E-Somali Sports Federation

E-Somali Sports Federation

Share

Official National Governing Body for Esports in Somalia. Promoting youth development through esports.

21/04/2026

The President of the Somali Esports Federation (ESSF) congratulated the President of the International Esports Federation (IESF) on his re-election, wishing him continued success in advancing global esports.

Photos from E-Somali Sports Federation's post 19/04/2026

Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ciyaaraha Elektarooniga Soomaaliyeed ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta ciyaaraha elektarooniga (Esports) ee dalka, xoojinta iskaashiga hay’adaha, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa fursado tartan iyo horumar.
Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la taageero kobaca Esports-ka, lana dhiso barnaamijyo rasmi ah oo lagu horumarinayo xirfadaha dhalinyarada.

09/04/2026

Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Elektarooniga Soomaaliyeed, Said Abdullahi, ayaa hambalyo diirran u diraya garsoore Cumar Cartan oo loo doortay ka qeyb-galka Koobka Adduunka.
Wuxuu ku ammaanay dadaalka, kartida, iyo hufnaanta uu muujiyay Cumar Cartan, taasoo u sahashay inuu matalo Soomaaliya heer caalami ah. Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay ciyaaraha dalka, isla markaana dhiirrigelin u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.
Hambalyo mar kale, waxaana kuu rajeyneynaa guulo iyo sharaf aad dalka ku matasho.

Photos from E-Somali Sports Federation's post 13/03/2026

Duqa magaalada Kampala, Ronald Nsubuga Balimwezo, ayaa ka qeyb galay tartanka ciyaaraha elektarooniga ah ee Tekken 8 oo lagu qabtay magaalada Kampala. Tartankan waxaa ka soo qeyb galay ciyaartoy ka kala yimid dalal badan oo Bariga iyo Bartamaha Afrika ah. 🎮
Ka qeybgalka duqa magaalada ayaa muujinaya taageerada maamulka Kampala u hayaan horumarinta Esports iyo dhalinyarada ku jirta ciyaaraha elektarooniga ah ee si xawli ah ugu koraya gobolka.

Photos from E-Somali Sports Federation's post 10/03/2026

Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Elektarooniga Soomaaliyeed Mudane Said Abdullahi ayaa ka qeyb galay shir iyo tartamo ciyaaraha elektarooniga ah oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Shirkan iyo tartamadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiillo iyo ciyaartooy ka kala socday dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, kuwaas oo ka wada hadlay horumarinta ciyaaraha elektarooniga (Esports), iskaashiga dalalka gobolka, iyo fursadaha ay ciyaarahan u abuuri karaan dhalinyarada.
Ka qeybgalka Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Elektarooniga Soomaaliyeed ayaa muhiim u ah xoojinta xiriirka gobolka iyo kor u qaadista matalaadda Soomaaliya ee tartamada iyo shirarka caalamiga ah ee ciyaaraha elektarooniga.

Photos from E-Somali Sports Federation's post 08/03/2026

Hambalyo 🎮🏆
Waxaan hambalyo u diraynaa Faduma Abuukar Maxamed oo kaalinta 4aad ka gashay tartanka ciyaarta Tekken 8, kaas oo ay ka qayb-galeen ciyaartoy ka socday waddamada Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Tartankan waxaa sidoo kale ka qayb-galay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Elektarooniga Soomaaliyeed, isagoo taageero iyo dhiirigelin u muujiyay ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ka qayb-galaya tartamada heer gobol.
Guushan waxay muujinaysaa horumarka iyo kartida dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira ciyaaraha elektarooniga (Esports). 🇸🇴🎮

Photos from SAGES Africa's post 07/03/2026
07/03/2026

SOMALI QUEEN.

04/03/2026

Proud to represent Somalia at the Swahili Esports Champions as part of The Representatives panel! 🇸🇴🎮
It was an honor to stand alongside fellow leaders from Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Madagascar as we continue building stronger esports ecosystems across Africa.
Together, we are shaping the future of competitive gaming in our region — collaboration, innovation, and youth empowerment at the center.

02/03/2026

🇸🇴🎮 War Farxad Leh! 🎮🇸🇴
Waxaan si farxad leh ku shaacinaynaa in Faadumo Abukar Mohamed ay matali doonto Somalia tartanka ciyaarta Tekken 8 ee lagu qabanayo Kampala, Uganda! 🏆🔥
Faadumo waxay diyaar u tahay inay ka qayb gasho tartankan caalamiga ah, iyadoo u taaganayd inay kor u qaaddo magaca Soomaaliya ee goobaha ciyaaraha esports. Waxaan u rajaynaynaa nasiib, guul, iyo in ay ku soo laabato koob badan! 🥇🇸🇴
Aan wada taageerno Faadumo! 💪❤️

03/02/2026

Guul Soomaaliyeed.

🎮 GUUL TAARIIKHI AH – SOOMAALIYA & NBA 2K!

Soomaaliya ayaa sanadkeedii ugu horreeyay ka qayb-galka ciyaaraha NBA 2K (Esports) ku muujisay karti iyo hibbo aan caadi ahayn, iyadoo ku dhammaysatay kaalinta 3-aad ee tartamada Afrika.

Guushan taariikhiga ah waxay caddeyn u tahay horumarka ay sameynayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira Esports-ka, iyo awoodda ay u leeyihiin inay la tartamaan dalalka waaweyn ee qaaradda.

Waa tallaabo dhiirrigelin leh oo fure u noqon karta mustaqbal ifaya oo ay Soomaaliya ku yeelato ciyaaraha casriga ah ee caalamka.
Hambalyo ciyaartoyda, tababarayaasha, iyo dhammaan taageerayaasha!

E-Somali Sports Federation

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


Shangani
Mogadishu