo barbareeyay Shinji Okazaki iyo Jamie Vardy.
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa haatan ku faraxsan qaab ciyaareedka kooxdiisa isagoo hoosta ka xaqriiqay in wado wanaagsan kusoo laaabanayaan hadda.
“Waan ka warqabaa inuu cadaadis na saran yahay, waa in aan iska iloownaa wixii dhacay.
“Waxaan ku jirnaa hab wanaagsan, sababtoo ah waxaan ciyaareynaa kubad wanaagsan ayuu yiri tababaraha kooxda Klopp.