Somali National Olympic Committee

Website

Somali National Olympic Committee Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed
The official Page of Somali National Olympic committee

21/09/2026
20/09/2026

Si toos ah ula soco ciyaarta Koobka Kubbadda Kolleyga Janaral Daa’uud 2026.Heegan πŸ†š Feero

20/09/2026

πŸ€πŸ‡ΈπŸ‡΄ GOOS-GOOSKA CIYAARTII

Xamaasad, tartan iyo kubad qurux badan! πŸ”₯πŸ€

Horseed 57 – 64 Dekedaha

Daawo goos-gooska kulankii xiisaha lahaa ee Koobka General Daa’uud 2026. πŸ‘πŸ‡ΈπŸ‡΄

20/09/2026

πŸ€πŸ‡ΈπŸ‡΄ XUSUUS IYO XAMAASAD β€” WIISH STADIUM

Caawa qof kasta oo tagay Garoonka Wiish wuxuu dib u xasuusanayaa waayihii iyo dhacdooyinkii uu garoonkani soo maray tobannaan sano ka hor.

Muuqaalkan, Waa Wasiiru-dowlayaasha Wasaaradaha Gaadiidka iyo Amniga Gudaha iyo Xildhibaan Aamino Eelay ayaa la wadaagaya xamaasadda iyo dareenka shacabka, iyagoo goob-joog u ah habeen taariikhi ah oo kubadda koleyga Soomaaliyeed ah. πŸ€πŸ‡ΈπŸ‡΄

Wiish ma aha oo keliya garoon β€” waa xusuus ay jiilal wadaagaan. β€οΈπŸ‡ΈπŸ‡΄

19/09/2026

πŸ€πŸ‡ΈπŸ‡΄ β€œ36 sano ka hor, meeshan annaga oo ciyaareyna ayaa nalagu daawanayay; caawana annagaa daawaneyna jiil cusub oo ciyaaraya.”
β€” Marwo Suad Galow, Guddoomiyaha GOQS

πŸ€πŸ‡ΈπŸ‡΄ 36 SANO KADIB β€” WIISH STADIUM TAARIIKH CUSUB QORANTAY!Caawa waxaa la qoray bog cusub oo taariikhda kubadda koleyga S...
19/09/2026

πŸ€πŸ‡ΈπŸ‡΄ 36 SANO KADIB β€” WIISH STADIUM TAARIIKH CUSUB QORANTAY!

Caawa waxaa la qoray bog cusub oo taariikhda kubadda koleyga Soomaaliyeed ah, iyadoo muddo 36 sano ah kadib markii ugu horreysay tartan kubadda koleyga ah dib loogu ciyaaray waqti habeen ah.

Garoonkii Wiish oo caawa mar kale ka yeerayay sawaxanka iyo farxadda taageerayaasha, waxaa buux dhaafiyay shacabkii ugu badnaa, kuwaas oo u yimid inay qayb ka noqdaan taariikhda cusub ee Isboortiga Soomaaliyeed. πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€

Kulankii xiisaha lahaa:

πŸ€ Horseed 57 – 64 Dekedaha

Guusha caawa ma ahayn oo keliya natiijo ciyaar β€” waxay ahayd dib-u-soo-noqoshada xusuus, rajo iyo nolol cusub oo lagu soo celiyay ciyaaraha Kubada Kolayga iyo Wiish Stadium.

36 sano kadib, Kubada Kolayga mar kale way nool shahay.
Kubadda Koleyga Soomaaliyeedna way soo laabatay! β€οΈπŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€

πŸ€ Guddoomiyaha GOQS oo Kulan la Qaadatay Garsoorayaasha Heer CaalamiGuddoomiyaha Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed...
18/09/2026

πŸ€ Guddoomiyaha GOQS oo Kulan la Qaadatay Garsoorayaasha Heer Caalami

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (GOQS), Marwo Suad Galow, ayaa xarunta GOQS kulan kula qaadatay garsoorayaasha kubadda koleyga ee heerka caalami, kuwaas oo Muqdisho u yimid inay dhex-dhexaadiyaan kulamada ka haray Koobka General Daa’uud 2026.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta tayada garsoorka iyo kobcinta kubadda koleyga Soomaaliyeed, iyo muhiimadda ay leedahay khibradaha caalamiga ah ee horumarinta ciyaaraha dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahayd Geni Hassan, Xubin ka tirsan GOQS ahna Madaxa Maamulka iyo Maaliyadda.

πŸ€πŸ‡ΈπŸ‡΄ KUBADDA KOLEYGA SOOMAALIYEED WAY SOO LAABATAY!Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS,  Guddiga Olombikada Qaran...
17/09/2026

πŸ€πŸ‡ΈπŸ‡΄ KUBADDA KOLEYGA SOOMAALIYEED WAY SOO LAABATAY!

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (GOQS) iyo Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed (XSKK) waxay si diirran Muqdisho ugu soo dhaweeyeen garsoorayaasha caalamiga ah ee FIBA, Alex πŸ‡«πŸ‡· iyo Francisco πŸ‡°πŸ‡ͺ.

Imaanshahoodu waa fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo aqoonta garsoorayaasha Soomaaliyeed, tayada tartamada iyo horumarinta kubadda koleyga dalka.
Maanta waynu ka baranaynaa adduunka; berri adduunku wuxuu inaga baran doonaa. πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€

Address

Corso Somalia Road, Shangani District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali National Olympic Committee posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category