Anwar Abukar

Anwar Abukar

Share

Fadlan Follow isoo dheh si ad u hesho wararkii ugu dambeyay Caalamka.

04/06/2026

UK "Waa in si dhaqsa ah loo joojiyaa dagaalka oo miiska wada hadalka leysugu yimaadaa"

04/06/2026

Mareykanka "Madaxda Somalia qiima ayeey ugu kici doontaa dagaalka socdo"

04/06/2026

Caalamka oo idil ayaa ka hadlaya dagaalka Mogadishu

03/06/2026

Dagaalka Mogdisho oo Caalamka gaaray.

03/06/2026

Ugu dambeyn Dowlada Somalia ayaa la safatay Dalalka Carabta kuna raacday go.ankoodii xalay, Somalia waxa ay sheegtay in Iraan aysan waxba ka quseyn qadiyad Carbeed.

03/06/2026

Ciidanka Amisom ayaa usoo baxay wadooyinka Mogdisho si ay ukala dhiciyaan Mucaaradka iyo dowlada.

03/06/2026

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa goor dhaw baahiyey muuqaal muujinaya ciidamadooda oo xalay gantaalaha xambaara hubka wax gumaada (ballistic missiles) iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136 ku garaacaya saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dalalka Baxrayn iyo Kuwayt.

Warbaahinta rasmiga ah ee Iiraan ayaa sheegtay in weerarkani uu ahaa aargudasho ka dhalatay ka dib markii uu Mareykanku weeraray saldhig ay ku lahaayeen jasiiradda Qeshm iyo maraakiib Iiraan leedahay.

02/06/2026

Somalia wali k**a hadlin warkii ay soo saareen dalalka Carabta kaas oo looga soo hor jeedo in iraan ay ka hadasho qadiyada dal carbeed sida Falistiin.

02/06/2026

Wasiirka Gaashaandigga Israa'iil (Katz) "Lubnaan k**a jiri doonto wax xabbad-joojin ah, ciidanka difaaca Israa'iil (IDF) na waxay sii wadayaan weerarada ka dhanka ah Xisbullah."

"Israa'iil ma ahan dal waxii la rabo loo yeerin karo, Israa'iil waxaa iska leh Israa'iil mana jirto wax an ka aheyn in an sii wadno burburinta cadawga"

02/06/2026

Sida an goor sii horeysay niila wadaagay Dalalka Carabta ayaa war ka soo saaray hadalkii Iraan ee ahaa in ay u taagantahay qaliyada Falistiin iyo libnaan.

La-taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka (MbZ), Anwar Gargash ayaa sheegay in iraan ay faraha kala baxdo Arimaha dalalka Carabta oo somalia ka mid tahay.

Imaaraadka iyo xulafadiisa Khaliijka waxay muddo dheer aaminsanaayeen in Iiraan ay isku dayeyso inay awooddeeda ku ballaariso dalalka Carabta iyadoo adeegsanaysa kooxaha ay maalgeliso (Proxies).

Gargash wuxuu soo saaray saddex qodob oo aasaas u ah xiriir kasta oo mustaqbalka dhexmara dalalka Carabta iyo Iiraan:

​1: In la dhowro xuduudaha iyo go'aamada dawladaha kale.

​2: In nabad lagu wada noolaado.
​Faragelin la'aan,

3: In Iiraan ay faraha ka laabato arrimaha dalalka Carabta.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


KM4
Mogadishu